Search This Blog

Tuesday, May 5, 2009

Mullaxamiistaha Soomaaliyeed Jiim Sheekh Muumin oo lagu xiray Magaalada Hargeysa

Mullaxamaystaha Soomaaliyeed ee Jiim Sheekh Muumin oo ka mid ah Suugaanyahannada Soomaalida ayaa ku xiran Magaalada Hargeysa, kaddib markii loo xiray Nin la sheegay in uu Rasaas ku dhuftay, kaas oo ku geeriyooday isla goobtii Rasaasta kula dhacday.

Jiim Sheekh Muumin oo muddo ku siman laba toddobaad oo kaliya ku sugnaa Magaalada Hargeysa, kaddib markii sida la sheegay uu ka soo kicitimay Magaalada Muqdisho oo uu ku noolaa ayaa sidoo kale sida ay xogahani sheegayaan waxa la xiran Abwaanka Soomaaliyeed ee Aadan Tarabi Jaamac oo la sheegay in uu Jiim Gurigiisa ku soo degay markii uu Hargeysa yimi. Kaas oo Mas’uul ka mid ah Ciidamada Booliska oo ka gaabsaday in Magaciisa la shaaciyaa uu sheegay in baarisi socoto, isla markaana la sugayo intay dhammaanayso.

Mullaxamiiste Jiim Sheekh Muumin ayaa ka tirsanaa Kooxihii Hobollada Onkod iyo Waaberi, wuxuuna laxan u sameeyay heeso badan oo ay ku luuqeeyaan Fannaaniin Dalka Soomaaliya caanka ah, iyadoo Laxamada uu sameeyana lagu sheegay kuwo ay fannaaniinta iyo dadka fanka xiiseeya ay si wanaagsan ugu macaansadaan.

Sida la wada ogyahay ma ahan nin caan ku ah hubka is dilka, lagumana arag waqtigii dheeraa oo ku sugnaa Moqdisho.

Dadka qaar ayaa leh waxaa gacan ku haysta dad aad u yaqaan fanaanka, kuwaas oo ku haysta arimo badan.

Banaadir Post
Xamar