Search This Blog

Monday, May 4, 2009

Sheekh Aadan Jilibey: “Waa wax lala yaabo Sheekh Xasan Daahir inuu ammaano Eereteriya, Sheekh Shariifna ku caayo ciidamada AMISOM”


Taliyaha ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan Sheekh Aadan Jilibey ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan waxa uu kaga hadlay guud ahaan xaaladda dalka uu manta marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada.

Sheekh Jilibey ayaa isagoo ka waramayay aragtidiisa ku wajahan dowladda KMG ah ee Madaxweynaha uu ka yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay taageersan yihiin, hase yeeshee wuxuu Taliyaha ku dhaliilay Dowladda KMG ah joogitaanka ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay dadaal u gasho sidii ay dalka uga saari lahayd dhammaanba ciidamada shisheeye.

“Dowladda KMG ah waxaan ugu baaqayaa inay dadaal u gasho sidii ay dalka uga saari lahayd ciidamada AMISOM, Gaalo waxba nooma tareyso, inay waxba noo tareynna Alle SWT ayaa noo caddeeyay” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Aadan Jilibey.

Dhinaca kale taliyaha ammaanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaaladda ka jirta magaalada B/Weyne ay degan tahay, bacdamaa uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo uu sheegay inay dhex mareen ciidamada maamulka iyo kooxo ka horjeeda, taasi oo uu ku ammaanay waxgaradka iyo culumaa’udiinka degaanka inay haatan arrintaasi faraha kula jiraan.
“Waa wax lala yaabo Sheekh Xasan Daahir inuu ammaano Eereteriya, Sheekh Shariifna ku caayo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Sheekh Aadan Jilibey oo kula taliyay Xasan Daahir inuu ka shaqeeyo sidii dadka rayidka ah ee ku barakacay howdka ay guryahooda dib ugu soo noqon lahaayeen.
Banaadir Post

Wasiirka Amniga oo sheegay in dowladda Eretereya ay labo jeer Hub iyo Saanad Milateri ka dejisay Garoonka Balli-doogle ee gobolka Shabeelaha Hoose


Wasiirka Amniga Qaranka Xukuumadda Midnimada Qaran ee Soomaaliya Cumar Xaashi Aadan oo manta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Muqdisho ayaa saxaafadda u sheegay in dowladda Eretereya ay muddo labo jeer ah oo kala duwan ay Hub iyo Saanad Milateri gudaha u soo gelisay dalka Soomaaliya iyadoo ka soo dejineysay Garoonka Diyaaradaha Balli-Doogle ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Wasiirka oo aan carrabka ku dhufan koox gaar ah ayaa xusay in Hubkaasi loogu talo galay in Soomaalida dhexdeedu ay isu adeegsato,
“Waxaa la yaableh in mudadii labada sano iyo barka aheyd ee aanu la dagaalameynay ciidamadii Itoobiya, in dowladda Ereteriya maalina aysan Saanad Hub iyo Qalab Milateri na siinin, oo waxa ay noogu andacoon jirtay Bad iyo Berriba wey xiran yihiin oo Somalia Hub uma gudbin karno, maantana ay Hub si fudud ugu soo dejiso kooxaha ka horjeeda Dowladdan Midnimada Qaran ee Shacabka Soomaaliyeed u dhalatay”
ayuu yiri Cumar Xaashi oo carrabka ku adkeeyey in dowladdu aaney daawan doonin ficilladaasi hubka looga soo dejinayo garoomada Soomaaliya.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Eretereya ay tahay dowladda kaliya ee adduunka ka jirta oo diidan Dowladda Midnimada Qaran ee loo dhisay dalka dagaaladu aafeeyeen ee Soomaaliya, isagoo ugu abaal sheegtay Ereteriya ay xilligii ay u halgameysay xornimadeeda ay kaalin mugleh ka qaadatay xukuumaddii Milateriga ee dalka Soomaaliya ka arrimin jirtay, wuxuuna xusay in Hiil iyo hooba ay la garab taagneyd xoreynta dalka Ereteriya.
“Dabcan dowladdu wey ka hortegeysaa ficiladaas, sababtoo ah waxaa naloo soo doortay inaan dadka iyo dalka daniisa ka shaqeyno oo aanu badbaadino”
ayuu uga jawaabay su’aal aheyd maxaad ka qabaneysaan oo hadalkan dhaafsiisan hubkaasi ka soo degaya garoonka Balli-doogle. Cumar Xaashi ayaa ugu dambeyntii caalamka ugu baaqay inay garab ku siiyaan sidii ay uga hortegi lahaayeen falalkaasi foosha xun ee lagu burburinayo Qaranimada dalka Soomaaliya, isagoo tilmaamay inay weli damacsan tahay Ereteriya inay si joogto ah hubkaasi u soo geliso dalka Soomaaliya.
Arrintan ayaa ku soo beegmeysa xilli ninka ay Jaalka siyaasadeed yihiin xukuumada Asmara Sheekh Xassan Daahir Aweys uu dalka soo gaaray todobaadyo ka hor, waxaana arrintani la oran karaa waa mid Banziin ku sii shubeysa khilaafkii siyaasadeed ee kala dhex yiilay dowladda iyo qolyaha mucaaridka ku ah..
Banaadir Post