Search This Blog

Tuesday, July 1, 2008

Boqorka dalka Sucuudiga iyo Suldaanka Cummaan oo Shacabka Soomaaliyeed u diray hambalyada 1-da Luuliyo.

Boqorka dalka Saudi Arabia Boqor C/llaahi bin C/casiis Alla Sucuudi iyo Sudaalka dalka Cummaan Suldaan Qaabuus bin Saciid ayaa u diray shacabka Soomaaliyeed hambalyo ku aaddan 1-da Luuliyo.

Boqorka iyo Suldaanka ayaa waxay shacabka Soomaaliyeed u rajeeyeen horumar iyo baraare, iyagoo ALLE ka baryay in sanadkaan sannadkiisa ay ku gaaraan guul iyo baraare.

C/lla bin C/casiis iyo Suldaan Qaabuus, ayaa waxay taleefoonka kula hadleen Madaxweynaha Somalia C/llaahi Yuusuf oo ku sugan dalka Masar oo uu kaga qaybgalayo shirka Madaxda Afrika.
Labadan mas'uul ayaa hambalyo ku aaddan maalintan qiimaha badan gaarsiiyay Madaxweynaha Somalia, iyagoo u rajeeyay in Somalia ay gaarto nabad iyo horumar la taaban karo.


Madaxweynaha Somalia ayaa dhankiisa hambalyo ku aaddan maalinta xorriyada Somalia u diray shacabka Soomaaliyed, isagoo xusay inuu aad uga xun yahay in Somalia ay sidan ahaato muddo 48-sano ah kaddib.

Ra'iisul wasaaraha Somalia Nuur Cadde ayaan ku sugnayn dalka maanta oo ay ku beegan tahay sannadguuradii 48-aad ee xoriyadda Somalia, mana jirto wax hadal ah oo uu ka yiri maanta.
Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe oo isaguna ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu u rajeynayo shacabka Soomaaliyeed inuu ALLE ka saaro kala qaybsanaanta iyo tafaraaruqa uuna jiho mid ah isku raaciyo..


Banaadir Post.
Xamar