Search This Blog

Saturday, April 25, 2009

Shiikh Xasan Daahir maka soo guuray Asmara mise waa ku laabanayaa? lana hadlay dadka taageeraa







Waxaa saaka ka soo degay Garoonka Diyaaradaha No. 50 ee Gobolka Shabeelaha Hoose Shiikh Daahir Aweys iyo wafdi uu horkacayay oo diyaarad khaas ah oo uu ka soo raacay magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.




Haddaba waxaa la is-weydiin karaa Shiikh Xasan Daahir maka soo wada guuray magaalada
Asmara ee Dalka Eritrea mise waa uu ku noqonayaa? Su’aashaas waxaa ka jawaabay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo ka tirsan Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, garabka Shiikh Xasan Daahir, wuxuuna sheegay in Shiikh Xasan Daahir uu dalka Soomaaliya u soo guuray.

“Alle ayaa mahad leh Shiikh Xasan iyo wafdiga la socday waxay u soo guureen Soomaaliya, laakin waxaa magaalada Asmara ka furnaan doona Xafiis Safaarad oo kale ah oo uu leeyahay Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya”ayuu yiri Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo u warramayay Idaacadda Shabeelle ee Magaalada Muqdisho.

Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo wax laga weydiiyay waxa uu haatan qabanayo Shiikh Xasan Daahir ayaa wuxuu sheegay in Shiikha waxyaabaha ugu muhiimsan ee uu qabanayo ay ka mid yihiin Dib u heshiisiinta Xoogagga Muqaawamada ee dhawaan xiisadda soo kala dhexgashay iyo weliba sidii xal loogu heli lahaa mushkiladda Soomaaliya.

Mar sidoo kale wax laga weydiiyay in ay la hadlayaan Dowladda Soomaaliya, waxaa uu sheegay Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow in aysan jirin dowlad ay aqoonsan yihiin oo Soomaaliya ka jirta, wuxuuna farta ku fiiqay in Shiikh Xasan uu kulamo la qaadan doono qeybaha kala duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Muqdisho.


Shiikh Xasan Daahir Aweys ayaa wuxuu saaka dib ugu soo noqday Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho oo ay ugu dambeysay muddo labo sano ah, iyadoo mudadaas dheerna uu ku sugnaa Magaalada Asmara ee Dalka Eritrea.


Shiikh Xasan Daahir Aweys oo shalay soo gaaray magaalada Muqdisho ee Caasimadda Dalka Soomaaliya kadib labo sanadood oo uu dibadda uga maqnaa ayaa wuxuu maanta meel fagaare ah kala hadlay boqolaal ruux oo ka mid ah dadka ku nool Magaalada Muqdisho.

Shiikh Xasan Daahir oo dad isugu jiray taageerayaashiisa iyo dadweyne kale kula hadlay barxadda Saldhigga Degmada Wardhiigley ee Magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ka hadlay joogitaanka Ciidamada Amisom, go’aankii Baarlamaanka Soomaaliya ee ku saabsanaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka, Dilalka Muqdisho ka soo cusboonaaday iyo weliba xiisadda colaadeed ee soo kala dhexgashay Xoogagga Muqaawamada ee ku sugan Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho.
Shiikh Xasan Daahir ugu horeyn waxaa uu ka hadlay Ciidamada Amisom ee Muqdisho ku sugan, wuxuuna sheegay in ay ciidamadaas caqabad ku yihiin dhaqdhaqaaqa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku dhaqan magaalada Muqdisho, wuxuuna ku tilmaamay Ciidamadaas bakteeriya ku dhex jirta dadka Soomaaliyeed.

“Waxaan leenahay Ciidamadaas ha nagu kalifina in ay dhibaato naga dhex dhacdo ee dalalkiina ku noqda”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ciidamada shisheeye ee ku sugan Soomaaliya ay yihiin kuwo dadka nabadda ka ilaalinaya oo aan nabad ilaaliyayaal ahayn.

Shiikh Xasan Daahir oo markii uu hadlayay farxad laga dareemayay ayaa wuxuu ka hadlay go’aankii uu Baarlamaanka Soomaaliya ku gaaray in dalka Soomaaliya lagu xukumo shareecada Islaamka, wuxuuna sheegay in tallaabadaas ay tahay mid fiican, laakin wuxuu haddana shaki ka muujiyay nooca shareecada uu Baarlamaanka isku raacay.

“Waxaan maqleynay in Ra’iisal Wasaaraha Xukuumaddaas uu sheegay in Shareecada Islaamka ee ay qaateen ay tahay mid aan fulineynin xukunnada gacan-goynta iyo dhagax-ku-dilidda qofkii zineysta isagoo guur soo maray”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo sheegay in Ku dhaqanka Shareecada Islaamka ay keeneen xoogagga mujaahidiinta ah ee dagaalka la galay Ciidamadii Itoobiyaanka ahaa ee Soomaaliya isaga baxay."Shareecada Islaam oo Itoobiya saxiix looga doonay, Mareykankana uu taageeray Billaahi Caleykum idinkaan idin weydiiyee Shareecadii Alle miyaa?"ayuu weydiiyay Shiikh Xasan Daahir Aweys dadkii uu la hadlayay, isagoo markii uu sidaas lahaana dhoola-caddeynayay.


Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay dilal dhawaanahan ka dhacayay Soomaaliya, gaar ahaan Magaalada Muqdisho, wuxuuna sheegay in dilalkaas gacanta ugu weyn ay leeyihiin dad cadaw ku ah Soomaaliya, “Waa dhici kartaa in uu dad walaal ah iyo dad qaloocan uu adeegsado, laakin gacanta ugu weyn ee dilalka waxaa ka dambeeya cadawga Umadda Soomaaliyeed oo doonaya in uu dadka waxgalka ah ka dilo”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys.

Shiikh Xasan Daahir Aweys waxaa uu ka hadlay xiisadda colaadeed ee ka dhex oogan Xoogagga Muqaawamada, “Waan ka xunnahay in ay kala qeybsameen Xoogaggii Muqaawamada ee soo wada halgamay, waxaanse rajeyneynaa in xiisaddaas ay dhamaan doonto, waxyaabaha aan u nimid ayayna ku jirtaa in aan heshiisiinno Xoogagga Muqaawamada”ayuu yiri Shiikh Xasan Daahir Aweys oo rajeeyay in wax walba ay wanaag ku dhamaan doonaan.

Ugu dambeyntiina, Munaasabadda uu Shiikh Xasan Daahir kula hadlay qaar ka mid ah Dadka Muqdisho ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Xisbul Islaam garabka uu hoggaamiyo Dr. Cumar Iimaan Abuu Bakar, waxaana cinwaan looga dhigay munaasabaddaas “Soo dhaweynta Shiikh Xasan Daahir ee Magaalada Muqdisho”.