Search This Blog

Monday, April 20, 2009

Oday Xasan Daahir oo dib ugu laabtey tuulada Asmara iyo Waanwaantii Lagu Dhaxdhaxaadinayey isaga iyo Dowlada Federalka oo Faashil ku Dhamaatay


Oday Xasan Dahir ayaa bartamihii bishii hore wuxuu si qarsoodi ah uga ambabaxay magaalada Asmara isagoo Magaalada Khartuum intii uu ku sugnaa kulamo kula duwan la qaatey maamulayaasha dalkaasi Suudaan oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha dalka Suudaan Cumar Xasan Al-Bashiir, waxaana ay ka wadahadleen sidii odaygu uu ugu biiri lahaa qorshaha dib u heshiisinta ee la wado iyo in uu ku laabto magaalada Muqdisho uuna taageero dawlada Somaliya ee uu madaxweynaha ka yahay Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Hadaba nasiib daro Oday Xasan Daahir Aweys ayaa shuruudo adag hordhigay Dhexdhexaadiyayaashii Wakiilka ka ahaa Dowladaha Suudan & Liibiya, wuxuuna Odaygu ku adkeystay inuusan heshiis la geli doonin Sheekh Shariif & xubnaha uu soo dirsaday, inta ay dalka joogaan Ciidamada AMISOM iyo in marka hore liiska dadka ay ku raad joogaan Mareykanka & UN-ka laga saaro, sidoo kale wuxuu shaki geliyay iney Dowladani ay tahay mid sharci ah oo ka wakiil ah Shacbiga Soomaaliyed, isagoo ugu baaqay ergada iney kala diraan oo gogol cusub loo fidiyo dhamaan qeybaha ay ka kooban tahay Soomaaliya si loo dhiso Dowlad loo dhan yahay oo cusub waa siduu hadalka u dhigay.

Dhanka kale Dib u laabashada Oday Xasan Daahir Aweys uu ku tagey tuulada Asmara ee dalka Eritrea oo uu dhawaan ka soo baxsaday ayaa waxaa ka soo baxaya warar sheegaya in uu ku yimid wadahadal dhexmarey dowladaha Suudaan iyo Eritrea, inkastoo ay jiraan warar aan si buuxda loo hubin oo sheegaya in Eritrea ay cadaadis ku saartey dowlada Suudaan inay dib ugu soo celiso dalkeeda Oday Xasan Daahir.

Sikastaba ha ahaatee Arinkaan ayaa waxaa loo arkaa in ay ka danbeysay ka dib markii Madaxweyne Sheekh Shariif uu ku soo hingoobay shirkii Carabta ee ka dhacay dalka Qadar.

Odaygan ma ahan nin nasiib fiican, dhinac walba Sheekh Shariifna waa ogyahay, tan kale qabiilka iyo gooni socodka ayaa ku badan odeyga, ma ahan nin aad loo aamini karo.

Banaadir Post.