Search This Blog

Saturday, April 25, 2009

Fanaanad kamid aheyd Hoboladii Waaberi oo Hargeisa ku geeriyootay.

Haboon C/laahi Faarax oo ah fanaanad weyn oo ka tirsaneyd hobaladii Waabari ee Qaranka Somalia ayaa ku geriyootay guri ay ka daganayd magaalada Hargeysa. Geerida fanaanada ayaa ahaa mid kadis ah laakin waxaa ay eheladeeda Saxaafada sheegen in ay waayadan xanuusaneysay oo ay ahayd bukaan socod, waxaana lagu aasay magaalada Hargeysa.



Geerida Marxuumad Haboon Cabdilaahi waxaa Saxaafada ugu warbixiyay Abwaan Saciid Xarawo oo ay soo wada shaqeyeen fanaanada waxuuna sheegay in fanka Somalia ay ka baxday fanaanad weyn oo ay dabeyli ka soo gali doonto fanka meeshi ay baneysay, waxaana uu sheegay in fanaanada si weyn loogu xasuusto hees ay u qaaday calankii Djibouti markii xurnimada ay ka qaadatay gumeystihii faransiiska 1977.
Waxaa kaloo Xarawo uu sheegay in lagu xasuusto ka qeyb-galkeedi shirkii Carte lagu qabtay 2000 oo ay qeyb weyn ku lahayd riwaayadii can baxday ee “Daraja iyo xil yaa mudan”


“Waxaan alle ugu baryayaa inuu Janadiisa ka waraabiyo, iyadoo nasiib leh oo dhulkii hooyo ku geeriyootay, waxaaana rumeysanahay inaan la buuxin kareyn xilkii ay baneysay” ayuu yiri Abwaan Xarawo oo ka muuqaneysay murugo.
Intii aysan geeriyoon Marxuumada oo Saxaafada kula hadashay Hargeisa ayaa sheegtay inay fanka ku soo biirtay bishii Luulyo 1963-kii, waxaana ka mid ahaa heesa ay qaadi jirtay ee lagu xasuusta Heesaha wadaniga ah iyo kuwa jacaylka ah oo ay ku cod macaaneyd. Inkasta oo aanay lahayn Heeso badan.


Heesta aadka loogu yaqaanay ee ay qaaday wakhtigii ay fanka ku soo biirtay Marxumad Haboon C/laahi oo uu miraheeda sameeyey Alle ha u naxariistee Cismaan Askari ayaa ahayd “Shicibyahow Wanaagsani Walaalayaaloow”.


Alle ha u naxariistee Marxuumadu waxay dhashay laba wiil waxaanay dhinteen iyada oo nool, wakhtigaan wax caruur ah may haysan, waxeyna bukaan jiif ku ahayd magaalada Hargeysa oo ay ku nooleyd iyada oo da'a ahayd.Si kastaba ha ahaatee, Fanaanada Haboon C/laahi ayaa geerideeda waxaa ay imaneysa iyadoo sanadkan ay geeriyoden fanaanin caan ahaa oo Somaliyed kuwaasoo aan laheyn cid buuxin kareysa boosaskii ay baneeyeen.


Banaadir Post.
Xamar Somalia.