Search This Blog

Tuesday, May 19, 2009

Xizbul Islaam, AL-SHABAAB, Onlf, Maxaa kala dhexeeyo ALQAACIDDA.

Ujeedadii ururka al-shabaab oo bedelay hadafkiisii ahaa in dalka uu ka xoreeyo cadowgii ku soo duulay ee Ethiopia 2006, hadaba waxaa umada eey isweeydiineeysaa xagee u socdaan al-shabaab hadafkooda cusubna maxuu yahay ??? su áalahaa ayaan jeclahay in aan halkan uga faaloodo iyada oo eey diirada siyaasada dalka somalia xiligaan uu saaran yahay ururka al-shabaab iyo xawaaraha uu ku socdo.

Al-shabaab waxaa eey ka dhex dhasheen ururweeynihii maxkamadaha ee ka soo curdamay magaalada xamar bilowgii 2006 xiligaa oo eey xaaran ku haysteen caasimada dalka muqdishi dagaal Ogayaal u diiday nabada iyo wada noolaansho shacabkii ku dhaqanaa xamar kalana qobqobay magaalada Muqdisho geeysiiyayne in dekeda iyo madaarka xamar xirnaado in ka badan 16 sanno, waxaa uu ahaa kacdoon shacabka eey aad u taageereen marka aad dib u fiiriso dadaalka shacbka iyo sida eey u garab istaageen ururweeynahii maxkamadaha, waxaan marna maskaxdeena laga tirtiri karin sida shacabka ugu istaagay taakuleeynta iyo u garaagrka ciidamadii MMI ayaga oo meelwalba ugu qidmeeynayay biyaha,caanaha raashinka iwm iyo mabdaá qaaliga ah oo eey ku dagaalamayeen oo ahaa in dalka lagu dhaqo shareecada Islaamka, X.Daahir oo ahaa nin dagaalo faro badan dalka ka soo galay ahaana Al-itaxaad ayaa waxaa lagu sooryeeyay in uu noqdo gudoomiyaha shuurada halka Sheekh Shariif uu ahaa ninkii kala saaray xaqa iyo baadilka " Faaruuq " laga dhigay gudoomiyaha fulinta waayo waxaa uu dagaal aanan gabashio laheeyn ku qaaday ragii beel ahaan isku xigeen sida Bashiir Raage iyo N.Daqle Maxed dheere iwm.


Waxaan soo marnay 6 bilood oo lagu qiimeeyo 6 boqol oo sanno xligaa waxaa loo bixiyay xiligii dahabiga ee maxkamadihii awooda ku lahaa dalka somalia, balse waxaa xiligaa ka dhex jiray MMI loolan shacbka arkayay oo ku wajahnaa sida maamulaka uu u ahaan lahaa mid u dhaqma sidii dowlad oo kale, waxaan marna la iloobi karin Abu Cuteeyba iyo Indhacade oo aad isaga soo horjeeday qaabka loo wajahayo qaadka markii la mamnuucay,Sheekh Shariif waxaa uu qiray in qaraarwalba oo shuurada gaarto inta eeyan fulinta soo gaarin Indhacade ku dhaqaaqi jiray fulinteeda, dalka waxaa ku soo qulqulayay jabhada ONLF oo MMI u arkayay in eey hoy u noqon karaan, waxaana halkaa dagaalada ku wajahan Maquuste eey la galeen MMI Manaas, Iidaale iyo Gobolka Bay.


Dalka waxaa ku haray inta ugu badnaa dhalin yaradii dagaalka galay oo runtii u muuqday in eey yihiin kuwa ku taagan jidka xaqa ah, inta hogaanka MMI ahaa waxaa eey ka soo jeedsadeen Eritarea waxaana eey ku heshiiyeen dhismaha jabhada dib u xoreeynta balse taasi waxaa ka biyo diiday dhalinyarada la baxay al-shabaab oo runtii xiligaa sameeystay hogaan ka duwan kuwa MMI hogaankaas waxaa madax ka noqday rag aad ugu xirnaa ururweeynaha Al-Qacida halkaas ayuuna ku dhamaaday ujeedadii aheeyd xoreeynta dalka hooyo waxaana soo baxaday ujeedo aad u guracan lana mid ah mida al-Qaacida ee ah in aduunka eey xoreeyaan & diintana eey geeyn doonaan aduunka dhamaan,waxaanan marna la dafiri karin.


1) Magaalada Marka ayaa Nin lagu Magacaabo Ibrahim Almaqdis oo sheegay in uu ka tirsan yahay Mujaahiddiinta Alshabaab ku tilmaamay hadafkooda in uu yahay in eey socdaan ilaa Alaska oo ku taalla Mareykanka, Japan, Koonfur/Afrika, Turkiga, Japan sow Alshabaab Hadafkii u u abuurmay ma aheeyn mid Waddanka Soomaaliyeed looga Xoreynayo Cadawga Tigreega ah iyo badbaadinta shacabka 19 sanno dagaalka sokeeye isku ahyay.Fu-ad Shongole waxaa uu dhahay waxaan tageeynaa guriga cad ee mareeykanka,ninkaa cadaanka ah waxaa uu dhahay waxaan u soconaa USA ilaa Autrelia 5 qaaradood Alow sahar umuuraha.


2) Bin-ladin codkiisa ku wajahan dadka somalia waxaa la dhihi karaa waxuu ahaa mi cadeeynaya in Al-Qacida eey xoog ku leedahay dalka eeyna jiraan kooxo u dhago nugul hadalka Bin-ladin, haddii aad dhageeysato Fuad-Shangole iyo ninka muqaalka soo bandhigay waxaa la dhihi karaa waa raga Bin-ladin uu la hadlayay kuna dhiirogelinayay in dagaalka uu sii socdo dowlada midnimada qarane la rideeyo lagana tirtiro dalka.

3) Xisbul Islaam raga eey ka mid yihiin Xassan Mahdi waxaa aad ugu celceliyay in dagaalka eey sii wadayaan haddii xitaa shareecada la ogolaado dalkana eey ka baxaan AMISON, sow lama dhihi karo waa fikirkii Bin-ladin oo qayaxan, waa dhab in Xassan Mahdi iyo kooxdiisa eey leeyihiin hadaf guracan diidaya nabada iyo wada noolaanshaha umada somalia,suáasha jirtaa waxaa eey tahay maxeey tahay qandaraska Al-Qacida ku bixineeyso in dalka somalia dadkiisa iyo dadkiisa loo adeegsado gumaad lagu dabargooynayo jiritaanka sinjida somalia ???? ONLF hadafkooda waa in eeyan xasilin Somalia Ethiopiana laga xoreeyo dhulka Ogadeen, raga fikirkaa qabo waxaa ka mid ah kuwa aan hoos ku soo sheegay,X.Daahir oo aanan ka mid aheeyn xisbul Islaam waxaa uu aaminsan yahay in dagaalka uu gaaro Ethiopia maadaama uu jab xoogan kala kulamay xiligii uu ahaa madaxa Al-Itaxaad.

Xasan Turki (Ogaadeen) Gudomiye-ku-Xigeen koowaad, Max'ed Mire (Majeerteen)Gud-ku-Xigeenka labaad. C/lahi Khadaab (Reer Aw-Xasan) Xoghayaha Guud, Xasan-Mahdi (Reer Aw-Xasan) Afhayeen, Yaasiin Baynax Bare.

Al Shabaab waxaa hadafkooda uu la mid yahay midka al Qaacida dabcan Ethiopia ha ugu horeeyso sida aad marar faro badan ka maqasheen hogaanka sare ee al shabab in Addis -abbaba eey burburto sida eey u burburiyeen Ethiopia caasimadii dalka hooyo ee Muqdshio, hooyo Somali ah ayaa waxaa eey sheegtay in wiilashadeeda lagu gumaaday dagaaladii xabashida lagaga soo horjeeday wiilkii ugu danbeeyayne xisbul Islaam ku dileen xamar Alow sahal umuuraha.

Dr.Ali.A.Hirabe.
Hirabe_a@hotmail.com.