Search This Blog

Saturday, April 25, 2009

Weerar loo adeegsaday hoobiyaal oo sababay dhimashada dad badan oo rayida.


ku dhawaad 10 qof oo mid ka mid ah uu ahaa askari ka tirsanaa Ciidamada Booliska, ayaa ku dhintay in ka badan 14 ruux oo rayid u badana waa ay ku dhaawacmeen kadib markii tiro Madaafiic Hoobiyaal ah lagu weeraray maanta xarunta gaadiidka Booliska ee Magaalada Muqdisho halkaasoo ay kulan ku lahaayeen xubnaha golaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Madaafiicdan oo qaar kood ku dhacay banaanka xarunta gaadiidka Booliska oo xiligaasi uu ka socday kulanka Baarlamaanka, ayaan la sheegin wax khasaare ah oo gaaray xubnaha Baarlamaanka, hase ahaatee waxaa halkaasi ku dhintay hal askari, halka ay ku dhaawacmeen 4 kale oo Booliska ka tirsan sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Booliska.

Madaafiicda ku dhacday agagaarka xarunta gaadiidka ayaa sababtay sidoo kale dhimashada inta la ogyahay 7 ruux oo rayid ah iyadoo dhaawacyada aan la xaqiijin,laakin qaar ka mid ah wariyaasha Idaacadda HornAfrik oo xiligaasi jooggay xarunta gaadiidka Booliska iyo Goobjoogayaal kusugan deegaanada ku xeeran xarunta gaadiidka ayaa sheegay in ay arkeen dhaawacyada dad rayid ah oo kor u dhaafaya 15 ruux oo ay ka mid yihiin haween iyo carruur,waxaana taasi ay sare u qaadeysa khasaaraha ka dhashay Madaafiicdaasi oo u muuqday kuwa lagu bartilmaameedsanayay xarunta gaadiidka Booliska oo hada Baarlamaanka dowladda KMG ah fadhi u ah.

Dadka dhintay waxay u badan yihiin haween iyo carruur madaafiicdu kula dhacday guryahooda,waxaana tirada madaafiicda ku soo dhacday xaafadahaasi lagu sheegay 8 Madfac, waxaana degmooyinka inta badan Madaafiicdani ku dhacday ka mid ah, degmada C/casiis iyo Shibis.
Fadhiga Baarlamaanka maanta waxaa ka qaybgalay Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali sharmaarke waxaana looga hadlayay dhameystirka Miisaaniyada dowladda oo maanta Baarlamaanku isku raacay.

Hadaba ma jirto koox sheegatay illaa hada in ay ka dambeysay madaafiicdaasi waxyeelada u gaystay dadka shacabka iyo qaar ka mid ah Ciidamada dowladda gaar ahaan kuwa Booliska inkastoo ay jiraan kooxo ka soo horjeeda dowladda KMG ah.
Banaadir Post
Xamar Cade.
banadirpost@gmail.com