Search This Blog

Saturday, April 25, 2009

Dhaqdhaqaqyo Milatari ayay markii ugu horeysay Muqdisho ka bilaanbeen ururka Ahsuna Waljameeca oo ka mid ah urur diimedyada hubeysan ee Somaliya.


Afhayeenka ururka Ahlsuna Waljameeca Sheekh C/laahi C/raxmaan ayaa sheegay in ay ku mashquulsanyihiin in ay saldhigyo Ciidan ka dagaan Magaalada Muqdisho si ay afkaartooda u faafiyaan cida ka hortimaadana ay ulala diriraan.


Waxa uu sheegay in hada ay heystaan Gobolka Galguduud ayna dareemayaan in taagerayaaashoda Muqdisho u baahanyihiin in ay heleen cudud milatari oo ay ku gorgortamaan iskagana difaacaan cid walbaa oo u hawoota.

“Waxaad ogtahay in culima badan nalaga dhibay oo naloo diiday in aan dhigano mowliidki nabiga qabuuro badan nalaga dumiyey oo ay mashaa’ikh badan ku aasneyd , waxaas oo dhan waxey nagu qasbaayan in aan hub fara badan sii sameysana oo aan afkaartena baahino “ Ayu yiri Sheekh C/laahi Abu qaad.
Uruka Ahlusana Waljameeca ayaa hadii ay dhacdo in ay saldhigyo cusub Caasimada ka sameynayaan waxaa ay noqon doonto xaalada Caasimada oo ka sii darta maadama xoogag cusub ay yimaaden .
Sida la wada ogyahay waa dhib soo siyaadey kuwan diimaha sheegta iney yihiin dhib ka jira dalka Somalia, waxaana la wada ogyahay in dagaal lama huraan yahay.
Banaadir Post
Xamar Cade.

Weerar loo adeegsaday hoobiyaal oo sababay dhimashada dad badan oo rayida.


ku dhawaad 10 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, ayaa ku dhintay in ka badan 14 ruux oo rayid u badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii tiro Madaafiic Hoobiyaal ah lagu weeraray maanta xarunta gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kulan ku lahaayeen xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaafiicdan oo qaar kood ku dhacay banaanka xarunta gaadiidka Booliska oo xiligaasi uu ka socday kulanka Baarlamaanka, ayaan la sheegin wax khasaare ah oo gaaray xubnaha Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa halkaasi ku dhintay hal askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo Booliska ka tirsan sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska.

Madaafiicda ku dhacday agagaarka xarunta gaadiidka ayaa sababtay sidoo kale dhimashada inta la ogyahay 7 ruux oo rayid ah iyadoo dhaawacyada aan la xaqiijin,laakin qaar ka mid ah wariyaasha Idaacadda HornAfrik oo xiligaasi jooggay xarunta gaadiidka Booliska iyo Goobjoogayaal kusugan deegaanada ku xeeran xarunta gaadiidka ayaa sheegay in ay arkeen dhaawacyada dad rayid ah oo kor u dhaafaya 15 ruux oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur,waxaana taasi ay sare u qaadeysa khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi oo u muuqday kuwa lagu bartilmaameedsanayay xarunta gaadiidka Booliska oo hada Baarlamaanka dowladda KMG ah fadhi u ah.

Dadka dhintay waxay u badan yihiin haween iyo carruur madaafiicdu kula dhacday guryahooda,waxaana tirada madaafiicda ku soo dhacday xaafadahaasi lagu sheegay 8 Madfac, waxaana degmooyinka inta badan Madaafiicdani ku dhacday ka mid ah, degmada C/casiis iyo Shibis.
Fadhiga Baarlamaanka maanta waxaa ka qaybgalay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke waxaana looga hadlayay dhameystirka Miisaaniyada dowladda oo maanta Baarlamaanku isku raacay.

Hadaba ma jirto koox sheegatay illaa hada in ay ka dambeysay madaafiicdaasi waxyeelada u gaystay dadka shacabka iyo qaar ka mid ah Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska inkastoo ay jiraan kooxo ka soo horjeeda dowladda KMG ah.
Banaadir Post
Xamar Cade.
banadirpost@gmail.com

Fanaanad kamid aheyd Hoboladii Waaberi oo Hargeisa ku geeriyootay.

Haboon C/laahi Faarax oo ah fanaanad weyn oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ee Qaranka Somalia ayaa ku geriyootay guri ay ka daganayd magaalada Hargeysa. Geerida fanaanada ayaa ahaa mid kadis ah laakin waxaa ay eheladeeda Saxaafada sheegen in ay waayadan xanuusaneysay oo ay ahayd bukaan socod, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa.



Geerida Marxuumad Haboon Cabdilaahi waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Abwaan Saciid Xarawo oo ay soo wada shaqeyeen fanaanada waxuuna sheegay in fanka Somalia ay ka baxday fanaanad weyn oo ay dabeyli ka soo gali doonto fanka meeshi ay baneysay, waxaana uu sheegay in fanaanada si weyn loogu xasuusto hees ay u qaaday calankii Djibouti markii xurnimada ay ka qaadatay gumeystihii faransiiska 1977.
Waxaa kaloo Xarawo uu sheegay in lagu xasuusto ka qeyb-galkeedi shirkii Carte lagu qabtay 2000 oo ay qeyb weyn ku lahayd riwaayadii can baxday ee “Daraja iyo xil yaa mudan”


“Waxaan alle ugu baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo, iyadoo nasiib leh oo dhulkii hooyo ku geeriyootay, waxaaana rumeysanahay inaan la buuxin kareyn xilkii ay baneysay” ayuu yiri Abwaan Xarawo oo ka muuqaneysay murugo.
Intii aysan geeriyoon Marxuumada oo Saxaafada kula hadashay Hargeisa ayaa sheegtay inay fanka ku soo biirtay bishii Luulyo 1963-kii, waxaana ka mid ahaa heesa ay qaadi jirtay ee lagu xasuusta Heesaha wadaniga ah iyo kuwa jacaylka ah oo ay ku cod macaaneyd. Inkasta oo aanay lahayn Heeso badan.


Heesta aadka loogu yaqaanay ee ay qaaday wakhtigii ay fanka ku soo biirtay Marxumad Haboon C/laahi oo uu miraheeda sameeyey Alle ha u naxariistee Cismaan Askari ayaa ahayd “Shicibyahow Wanaagsani Walaalayaaloow”.


Alle ha u naxariistee Marxuumadu waxay dhashay laba wiil waxaanay dhinteen iyada oo nool, wakhtigaan wax caruur ah may haysan, waxeyna bukaan jiif ku ahayd magaalada Hargeysa oo ay ku nooleyd iyada oo da'a ahayd.Si kastaba ha ahaatee, Fanaanada Haboon C/laahi ayaa geerideeda waxaa ay imaneysa iyadoo sanadkan ay geeriyoden fanaanin caan ahaa oo Somaliyed kuwaasoo aan laheyn cid buuxin kareysa boosaskii ay baneeyeen.


Banaadir Post.
Xamar Somalia.

Shiikh Xasan Daahir maka soo guuray Asmara mise waa ku laabanayaa? lana hadlay dadka taageeraa







Waxaa saaka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Shiikh Daahir Aweys iyo wafdi uu horkacayay oo diyaarad khaas ah oo uu ka soo raacay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.




Haddaba waxaa la is-weydiin karaa Shiikh Xasan Daahir maka soo wada guuray magaalada
Asmara ee Dalka Eritrea mise waa uu ku noqonayaa? Su’aashaas waxaa ka jawaabay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Shiikh Xasan Daahir, wuxuuna sheegay in Shiikh Xasan Daahir uu dalka Soomaaliya u soo guuray.

“Alle ayaa mahad leh Shiikh Xasan iyo wafdiga la socday waxay u soo guureen Soomaaliya, laakin waxaa magaalada Asmara ka furnaan doona Xafiis Safaarad oo kale ah oo uu leeyahay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo wax laga weydiiyay waxa uu haatan qabanayo Shiikh Xasan Daahir ayaa wuxuu sheegay in Shiikha waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qabanayo ay ka mid yihiin Dib u heshiisiinta Xoogagga Muqaawamada ee dhawaan xiisadda soo kala dhexgashay iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Mar sidoo kale wax laga weydiiyay in ay la hadlayaan Dowladda Soomaaliya, waxaa uu sheegay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow in aysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin oo Soomaaliya ka jirta, wuxuuna farta ku fiiqay in Shiikh Xasan uu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.


Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu saaka dib ugu soo noqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay muddo labo sano ah, iyadoo mudadaas dheerna uu ku sugnaa Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.


Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya kadib labo sanadood oo uu dibadda uga maqnaa ayaa wuxuu maanta meel fagaare ah kala hadlay boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir oo dad isugu jiray taageerayaashiisa iyo dadweyne kale kula hadlay barxadda Saldhigga Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay joogitaanka Ciidamada Amisom, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Dilalka Muqdisho ka soo cusboonaaday iyo weliba xiisadda colaadeed ee soo kala dhexgashay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Xasan Daahir ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in ay ciidamadaas caqabad ku yihiin dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay Ciidamadaas bakteeriya ku dhex jirta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan leenahay Ciidamadaas ha nagu kalifina in ay dhibaato naga dhex dhacdo ee dalalkiina ku noqda”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwo dadka nabadda ka ilaalinaya oo aan nabad ilaaliyayaal ahayn.

Shiikh Xasan Daahir oo markii uu hadlayay farxad laga dareemayay ayaa wuxuu ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in tallaabadaas ay tahay mid fiican, laakin wuxuu haddana shaki ka muujiyay nooca shareecada uu Baarlamaanka isku raacay.

“Waxaan maqleynay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddaas uu sheegay in Shareecada Islaamka ee ay qaateen ay tahay mid aan fulineynin xukunnada gacan-goynta iyo dhagax-ku-dilidda qofkii zineysta isagoo guur soo maray”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay keeneen xoogagga mujaahidiinta ah ee dagaalka la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya isaga baxay."Shareecada Islaam oo Itoobiya saxiix looga doonay, Mareykankana uu taageeray Billaahi Caleykum idinkaan idin weydiiyee Shareecadii Alle miyaa?"ayuu weydiiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys dadkii uu la hadlayay, isagoo markii uu sidaas lahaana dhoola-caddeynayay.


Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay dilal dhawaanahan ka dhacayay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dilalkaas gacanta ugu weyn ay leeyihiin dad cadaw ku ah Soomaaliya, “Waa dhici kartaa in uu dad walaal ah iyo dad qaloocan uu adeegsado, laakin gacanta ugu weyn ee dilalka waxaa ka dambeeya cadawga Umadda Soomaaliyeed oo doonaya in uu dadka waxgalka ah ka dilo”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan Xoogagga Muqaawamada, “Waan ka xunnahay in ay kala qeybsameen Xoogaggii Muqaawamada ee soo wada halgamay, waxaanse rajeyneynaa in xiisaddaas ay dhamaan doonto, waxyaabaha aan u nimid ayayna ku jirtaa in aan heshiisiinno Xoogagga Muqaawamada”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo rajeeyay in wax walba ay wanaag ku dhamaan doonaan.

Ugu dambeyntiina, Munaasabadda uu Shiikh Xasan Daahir kula hadlay qaar ka mid ah Dadka Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, waxaana cinwaan looga dhigay munaasabaddaas “Soo dhaweynta Shiikh Xasan Daahir ee Magaalada Muqdisho”.