Search This Blog

Saturday, May 23, 2009

Qanyare, Caato & Yalaxow oo nabad ku baaqay & Sh Turki, Sh Aweys, Sh Sharif oo
















Soomaaliya oo la daaladhacaysay muddo 20 sano ku dhaw dagaalo iyo diif durugsan oo ay sababeen, waxaa hadda xaalku cakirmay markii ay noqotey xaajadu “Ka dar oo dibi dhal”, Halkii laga filayey daruur ayaa ceeryaamo curatey” waxaan ula jeedaa halkii inoogu dambeysay oo ahaa culimada ayaa hadda waxaa loo arkayaa amaba ay noqdeen kuwa mindiyaha isu lisanaya, warankuna dhiig u leeyahay.

Mashaa’iq badan iyo rag badan oo wata magaca Shiikh ayaa maanta horboodaya oo marada u ruxaya dagaal dhiig badani ku qubanayo, isla markaana maato fara badani ku le’anayso ujeedaduu doonee ha lahaadee, waa kala maan oo ragga dagaalkan ku lugta leh ee haddana kitaabada wataa waxay qaarkood aamisanyihin inay u dagaalamaan Jihaad halka kuwa kalena ay aamisan yihiin in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid xaq ah oo ay ku difaacayaan dawlad iyo dal.
Saaxiibtinimadan & Qosolkan maxaa u sabab xiligaasi ?Shacab badan oo u hamuun qabey in ka bixitaankii ciidamadii Itoobiya ay heli doonan nabad iyo barwaaqo, isla markaana si weyn ugu qanacsanaa hogaaminta wadaadada maanta garhayeenka ka ah dagaalka ayaa hada u guur guurtey jihadii quusta iyo murugada, waxaana dadkaasi oo mudo laba sano ka badan ku dhibaataysanaa duleedka Muqdisho iyo deegaano kale hada dantu bidey inay dib ugu laabtaan raadkoodii ay maalmo ka hor ka soo guryo noqdeen ka dib markii rajo soo gashay.

Isbadalka dabeysha siyaasadeed ee xiligan ka dhacaysa Soomaaliya ma ahan mid la saadaalin karo halka ay sal dhiganayso, waxaa is badalaya marba jiil si weyn uga dhexmuuqanaya siyaasada iyo muraayadaha laga daawado dadka murqaha waa weyn ee ugu tunka weyn isjiidka jiidka iyo xarig jiidka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Saw la yaab ma ahan?

Habeen saq dhexe goor aan magaalada ka soo laabtey isla markaana aan ku suganahay qolka Hotel aan ka deganahay magaalada Nairobi ayaan waxaan isha la raacay tiro ka mid ah mareegaha wararka Soomalida ee dhex yaacaya Internet-ka waxaan eegay kolba mid badidood waxay ka sinaayeen dagaaladii dhacay maalmihii la soo dhaafay iyo waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Kooxaha Islaamiyiinta ee isku dilaya Koofurta SomaliaBarahaasi Internet oo ay ka mid tahay Allsbc.com oo aan ahay tifaftiraheeda guud dhamaantood waxay sidan horey u sheegay ka sinaayeen qorida iyo ka hadalka xaalada cakiran ee hada uu ku sugan yahay dalku gaar ahaan dagaalada socda ee ay ku lugta leeyihiin ururo diimeedyada is diidan.

Markii aan dhameeyey aqrintii qormooyinkii iyo wararkii web site-yada badankood ayaa waxaa ii soo baxay inaan wax ka qoro wixii iigu yaabka badnaa intii aanb booqshada ku jirey wararka waxaa ii soo baxdey markii aan isku xooriyey wararka Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cismaan Caato, Eng. Cadow iyo rag kale oo caan ku ahaa dagaal iyo xabad oo Muqdisho inta ku shireen nabad iyo xabad joojin ku baaqay.

Cismaan Caato, Qanyare & Muuse Suudi oo nabad doonayaDhinaca kale ayaan warkii u rogay markaasi ayaa waxaa ii soo baxay Sheekh Xasan Tukri oo Jowhar qabsadey, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tuute u xirtey dagaal, Sheekh Shariif oo u diyaar garoobay in uu difaaco dawladiisa weerarka lagu yahey, Sheekh Maxamed Mire iyo ciidamo uu horkacayo oo Muqdisho ku soo fool leh, Sheekh Mukhtaar Roobow oo sheegay in ay dagaalka sii wadayaan, Sheekh Abuu Zubeyr oo ku baaqay in la rido xukuumada Sheekh Shariif, Sheekh Indho-Cade oo ku dhaartey in uu difaacayo dawlada Islaamiga ah, Sheekh C/risaaq Yuusuf oo ku baaqay in laga hortago Shabaab.

Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) Sawirka Jasiira TVWarkii ayaan sii raacay markaasi ayaa hadana waxaan eegay dagaalada gobolada dhexe oo la leeyahay Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa ku dagaalamaya, waliba mid kasta uu leeyahay waxaan la dagaalamayaa gaalo iyo gaalo raac.

Anigoo la yaaban meesha xaajadu ka qasan tahay oo ragii caanka ku ahaa dagaalka iyo dhiig daadinta ay nabad ku baaqayaan, dadkii loo noqon jirey oo kibaato sitana dagaal u tafaxaydanayaan ayaan waxaan wadasheekaysiga Internet-ka ee MSN-ka loo yaqaan ku kulanay Deeqo Yuusuf (Deeqa Sonna) oo ka mid aheyd saxafiyiintii sanooyin ka hor ka hawlgali jiray gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Waxaan iska wareysanay Deeqo xaalada wadanku marayo markaasi ayaan u qoray “waxaan haynaa Muuse Suudi, Qanyare iyo Cismaan Caato oo nabad ku baaqay iyo Sheekh Turki, Sheekh Shariif, Sheekh Aweys oo dagaal ku hawlan” markaasi ayey qosol iyo yaab isku dartey waxayna igu dhiiri galisay inaan ka qoro maqaalkan, anigoo sidaasi ku bilaabay maqaalkan.

Sheekh Roobow oo dagaal ku goodinaya

Deeqo Sonna oo runtii mudo ka soo shaqeysay Idaacado waa weyn oo ay SBC International ka mid tahay, hadda waxay ku nooshahay wadanka Mareykanka, waxaana Deeqo ku xusuusta wararkii ay SBC uga soo tabin jirtey dagaaladii Jubada Hoose sanadihii 1999-2000 iyo waliba sanooyin ka horeeyey ama ka dameeyey.

Xusuus kooban

Deeqo Sonna runtii waxay ka mid aheyd wariyeyaashii Gobolada ee SBC international uga soo warami jirey kuwooda ugu fir fircoonaa waxay aheyd gabar ku wanaagsan dhismaha wararka iyo habka warka loo dhigo, ka tifaftir ahaan ma badneyn wararka Deeqo tifaftir ahaan in lagu qabsado oo waxay aheyd qof aad u taxadar badan, runtii waxaan oran karo waa dhalinta u soo baxdey sanooyinkii la soo dhaafay saxaafada Soomaaliya.
Xaaladan hadda taagan ee isbadalka siyaasada ayaan waxaan ku xusuustey warbixin ay sanadkii 1999-kii bishii June Deeqo ka soo tabisay magaalada Kismaayo wuxuu ahaa dagaal ay hogaaminayeen laba hogaamiye kooxeed oo midi doonayey in uu qabsado magaalada midna ka difaacanayey, warkii Deeqo soo tabisay ayaa wuxuu ahaa in weerarkii uu ku doonayey hogaamiyihii doonayey in uu magaalada qabsado in dib ay u waabiyeen maleeshiyo kale oo daacad u ahaa hogaamiye kooxeedkii xiligaasi gacanta ku hayey magaalada, warkaasi wuxuu baxay duhurnimadii xiliga wararka SBC International, mudo yar ka dib ayaa waxaa telefoonkayga gacanta iga soo wacay nin ka mid ahaa masuuliyiintii xiligaasi ee maamulkii ka jiray deegaanada ay ka hawl gasho Idaacada SBC ee Puntland wuxuu igu yiri “warka ay Deeqo Sonna soo tabisay waa been oo waxba ka jiraan anigaa kuu haya xaqiiqda ciidanka ay leedahay waa la waabiyey waxay Kismaayo u jiraan 5 KM”.

Waxaa iigu yaab badnaa markii warkaasi baxay ayaa waxaa na soo gaaray war deg deg ahaa oo sheegayey in degmada Dhoobley ay qabsadeen maleeshiyaad isbahaystey laakiin warkaasi waxaan u doonay xog dheeraad ah isla markiiba ma aynan baahin sababo sugnaanshahaha warka ah.

Mudo yar ka dib aniga iyo masuulkii oo ay naga dhex tolan tahay anigana aan leeyahay “Mudane meesha wariye ayaa noo jooga hadii warkiisa been noqdo waa hawl inoo taal oo aan kula xisaabtamayno wariyaha, laakiin aan hubsano adiguna soo hubso” 15 daqiiqo ka dib waxaa laga baahiyey idaacada BBC-da laanta afka Soomaaliga dhamaan wararkii aan siidaynay oo sidii wariyuhu u soo tabiyey, waxaana ka dib ay idaacadaasi sii raacisey in degmada Dhoobley ay qabsadeen maleeshiyaad isbahaystey oo taageerayey kooxdii ka talinaysay magaaalda Kismaayo.

Isbarbardhig oo maxaa kuu soo baxay

Waxaan hadaba is barbardhigay dagaaladii xiligaasi socdey iyo kuwa maanta socda, waxaan niyada iska iri “tallow miyaanay dhici karin xiligaasi dagaaladii dhacayey ragii ku lugta lahaa inay maanta la yaaban yihiin dagaalada ay wadaan rag ay suurtagal tahay karto in xiligaasi kibaabo masaajidyada ka aqrin jiray oo lahaa wadaado ku xiran oo ay kutubta u aqriyaan”.

Kitaabka Quraanka Kariimka ah

“Tiiyoo ay dhici laheyd in hadii xiligaasi la yiraahdo “
Sheekh ka waran dagaaladaasi” ay dhici laheyd in uu yiraahdo “waa ehlu naar kan la dilay iyo kan wax dilay ama kuwa dagaalamayaba”.

Waxayse ku fiicnedy in maanta ka waydiiyo dagaaladii qabqablayaasha iyo kuwa ay hada wadaan wadaadu waxa ay ku kala duwan yihiin.

Waxaan shaki iyo mugdi ku jirin in hadda wax haray aanay jirin ma ogi cid loo laaban karo, Soomaalida oo ah dad aad diinta u qadariya, waxay waagii hore marka la is qabto si fudud la isugu oran jirey “Noo gee Sheekh Hebel Kibaanka ha nagu kala saaree”.

Laakiin maanta waxay ibtalo joogtaa yaan u laaban doonaa, yaa na kala guri doona, yaase u carari doonaa, ma qabqablaha 20 sano dagaalka nagu soo gaarsiiyey ee maanta nabada ku baaqaya mise wadaadka hada dhashiikaha iyo baroonka la boodaya ee Jihaad iyo Mujaahid dhiiga ku daadinaya ?…..Bal Adba…!!!
Tifaftiraha Guud
Mowliid Xaaji Cabdi

Caasimada Somaliya Oo Caawa U Muuqata Mid La faarujiyay,Iyo Qixii Ugu Badnaa oo Caawa laga Daremaayo Magaalada Muqdisho


Magaalada Caasimada ah Ee Muqdisho ayaa waxa ay Caawa U Muuqataa Mid Guud ahaanba ay Farujiyeen dadkii tirada yaraa Ee iyagu Rajada Ka qabay in ay mar uun heli Doonaan Nabad ayaa waxa ay Caawa iyagoo Niyad jabsan isaga hayaameen.

Dadka tirada yaraa Ee ku sugnaa goobaha ka baxsan dagaalda ayaa waxa Sameyn balaaran ku Yeeshay Madaafiic aan Loo meel dayin oo Manta ilaa galabta lagu Garacayay Goobo Fara badan oo ka tirsan Magaalda Muqdisho.

Xaafadaha Ugu badan Ee Caawa laga hayaamayo ayaa waxa Kamida Hodan,Howlwadaag,Wardhigley,Xararyaale iyo aga gaarka Tira Buunka Ee Magalada Muqdisho,Qaxa caawa laga Dareemayo Ama lagu arkay ayaa waxa uu Mujinayaa in ay Dadkii Ugu Dambeyay Magaladan Isaga Carareen iyagoona Guus Ka Muujiyay In Ay ku Noladaan Magaalada Muqdisho oo Marti U Noqotay Dagaalo aaan dhamaan laheyn Soona Noq-noqday Marar badan.


Haweeney ka Mida Dadka Degaanka Wardhiigley oo La hadleysay Dayniile Xili ay ku Guda jirtay Daabulida aalabaheda ayaa waxa ay ku Catowday
" Ilaahow adaa qaadira,Ma aqaano Meel aan U socdo,Ma aqaano Gurigeyga Qof aan uga tago, Ilaahow Inoo Naxariiso"
iyadoo ay Ka Muuqato Wel-Wal Iyo Jaha wareer Fara badan.

“Dadka Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay markaan Quus ka Muujinayaan Ku sii Noolaasha Caasimada Muqdho Madaam ay Sacad walba dhici karaan Dagaalo,Dadkuna ay Yihiin dareen ku joog Iyadoona ay Is Hor Fadhiyaan Qolyihii Magalada Ku Dagalamay.


Horaantii Isbuucan ayay aheyd kadib markii ay Dad fara badan ay lafahooda ay kala Baxsadeen magaalada Muqdisho Kuwaas oo u qaxay Degaanada Ku Xeeran Muqdisho tii Oo ay jirto ayaa caawa waxa ka daba dagay Xoogi yaraa Ee magaalada Ku haray.

Isku Soo wada Duuboo Madalada Muqdisho ayaa waxa au tahay Caawa Mid Guud aahmna Hawaneysa Kadib Dagaalo aan dhamaad laheyn oo ay Muqdisho Mar kale Madaxa La gashay.
Xigasho Dayniile.com

Cabdiraxmaan Macalin Xuseen
Mamaan82@hotmail.com
Tafatiraha Wabka Dayniile.com

Midowga Afrika oo taageeray go’aankii IGAD ee ahaa in la xayiro Dekedaha ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa taageeray go’aankii ay dhawaan soo saareen Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ee ahaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxahaas.

War-murtiyeed uu soo saaray Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in sababta xayiraadda loogu soo rogayo Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay tahay iyadoo ay ka soo dejiyaan dagaalyahanno Ajnabi ah, sidoo kalena ay hub kala soo degaan.

Laakin Danjiraha Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Araya Desta ayaa ka soo horjeestay eedeynta loo jeedinayo Dowladdiisa, wuxuuna sheegay in ay eedeyntaas tahay mid looga soo horjeedo dalkiisa.

Dowladda Eritrea oo ka tirsaneyd Urur Goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen dalal todobo ah oo ku yaalla Bariga Afrika ayaa Ururkaas isaga baxday kadib markii ay inta badan dalalka IGAD ay siyaasad ahaan isugu dhaceen.

Haddaba inkastoo ay beenineyso Dowladda Eritrea eedeynta loo jeediyay ee ah in ay hubeyneyso mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, haddana Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in ay taageero ka helaan Dowladda Eritrea, sidoo kalena ay dagaalyahanno Ajnabi ah ay ugu soo biireen magaca Islaamka aawgiis.

Si kastaba, arrintu ha ahaatee, Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ay isku raaceen in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea, sidoo kalena la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya..

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com