Search This Blog

Tuesday, May 5, 2009

Saraakil Al-Shabab ah oo la kulmay odayaal ka soo jeeda beesha Mudulod


Kulankaan oo ka dhacay Degmada Balcad ayay labada dhinac uga hadleen sidii shareecada islaamka loogu maamuli lahaa deeganada beesha mudulood .

Nabadoon Shire Dalfac oo ka mid ahaa odayaashi mudulood ee la kulmay Al-Shabab ayaa sheegay in ay isla garteen in si dhab ah loogu dhaqmo shareecada islaamka gacana ay odayaasha ka geystaan.

Shire Dalfac ayaa sheegay in sidoo kale ay kala hadleen Al-Shabab in laga fiirsado dagaal loona bato dhanka maslaxada iyo nabada.

Dhinaca kale Sh.Yuusuf (Kabakutukade) oo ahaa sarkaalki Al-Shabab kulankaa uga qeybgalay kana soo jeeda Beesha Mudulod ayaa isna cadeeyey in odayaasha ay isla garteen dhamaan qodobadii ay ugu yeeren , waxaana uu qiray in Al-shabab ay gogasha kulanka dhigtay.

mar uu ka hadlayey kulanka in uu yahay mid mudulod ku kooban iyo in uu yahay kulamo ay doonayaan in beelaha ay la yeeshaan ayuu sheegay in ay la kulmaayan dhamaan beelaha ayna ka dhaadhicinayaan sida ay ay doonayaan in loogu dhaqmi karaa shareecada islaamka .

waa marki ugu horeysay ee Al-Shabab bilaabaan kulamada beelaha Somalia.

Sargaalkan ayaa ah kii digniinta adag siiyay kuwa isku magacaabey Odayaasha Beelaha Hawiye.


Banaadir Post

Beladul Aamin.