Search This Blog

Tuesday, May 19, 2009

Wasiirka Amniga Somaliya oo ku sugan Magaalada Addis Ababa xilli Ciidamo Ethiopian ay manta soo galeen…

Wasiirka Amniga Qaranka ee Dowladda Soomaaliya Col. Cumar Xaashi Aadan ayaa gaaray Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, iyadoona socdaalkiisa uu ku soo beegmay xilli Dowladda ay qatar ugu jirto inay bur burto, kadib markii Xoogaga ka soo horjeeda ay ku hareereeyeen Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Socdaalka Wasiirka Amniga oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaan la ogeyn waxa xilligan ku soo beegay, hase ahaatee waxaa socdaalkiisa ku wehliyo Wasiirka Maaliyada Shariif Xasan.Wararka qaar ayaa sheegaya in Wasiirka Ammaanka Col. Cumar Xaashi uu kulamo dhinaca ammaanka la qaadanayo Wasiirada iyo Saraakiisha Nabadgelyada Midowga Afrika, iyadoona ay suurta gal tahay kulamo kale oo ay wada qaataan Dowladda Ethiopia.
Ma cada ujeedada Dowladda Soomaaliya, xilli ay xaalad adag ku jirto, waxaase la ogeyn in xilligan ay u yeeraneyso Ethiopia iyo in kale, bacdamaa ay caqabado ku hor-gudban yihiin, waxaana deegaano ka tirsan dalka Soomaaliya soo galay Ciidamo Ethiopian oo fara badan, kaasoo aysan Dowladda Soomaaliya wali ka hadlin, mowqifkeeda dhabtana aanay cadeyn.

Ururka Midowga Afrika ayaa dhowaan sheegay in hadii la isku dayo in Dowladda KMG la afgambiyo ay xitaa u yeeranayaan Ciidamo ka baxsan Afrika sida Gaashaanbuurta NATO oo ku sugan Xeebaha Soomaaliya, waxaana la ogeyn iminka qorshayaasha u duugan Dowladda uu hogaamiyo Sheekh Shariif.
Laakiin warar laga helay xaga diblomaasiyada ayaa sheegaya in Dowladda Sheekh Shariif ay aad isaga ilaalineyso inay u yeerato Ciidamada Ethiopia si ay isaga difaacaan Mucaaradka bahalada noqday ee ay Ajaaniibta wehliyaan, waxaana ay aad uga cabsaneysaa in shaatiga uu uga dhiiqoobay sidii Dowladdii C/llaahi Yuusuf oo kale, waxaana ay ku dadaaleysaa sidii aan u lumen laheyn kalsoonida shacabka, maadaama Ciidamada Ethiopia ay shacabka u arkaan Cadawgooda koowaad, isla markaana wali ay dadka dhagahooda ka yeereyso xasuuqii ba'anaa ee ay geysteen, Balse siyaasadu waa midi labo afley ah...............
Banaadir Post
Xamar..

Guri ay ku shirayeen ajnabiyiin iyo Amiirka Al-shabaab Axmed Godane oo qarax hareeyay


Guri ay ku shirsanaayeen saraakiisha sare ee Kooxda Al-Shabaab ayaa dhulka lala gooyey, kadib markii ay labo gantaal laga soo tuuray Maraakiibta Maraykanka lala beegsaday waxaana la xaqiijiyay inuu shirka ka socday gurigaas shir gudoominayay Amiirka Kooxda Al-shabaab Axmed Godane oo isagoo dhaawaca ay la baxeen labo gaari dagaal.

Gurigan ay ku shirayeen Saraakiisha Al-Shabaab oo ku yaal xaafadda Ciisse Cabdi ee Gubta, ayaa wuxuu gantaaladii lala beegsaday u geestay guryahii la deriska ahaa burbur xoogan.

Wararkan ayaa waxay sheegayaan in gurigan lagu dhiftay laba gantaal oo laga soo tuuray dhanka bada ee maraakiibta Maraykanka ku sugan yihiin, kadib taasna waxay sababtay in ay qarxaan sedexda gaari oo ag yaalay guriga oo ku rarnaayeen walxaha qarxa, lana doonayay inay galaan fariisamadda Ciidamadda Amisom ee Mogadisho maalimaha soo socda.

Inta la xaqiijiyay 11 nin oo Somali ah, sedex u dhashay bakistan oo kawada tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab ayaa ku dhintay Guriga filadaa ee guud ahaanteeda burburtay, waxaana ku dhaawacmay Amiirka kooxda Al-Shabaab Axmed Godane oo wararka qaarna ay sheegayaan inuu ku geeriyooday dhaawiciisa.

Waa markii labaad ee kooxda Al-shabaab lala beegsado madaxdooda gantaal Tani waxay horseedi kartaa Nasri ay bulshada Soomaaliyeed helaan hadii ay dhab noqoto inay gudaha gurigaas ku halaagsameen horjoogayaasha Al-shabaab iyo ajnabiyiinta ka tirsan AlQaeda ee fidnada ka wada dalka Somaliya ..
Banaadir Post
Xamar cade.

Xizbul Islaam, AL-SHABAAB, Onlf, Maxaa kala dhexeeyo ALQAACIDDA.

Ujeedadii ururka al-shabaab oo bedelay hadafkiisii ahaa in dalka uu ka xoreeyo cadowgii ku soo duulay ee Ethiopia 2006, hadaba waxaa umada eey isweeydiineeysaa xagee u socdaan al-shabaab hadafkooda cusubna maxuu yahay ??? su áalahaa ayaan jeclahay in aan halkan uga faaloodo iyada oo eey diirada siyaasada dalka somalia xiligaan uu saaran yahay ururka al-shabaab iyo xawaaraha uu ku socdo.

Al-shabaab waxaa eey ka dhex dhasheen ururweeynihii maxkamadaha ee ka soo curdamay magaalada xamar bilowgii 2006 xiligaa oo eey xaaran ku haysteen caasimada dalka muqdishi dagaal Ogayaal u diiday nabada iyo wada noolaansho shacabkii ku dhaqanaa xamar kalana qobqobay magaalada Muqdisho geeysiiyayne in dekeda iyo madaarka xamar xirnaado in ka badan 16 sanno, waxaa uu ahaa kacdoon shacabka eey aad u taageereen marka aad dib u fiiriso dadaalka shacbka iyo sida eey u garab istaageen ururweeynahii maxkamadaha, waxaan marna maskaxdeena laga tirtiri karin sida shacabka ugu istaagay taakuleeynta iyo u garaagrka ciidamadii MMI ayaga oo meelwalba ugu qidmeeynayay biyaha,caanaha raashinka iwm iyo mabdaá qaaliga ah oo eey ku dagaalamayeen oo ahaa in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, X.Daahir oo ahaa nin dagaalo faro badan dalka ka soo galay ahaana Al-itaxaad ayaa waxaa lagu sooryeeyay in uu noqdo gudoomiyaha shuurada halka Sheekh Shariif uu ahaa ninkii kala saaray xaqa iyo baadilka " Faaruuq " laga dhigay gudoomiyaha fulinta waayo waxaa uu dagaal aanan gabashio laheeyn ku qaaday ragii beel ahaan isku xigeen sida Bashiir Raage iyo N.Daqle Maxed dheere iwm.


Waxaan soo marnay 6 bilood oo lagu qiimeeyo 6 boqol oo sanno xligaa waxaa loo bixiyay xiligii dahabiga ee maxkamadihii awooda ku lahaa dalka somalia, balse waxaa xiligaa ka dhex jiray MMI loolan shacbka arkayay oo ku wajahnaa sida maamulaka uu u ahaan lahaa mid u dhaqma sidii dowlad oo kale, waxaan marna la iloobi karin Abu Cuteeyba iyo Indhacade oo aad isaga soo horjeeday qaabka loo wajahayo qaadka markii la mamnuucay,Sheekh Shariif waxaa uu qiray in qaraarwalba oo shuurada gaarto inta eeyan fulinta soo gaarin Indhacade ku dhaqaaqi jiray fulinteeda, dalka waxaa ku soo qulqulayay jabhada ONLF oo MMI u arkayay in eey hoy u noqon karaan, waxaana halkaa dagaalada ku wajahan Maquuste eey la galeen MMI Manaas, Iidaale iyo Gobolka Bay.


Dalka waxaa ku haray inta ugu badnaa dhalin yaradii dagaalka galay oo runtii u muuqday in eey yihiin kuwa ku taagan jidka xaqa ah, inta hogaanka MMI ahaa waxaa eey ka soo jeedsadeen Eritarea waxaana eey ku heshiiyeen dhismaha jabhada dib u xoreeynta balse taasi waxaa ka biyo diiday dhalinyarada la baxay al-shabaab oo runtii xiligaa sameeystay hogaan ka duwan kuwa MMI hogaankaas waxaa madax ka noqday rag aad ugu xirnaa ururweeynaha Al-Qacida halkaas ayuuna ku dhamaaday ujeedadii aheeyd xoreeynta dalka hooyo waxaana soo baxaday ujeedo aad u guracan lana mid ah mida al-Qaacida ee ah in aduunka eey xoreeyaan & diintana eey geeyn doonaan aduunka dhamaan,waxaanan marna la dafiri karin.


1) Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga, Japan sow Alshabaab Hadafkii u u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay.Fu-ad Shongole waxaa uu dhahay waxaan tageeynaa guriga cad ee mareeykanka,ninkaa cadaanka ah waxaa uu dhahay waxaan u soconaa USA ilaa Autrelia 5 qaaradood Alow sahar umuuraha.


2) Bin-ladin codkiisa ku wajahan dadka somalia waxaa la dhihi karaa waxuu ahaa mi cadeeynaya in Al-Qacida eey xoog ku leedahay dalka eeyna jiraan kooxo u dhago nugul hadalka Bin-ladin, haddii aad dhageeysato Fuad-Shangole iyo ninka muqaalka soo bandhigay waxaa la dhihi karaa waa raga Bin-ladin uu la hadlayay kuna dhiirogelinayay in dagaalka uu sii socdo dowlada midnimada qarane la rideeyo lagana tirtiro dalka.

3) Xisbul Islaam raga eey ka mid yihiin Xassan Mahdi waxaa aad ugu celceliyay in dagaalka eey sii wadayaan haddii xitaa shareecada la ogolaado dalkana eey ka baxaan AMISON, sow lama dhihi karo waa fikirkii Bin-ladin oo qayaxan, waa dhab in Xassan Mahdi iyo kooxdiisa eey leeyihiin hadaf guracan diidaya nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia,suáasha jirtaa waxaa eey tahay maxeey tahay qandaraska Al-Qacida ku bixineeyso in dalka somalia dadkiisa iyo dadkiisa loo adeegsado gumaad lagu dabargooynayo jiritaanka sinjida somalia ???? ONLF hadafkooda waa in eeyan xasilin Somalia Ethiopiana laga xoreeyo dhulka Ogadeen, raga fikirkaa qabo waxaa ka mid ah kuwa aan hoos ku soo sheegay,X.Daahir oo aanan ka mid aheeyn xisbul Islaam waxaa uu aaminsan yahay in dagaalka uu gaaro Ethiopia maadaama uu jab xoogan kala kulamay xiligii uu ahaa madaxa Al-Itaxaad.

Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad, Max'ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad. C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud, Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen, Yaasiin Baynax Bare.

Al Shabaab waxaa hadafkooda uu la mid yahay midka al Qaacida dabcan Ethiopia ha ugu horeeyso sida aad marar faro badan ka maqasheen hogaanka sare ee al shabab in Addis -abbaba eey burburto sida eey u burburiyeen Ethiopia caasimadii dalka hooyo ee Muqdshio, hooyo Somali ah ayaa waxaa eey sheegtay in wiilashadeeda lagu gumaaday dagaaladii xabashida lagaga soo horjeeday wiilkii ugu danbeeyayne xisbul Islaam ku dileen xamar Alow sahal umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe.
Hirabe_a@hotmail.com.