Search This Blog

Monday, May 4, 2009

Sheekh Aadan Jilibey: “Waa wax lala yaabo Sheekh Xasan Daahir inuu ammaano Eereteriya, Sheekh Shariifna ku caayo ciidamada AMISOM”


Taliyaha ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan Sheekh Aadan Jilibey ayaa maanta shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada B/Weyne ee gobolka Hiiraan waxa uu kaga hadlay guud ahaan xaaladda dalka uu manta marayo, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada.

Sheekh Jilibey ayaa isagoo ka waramayay aragtidiisa ku wajahan dowladda KMG ah ee Madaxweynaha uu ka yahay Sheekh Shariif Sh. Axmed ayuu sheegay in ka maamul ahaan ay taageersan yihiin, hase yeeshee wuxuu Taliyaha ku dhaliilay Dowladda KMG ah joogitaanka ciidamada AMISOM oo uu sheegay inay dadaal u gasho sidii ay dalka uga saari lahayd dhammaanba ciidamada shisheeye.

“Dowladda KMG ah waxaan ugu baaqayaa inay dadaal u gasho sidii ay dalka uga saari lahayd ciidamada AMISOM, Gaalo waxba nooma tareyso, inay waxba noo tareynna Alle SWT ayaa noo caddeeyay” ayuu yiri Taliyaha ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ah Sheekh Aadan Jilibey.

Dhinaca kale taliyaha ammaanka Maxkamadaha Islaamiga ah ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in xaaladda ka jirta magaalada B/Weyne ay degan tahay, bacdamaa uu tilmaamay in maalmihii la soo dhaafay ay ka jireen dagaallo uu sheegay inay dhex mareen ciidamada maamulka iyo kooxo ka horjeeda, taasi oo uu ku ammaanay waxgaradka iyo culumaa’udiinka degaanka inay haatan arrintaasi faraha kula jiraan.
“Waa wax lala yaabo Sheekh Xasan Daahir inuu ammaano Eereteriya, Sheekh Shariifna ku caayo ciidamada AMISOM” ayuu yiri Sheekh Aadan Jilibey oo kula taliyay Xasan Daahir inuu ka shaqeeyo sidii dadka rayidka ah ee ku barakacay howdka ay guryahooda dib ugu soo noqon lahaayeen.
Banaadir Post