Search This Blog

Monday, April 20, 2009

Muuse Caraale "Dagaalka B/weyn waxaa ka dambeeyay Cumar Xaashi oo xilligan dagaal ku baaqaya"

Sheekh Muuse Cabdi Caraale oo ah Afhayeenka Ururka Xisbul Islaam garabka uu hogaamiyo Dr. Cumar Iimaan ayaa ka hadlay dagaalka ka socda Magaalada B/weyn, kaasoo u dhaxeeya ururkooda iyo Maxkamadaha Islaamka ee raacsan Dowladda Soomaaliya.
Muuse Caraale ayaa ku eedeeyay inuu dagaalka ka mas'uul yahay, isla markaana uu ka dambeeyay Wasiirka Amniga Qaranka Col. Cumar Xaashi, sida uu hadalka u dhigay.
"Mas'uuliyada dagaalka B/weyn waxaa is ka leh ninka 70-jirka ah ee Cumar Xaashi la yiraahdo oo xilligan dagaal ku baaqaya"ayuu yiri Muuse Caraale oo intaa ku daray in aan dhankooda dagaalka mas'uul ka aheyn oo weerarka uu ahaa mid lagu soo qaaday sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in Cumar Xaashi uu maalmihii u dambeeyay uu waday isku dayo uu dambi ugu yeelayo Mujaahidiinta iyo inuu guluf colaadeed ku jiray, kaasoo ah buu yiri inuu dagaal ka dhex qarxo Mujaahidiinta sida uu hadalka u dhigay.
Dagaalka u dhaxeeya Maxkamadaha islaamka iyo Xoogaga Xisbul Islaam ayaan la ogeyn sababta ka dambeysa, hase yeeshee maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa taagnaa muran ku taagan howlo canshuur uruurin ah oo ay Maxkamaduhu ka bilaabeen Magaalada B/weyn.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com