Search This Blog

Monday, April 20, 2009

Qarax lala beegsaday caawa Axmed Diiriye


Wararka naga soo gaaraya Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa qarax miino iyo rasaas culus lagula eegtay albaabka hore ee guri uu daganaa afhayeenka Odayaasha Hawiye Axmed Diiriye Cali, kaasoo uu si dirqi ah kaga bad-baaday afhayeenka.

Axmed Diiriye ayaa miinadan loo galiyay meel aan ka fogeyn albaabka gurigiisa, waxaana uu qaraxu dhacay xilli uu ku yimid guriga gaari uu watay oo ilaalo la socotay.

Qaraxa kadib ayaa waxaa goobta la isku weydaarsaday rasaas, taasoo u dhexeysay ilaalada Axmed Diiriye iyo kooxihii miinada u dhigay afhayeenka oo gidaaro ku dhakanaa cabsi weyna ku habsatay.
Axmed Diiriye ayaa caawa mar uu wareysi dhiibay kadib dhacdadan ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ey dhalinyaro usoo dirtay isaga iyo lix nin oo kale oo ka tirsan golohiisa iyo golaha Abwaanada oo uu ku jiro Abshir Bacadle, wuxuuna intaa ku daray in ragga loosoo diray ey gaarayaan 16-nin oo inta badan ey yiniin dhalinyaro raxanweyn ah iyo qaar mareexaan ah, waa sida uu hadalka u dhigaye.
Wali si rasmi ah uma cada qasaaraha gaaray afhayeenka iyo gaarigiisa, laakiin wararka qaar ayaa sheegaya in uu ka bad-baaday qaraxaasi lagu doonayay in lagu khaarajiyo.
Horay ayaa hanjabaadyo loogu jeediyay odayaashan, waxaana ey sheegeen in ey sii wadi doonaan dadaalada nabadda ee ey ku jiraan islamarkaana eysan u joojin doonin kooxaha u hanjabaya.
Mudo dheer ayay markii oo dhex jirey wax aan Somali weyn dan u ahayn, wuxuu ku lug lahaa dhibaatooyin badan oo Somalia ka dhacey 20-kii sano oo la soo dhaafey.
Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com