Search This Blog

Saturday, May 23, 2009

Qanyare, Caato & Yalaxow oo nabad ku baaqay & Sh Turki, Sh Aweys, Sh Sharif oo
















Soomaaliya oo la daaladhacaysay muddo 20 sano ku dhaw dagaalo iyo diif durugsan oo ay sababeen, waxaa hadda xaalku cakirmay markii ay noqotey xaajadu “Ka dar oo dibi dhal”, Halkii laga filayey daruur ayaa ceeryaamo curatey” waxaan ula jeedaa halkii inoogu dambeysay oo ahaa culimada ayaa hadda waxaa loo arkayaa amaba ay noqdeen kuwa mindiyaha isu lisanaya, warankuna dhiig u leeyahay.

Mashaa’iq badan iyo rag badan oo wata magaca Shiikh ayaa maanta horboodaya oo marada u ruxaya dagaal dhiig badani ku qubanayo, isla markaana maato fara badani ku le’anayso ujeedaduu doonee ha lahaadee, waa kala maan oo ragga dagaalkan ku lugta leh ee haddana kitaabada wataa waxay qaarkood aamisanyihin inay u dagaalamaan Jihaad halka kuwa kalena ay aamisan yihiin in dagaalka ay ku jiraan uu yahay mid xaq ah oo ay ku difaacayaan dawlad iyo dal.
Saaxiibtinimadan & Qosolkan maxaa u sabab xiligaasi ?Shacab badan oo u hamuun qabey in ka bixitaankii ciidamadii Itoobiya ay heli doonan nabad iyo barwaaqo, isla markaana si weyn ugu qanacsanaa hogaaminta wadaadada maanta garhayeenka ka ah dagaalka ayaa hada u guur guurtey jihadii quusta iyo murugada, waxaana dadkaasi oo mudo laba sano ka badan ku dhibaataysanaa duleedka Muqdisho iyo deegaano kale hada dantu bidey inay dib ugu laabtaan raadkoodii ay maalmo ka hor ka soo guryo noqdeen ka dib markii rajo soo gashay.

Isbadalka dabeysha siyaasadeed ee xiligan ka dhacaysa Soomaaliya ma ahan mid la saadaalin karo halka ay sal dhiganayso, waxaa is badalaya marba jiil si weyn uga dhexmuuqanaya siyaasada iyo muraayadaha laga daawado dadka murqaha waa weyn ee ugu tunka weyn isjiidka jiidka iyo xarig jiidka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Saw la yaab ma ahan?

Habeen saq dhexe goor aan magaalada ka soo laabtey isla markaana aan ku suganahay qolka Hotel aan ka deganahay magaalada Nairobi ayaan waxaan isha la raacay tiro ka mid ah mareegaha wararka Soomalida ee dhex yaacaya Internet-ka waxaan eegay kolba mid badidood waxay ka sinaayeen dagaaladii dhacay maalmihii la soo dhaafay iyo waliba dhacdooyinkii ugu dambeeyey ee 24-kii saac ee la soo dhaafay.

Kooxaha Islaamiyiinta ee isku dilaya Koofurta SomaliaBarahaasi Internet oo ay ka mid tahay Allsbc.com oo aan ahay tifaftiraheeda guud dhamaantood waxay sidan horey u sheegay ka sinaayeen qorida iyo ka hadalka xaalada cakiran ee hada uu ku sugan yahay dalku gaar ahaan dagaalada socda ee ay ku lugta leeyihiin ururo diimeedyada is diidan.

Markii aan dhameeyey aqrintii qormooyinkii iyo wararkii web site-yada badankood ayaa waxaa ii soo baxay inaan wax ka qoro wixii iigu yaabka badnaa intii aanb booqshada ku jirey wararka waxaa ii soo baxdey markii aan isku xooriyey wararka Muuse Suudi, Maxamed Qanyare, Cismaan Caato, Eng. Cadow iyo rag kale oo caan ku ahaa dagaal iyo xabad oo Muqdisho inta ku shireen nabad iyo xabad joojin ku baaqay.

Cismaan Caato, Qanyare & Muuse Suudi oo nabad doonayaDhinaca kale ayaan warkii u rogay markaasi ayaa waxaa ii soo baxay Sheekh Xasan Tukri oo Jowhar qabsadey, Sheekh Xasan Daahir Aweys oo tuute u xirtey dagaal, Sheekh Shariif oo u diyaar garoobay in uu difaaco dawladiisa weerarka lagu yahey, Sheekh Maxamed Mire iyo ciidamo uu horkacayo oo Muqdisho ku soo fool leh, Sheekh Mukhtaar Roobow oo sheegay in ay dagaalka sii wadayaan, Sheekh Abuu Zubeyr oo ku baaqay in la rido xukuumada Sheekh Shariif, Sheekh Indho-Cade oo ku dhaartey in uu difaacayo dawlada Islaamiga ah, Sheekh C/risaaq Yuusuf oo ku baaqay in laga hortago Shabaab.

Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) Sawirka Jasiira TVWarkii ayaan sii raacay markaasi ayaa hadana waxaan eegay dagaalada gobolada dhexe oo la leeyahay Shabaab iyo Ahlu Sunna ayaa ku dagaalamaya, waliba mid kasta uu leeyahay waxaan la dagaalamayaa gaalo iyo gaalo raac.

Anigoo la yaaban meesha xaajadu ka qasan tahay oo ragii caanka ku ahaa dagaalka iyo dhiig daadinta ay nabad ku baaqayaan, dadkii loo noqon jirey oo kibaato sitana dagaal u tafaxaydanayaan ayaan waxaan wadasheekaysiga Internet-ka ee MSN-ka loo yaqaan ku kulanay Deeqo Yuusuf (Deeqa Sonna) oo ka mid aheyd saxafiyiintii sanooyin ka hor ka hawlgali jiray gudaha Soomaaliya gaar ahaan magaalada Kismaayo.
Waxaan iska wareysanay Deeqo xaalada wadanku marayo markaasi ayaan u qoray “waxaan haynaa Muuse Suudi, Qanyare iyo Cismaan Caato oo nabad ku baaqay iyo Sheekh Turki, Sheekh Shariif, Sheekh Aweys oo dagaal ku hawlan” markaasi ayey qosol iyo yaab isku dartey waxayna igu dhiiri galisay inaan ka qoro maqaalkan, anigoo sidaasi ku bilaabay maqaalkan.

Sheekh Roobow oo dagaal ku goodinaya

Deeqo Sonna oo runtii mudo ka soo shaqeysay Idaacado waa weyn oo ay SBC International ka mid tahay, hadda waxay ku nooshahay wadanka Mareykanka, waxaana Deeqo ku xusuusta wararkii ay SBC uga soo tabin jirtey dagaaladii Jubada Hoose sanadihii 1999-2000 iyo waliba sanooyin ka horeeyey ama ka dameeyey.

Xusuus kooban

Deeqo Sonna runtii waxay ka mid aheyd wariyeyaashii Gobolada ee SBC international uga soo warami jirey kuwooda ugu fir fircoonaa waxay aheyd gabar ku wanaagsan dhismaha wararka iyo habka warka loo dhigo, ka tifaftir ahaan ma badneyn wararka Deeqo tifaftir ahaan in lagu qabsado oo waxay aheyd qof aad u taxadar badan, runtii waxaan oran karo waa dhalinta u soo baxdey sanooyinkii la soo dhaafay saxaafada Soomaaliya.
Xaaladan hadda taagan ee isbadalka siyaasada ayaan waxaan ku xusuustey warbixin ay sanadkii 1999-kii bishii June Deeqo ka soo tabisay magaalada Kismaayo wuxuu ahaa dagaal ay hogaaminayeen laba hogaamiye kooxeed oo midi doonayey in uu qabsado magaalada midna ka difaacanayey, warkii Deeqo soo tabisay ayaa wuxuu ahaa in weerarkii uu ku doonayey hogaamiyihii doonayey in uu magaalada qabsado in dib ay u waabiyeen maleeshiyo kale oo daacad u ahaa hogaamiye kooxeedkii xiligaasi gacanta ku hayey magaalada, warkaasi wuxuu baxay duhurnimadii xiliga wararka SBC International, mudo yar ka dib ayaa waxaa telefoonkayga gacanta iga soo wacay nin ka mid ahaa masuuliyiintii xiligaasi ee maamulkii ka jiray deegaanada ay ka hawl gasho Idaacada SBC ee Puntland wuxuu igu yiri “warka ay Deeqo Sonna soo tabisay waa been oo waxba ka jiraan anigaa kuu haya xaqiiqda ciidanka ay leedahay waa la waabiyey waxay Kismaayo u jiraan 5 KM”.

Waxaa iigu yaab badnaa markii warkaasi baxay ayaa waxaa na soo gaaray war deg deg ahaa oo sheegayey in degmada Dhoobley ay qabsadeen maleeshiyaad isbahaystey laakiin warkaasi waxaan u doonay xog dheeraad ah isla markiiba ma aynan baahin sababo sugnaanshahaha warka ah.

Mudo yar ka dib aniga iyo masuulkii oo ay naga dhex tolan tahay anigana aan leeyahay “Mudane meesha wariye ayaa noo jooga hadii warkiisa been noqdo waa hawl inoo taal oo aan kula xisaabtamayno wariyaha, laakiin aan hubsano adiguna soo hubso” 15 daqiiqo ka dib waxaa laga baahiyey idaacada BBC-da laanta afka Soomaaliga dhamaan wararkii aan siidaynay oo sidii wariyuhu u soo tabiyey, waxaana ka dib ay idaacadaasi sii raacisey in degmada Dhoobley ay qabsadeen maleeshiyaad isbahaystey oo taageerayey kooxdii ka talinaysay magaaalda Kismaayo.

Isbarbardhig oo maxaa kuu soo baxay

Waxaan hadaba is barbardhigay dagaaladii xiligaasi socdey iyo kuwa maanta socda, waxaan niyada iska iri “tallow miyaanay dhici karin xiligaasi dagaaladii dhacayey ragii ku lugta lahaa inay maanta la yaaban yihiin dagaalada ay wadaan rag ay suurtagal tahay karto in xiligaasi kibaabo masaajidyada ka aqrin jiray oo lahaa wadaado ku xiran oo ay kutubta u aqriyaan”.

Kitaabka Quraanka Kariimka ah

“Tiiyoo ay dhici laheyd in hadii xiligaasi la yiraahdo “
Sheekh ka waran dagaaladaasi” ay dhici laheyd in uu yiraahdo “waa ehlu naar kan la dilay iyo kan wax dilay ama kuwa dagaalamayaba”.

Waxayse ku fiicnedy in maanta ka waydiiyo dagaaladii qabqablayaasha iyo kuwa ay hada wadaan wadaadu waxa ay ku kala duwan yihiin.

Waxaan shaki iyo mugdi ku jirin in hadda wax haray aanay jirin ma ogi cid loo laaban karo, Soomaalida oo ah dad aad diinta u qadariya, waxay waagii hore marka la is qabto si fudud la isugu oran jirey “Noo gee Sheekh Hebel Kibaanka ha nagu kala saaree”.

Laakiin maanta waxay ibtalo joogtaa yaan u laaban doonaa, yaa na kala guri doona, yaase u carari doonaa, ma qabqablaha 20 sano dagaalka nagu soo gaarsiiyey ee maanta nabada ku baaqaya mise wadaadka hada dhashiikaha iyo baroonka la boodaya ee Jihaad iyo Mujaahid dhiiga ku daadinaya ?…..Bal Adba…!!!
Tifaftiraha Guud
Mowliid Xaaji Cabdi