Search This Blog

Sunday, May 24, 2009

Dagaalyahano ajnabi ah oo toddobaadyadii u dambeeyay tegay Muqdisho, lana xaqiijiyay inay ka barbar dagaalamayeen Al-Shabaab

Sarkaal Mareykan ah oo ka tirsan Hay’adda la dagaalanka argagixisada kuna sugan dalka Kenya ayaa sheegay in magaalada Muqdisho toddobaadyadii la soo dhaafay ay tageen dagaalyahano ajnabi ah oo ka barbar dagaalamaya kooxda AlShabaab, wuxuuna sarkaalkaasi sheegay in warbixin ku saabsan xaaladda Soomaaliya ay hor dhigi doonaan congreeska Mareykanka.

Wargeyka The Times warbixin uu ka qoray Soomaaliya ayaa sheegay in dagaalyahano gaaraya ilaa 290 xubnood ay gaareen magaalada Muqdisho, wuxuuna wargeysku intaasi ku daray in arrimaha Soomaaliya looga hadli doono dalalka caalamka:

Waa markii ugu horeysay oo si cad loo shaaciyo dagaalyahano ajnabi ah oo ku sugan gudaha dalka Soomaaliya tan iyo markii ay dagaalada ka qarxeen Soomaaliya bilowgii sanadkan.

Dhinaca kale arrintan ayaa laga cabsi qabaa inay soo dedejiso faragelin shisheeye oo caalami ah in lagu sameeyo Soomaaliya, iyadoo waliba la taageerayo Dowladda cusub ee curdanka ah, taasi oo iyadu tallaabo ka qaadi la' ilaa iyo haatan weeraro iyo dagaalo toos ah oo mucaaradka ay ku hayaan.

Banadir Post
banaadirpost@gmail.com