Search This Blog

Saturday, December 26, 2009

Khilaaf soo kala dhex galay Xisbul Islaam iyo Saraakiisha Xisbiga oo kala mowqifyo noqday



Iyadoo labadii maalmood ay isa soo tarayeen warar aan fadhin oo sheegayay in khilaaf uu soo dhex galay Ururka Xisbul Islaam, ayaa waxaa maanta si rasmi u soo shaac baxay khilaafkaas.



Saraakiisha Xisbiga ayaa markii u horeysay soo kala dhex gashay kala fikir duwanaansho dhinacyo badan leh, waxaana saraakiisha Xisbul Islaam u muuqdaan kuwo sii kala go'aya marka loo eego mowqifyadooda.


Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbul Islaam Salmaan Sahal Muuse ayaa sheegay in wax shaqo ah aanay ku laheyn Xisbul Islaam cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eritrea, isla markaana aanay waxba ka gelin.


Salmaan Sahal ayaa khilaafay hadal uu maalin ka hor jeediyay Xoghahayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa in ay cambaareynayaan cunaqabateynta Golaha Ammaanka ku soo rogay Eritrea.


Waxaa kaloo ay labadaas sarkaal ku kala duwanaadeen hadal uu isla maalintaas jeediyay Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa inuu fashil ku yimid wada hadal u socday iyaga iyo Shabaabka, waxaana uu dhankiisa sheegay in wali wada hadalada u socdaan.


"Ninkaas shaqsi ahaan ayuu u hadlay, waxaa idin sheegayaa inuu wali inoo socda wada hadal walaalaha Shabaab meel wanaagsan ayayna marayaan"ayuu yiri Salmaan Sahal Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay Ceelasha Biyaha.


Kala fikir duwanaanshahan ayaa waxay u sii gogol xaareysaa bur bur ku yimaada Xisbul Islaam, taasoo dad badan horay u saadiliyeen, kadib markii horay ugu kala qeybsameen dagaalkii Jubooyinka ee Shabaabka la galay Axmed Madoobe.

Prof.Ibbi oo sheegay in gebi ahaanba ay fashilmeen qorshayaashii Madaxweyne Sheekh Shariif ee ahaa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafaadka Dowlada iyo dhinacyada ka soo horjeeda.



Ra'iisulwasaare ku xigeen ahna Wasiirka Kaluumeysiga iyo kheyraadka Badda ee Dowlada KMG Soomaaliya Prof.C/raxmaan Xaaji Maxamuud Aadan (Ibbi) ayaa sheegay inay gabi ahaanba meesha ka baxeen rajooyinkii laga qabay in qaab wada hadal ah lagu dhameeyo arimaha Siyaasadeed ee ay isku hayaan iyaga iyo xooggaga ka soo horjeeda Dowlada.





Prof.Ibbi oo la hadlayay wargeyska ka soo baxa Dalka Sacuudiga ayaa u sheegay inay fashilmeen qorshayaashii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh shariif uu ku doonayay inuu wada xaajoodyo kula galo dhinacyada ka soo horjeeda Dowlada, markii ay ka socon waayeen dhinacyada Dowlada ka soo horjeeda sida uu carabka ku dhuftay Prof.Ibii.




"dhankooda ayay ka socon waayeen isku dayadii dhanka wada hadalka waxayna taa ku dhaqaaqeen qorshe ku doonayaan inay Dowlada jirta xukunka uga tuuraan"ayuu yiri Prof.Ibbi oo intaasi ku sii daray inay Ciidamada Milatariga Dowlada iyo kuwa Booliiska ahna ay dhawaan la wareegi doonaan amaanka guud ahaan Soomaaliya.


Warka ah in amaanka Dowlada ay la wareegi doono ayaa ah mid maalmahaan danbe ku soo noq noqday afka madaxda Dowlada ama wasiir ha ahaado ama madaxda sar sae intaba lamana saadaalin karo xiliga howlgal ceynkaasi ah Dowladu geli doono, waxaase jirta uu ka soo yeeray wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga C/raxmaan Cabdi shakuur kaasoo ahaa in amaanka ay la wareegi doono Dowlada wixii ka horeeya xuska maalintii la doortay Madaxweyne shariif ee 31-ki Janaayo 2009,taasoo iminka bil iyo maalmo kaliya naga xigaan...

Baanaadir post