Search This Blog

Monday, May 18, 2009

Weriye Khaalid"Noloshii aan xamar ku soo arkay".


Nin aduunyo joogoow maxaa aragti kuu laaban, dad badan ayaa laga yaabaa marka ay arkaan cinwaanka maqaalka iney aad ula yaabaan ama ay yiraahdaan ninkaan maxuu ka wadaa doorashada cinwaankan, balse waxaan rabaa inaan kaaga sheekeeyo kharaar iyo macaan nolosha xamar taala.

Aniga waxaan ka mid ahaa dadkii intii badan ku noolaa xamar xiliyadii ugu dhibaatada badneyd sidaasi daraadeed waxaan rabaa inaan idinkaga sheekeeyo dhibaatadii xamar taalay welina sii socota.

Xamar waxaan ku arkay, hooyo ilmaheeda ku guubaabineysa iney dagaalamaan si reer tolkood loo difaaco, hooyadaasi markii loo soo sheego inuu dhintay mid ka mid ah ciyaalkeeda oo ay iyada dagaalka u dirtay ayey mashxarad ku dhaqaaqdaa taasi oo ku tusineysa inuu qalbigeeda mar hore dhintay oo aysan dhimashada ka naxeyn.

Xamar waxaan ku arkay wiil hooyadiis u sheegaya inuu soo laayey reer tolkeed iyadana ay ku habaareyso inuu ilaah ku dilo gacanta reer abtigiis.

Xamar waxaan ku arkay magaalo iska ganacsaneysa meeydkana uu meel walba yaalo, hadii loogu roonaadana baakad wajiga laga saaro inta laga helayo qof yaqaana ama ugu danbeynta la isla garto in la iska aaso.

Xamar waxaan ku arkay ciyaal aan argagax aqoon oo u daawasho tago dagaalada, meydkana aan ka naxin iyo darxumada dhaawaca.

Xamar waxaan ku arkay nin dilay nin kale misana meeshii uu ku dilay iska fadhiya oo shah iska dalbanaya aadana u haysan inuuba wax geystay.

Xamar waxaan ku arkay nin loo afduubanayo maadaama uu ilaah xoolo siiyey asaga ama reerkiisa lana rabo in xoog looga qaato.

Xamar waxaan ku arkay qof la silic dilayo iyadoo dhawaaqa ka baxaya qofkaasi la maqashiiyo ehelkiisa si lacag looga helo, hadii ay lacag bixin waayaana lagu sii wado silic dilka ilaa uu ka naf baxo.

Xamar waxaan ku arkay qof la afduubtay oo maalinba far ka mid ah farihiisa la jaro oo loo geeyo reerkiisa si cadaadis loogu saaro iney madax furasho bixiyaan.

Xamar waxaan ku arkay niman meel jid ah iska taagan oo dadka lacag ka qaata looguna magac daray (leejo) loona ogol yahay lacagtaasi si aysan dad kale u dilin.

Xamar waxaan ku arkay odoyaal gar u fadhiya oo dalbanaya diyada wiilkooda oo la dilay isaga oo wax dhacaya, kuna andacoonaya in wiilkooda uu masaajid muadin ka ahaa.

Xamar waxaan ku arkay gabdho baangado isla dhacaya kadib markii aroos ay ka qeyb galeen ay u kala safteen reer hebel iyo reer hebel.

Xamar waxaan ku arkay saqiir yar oo u oynaya inuu dagaal galo.Xamar waxaan ku arkay culumo masaajid ka istaagtay oo dalbaneysa in faataxada loo maro wiilashoodii oo reer kale u duulaan tagay.

Xamar waxaan ku arkay reer wiil laga dilay oo hadana laga dalbanayo iney bixiyaan qarashka rasaastii wiilkooda lagu dilay.

Xamar waxaan ku arkay ganacsade lag dalbanayo inuu bixiyo lacag hub lagu iibiyo si beel kale loo weeraro.

Xamar waxaan ku arkay dad iska dhistay guryo kale oo dad kale ay leeyihiin kuna andacoonaya in dhulka uu iska banaanaa.
Xamar waxaan ku arkay nin loo dilay maxaad u noqotay reer hebel.

Xamar waxaan ku arkay aqoonyahay gaajo la seexan waayey iyo jaahil dharag la seexan waayey.

Xamar waxaan ku arkay reer hebel ka fiican reer hebel kale.
Xamar waxaan ku arkay dhaktar aan jaamacad galin oo wax dabiibaya.

Xamar waxaan ku arkay kirishbooy ka laxajeclo badan darawalkiisa.

Xamar waxaan ku arkay qashin meel walba tuuran oo hadana qaadistiisa lacag badan lagu rabo.

Xamar waxaan ku arkay bahalo dhax taagan faras magaaladii.
Xamar waxaan ku arkay macalin dugsi quraan oo loo fakfakanayo kadib markii uu garaacay ardeygiisii oo looxa ka bixi waayey.

Xamar waxaan ku arkay dad kun shilin isku dilaya.

Xamar waxaan ku arkay gabar 13 jir ah oo korineysa agoon looga dhintay.

Xamar waxaan ku arkay macalin iskuul oo ardeygiisii uu baroon banaanka ula taagan kadib markii uu imtixaankii ku dhacay.

Xamar waxaan ku arkay ciyaal tikniko iskuula looga soo doonaayo.

Xamar waxaan ku arkay dad jeebka ku wata warqado ay ku qoran yihiin magacyadooda iyo cinwaankooda si hadii ay dhintaan loogu raadiyo.

Xamar waxaan ku arkay waalidiin murugo daashatay, maati uu qax daashaday. Iyo dhalaan uu cudur daashay.

Xamar waxaan ku arkay dad la yaabaya hadii uusan dhowr maalmood dagaal dhicin.

Xamar waxaan ku arkay dad dhamaantood wada jiran marka loo eego micyaarka caalamiga ah.

Xamar waxaan ku arkay dad iska xanaaqsan oo mar walba ay ku kacsan tahay.

Xamar waxaan ku arkay laami ay ciid qarisay, daaro ay xabad ka dharagtay, baalayaal rasaas ay ku wada taalo, iyo dad hambo madfac, rasaas iyo gaajo ah.

Xamar waxaan ku arkay qolooyin madfac iska ridaya meel ay u ridayaana aan aqoon iyo dad u dulqaadanaya in maalin walba ay madfac u joog noqdaan.

Xamar waxaan ku arkay qalbi naxdin ka dhargay, dad dareen ku joog ah, il wax xun iney aragto ka dharagtay, iyo adamo tabar beelay.

Xamar waxaan ku arkay isbitaalo daawo laga waayey, makhaayad cuno laga waayey, dukaan raashin laga waayey, hotel la seexan waayey, guryo la dagi waayey, dad taleefan dirsan waayey iyo dad isu talin waayey.

Xamar waxaan ku arkay dad xamar u haysta iney tahay magaalada dunida ugu fiican.

Magaalada intaasi oo dhib ah ay ka jirtana hadana kheyrka kama marna oo waxaan xamar ku arkay dad u doodaya dadka waalan iyo kuwa xanuunsan.

Xamar waxaan ku arkay dad u doodaya xuquuqda xayawaanka.

Xamar waxaan ku arkay dad lacag u aruurinaya dad maskiin ah oo is daaweyn waayey.

Xamar waxaan ku arkay xeryo masaakiinta iyo agoonta cuno loogu kariyo.

Xamar waxaan ku arkay qof aan shilin haysan oo hadana iska faraxsan.Xamar waxaan ku arkay dad isku dhex nool oo wax wada cunaya.

Xamar waxaan ku arkay nin ay kun shilin dharjineyso.

Xamar waxaan ku arkay cuno raqiis ah marka loo eego magaalooyinka kale ee caalamka.

Xamar waxaan ku arkay masaakiin u soo kalaheysa iney walaalahood wax warsadaan hadana ka helaya.

Xamar waxaan ku arkay in qofkii masajid ka istaagaa ee dadka wax warsada in faraqa loo buuxiyo.

Xamar waxaan ku arkay iney tahay magaalo masaakiinta iyo dadka jeebka maran u roon.

Xamar waxaan ku arkay iskuulo bilaash ah oo dad muxsiniin ah ay lacagtooda bixiyaan.

Xamar waxaan ku arkay magaalo subaxii kumanaan arday ay u dareeraan iney wax bartaan.

Xamar waxaan ku arkay culumo masaajiyada u fadhisa iney diinta fidiyaan iyo xer wax ka dhagaysaneysa.

Xamar waxaan ku arkay ganacsato masaajiyada kaga yabooheysa iney jilaan xerta diinta baraneysa.

Xamar waxaan ku arkay gawaari loo sameeyey iney dhaawaca dagaalada gurmad deg deg ah u fidiyaan.

Xamar waxaan ku arkay taleefanada magaalada dhaxdeeda ah oo bilaash ah, hadii aad maanta dhan hadleysana aan waxba lagaa rabin, taasi oo aysan ka jirin magaalooyinka waaweyn ee caalamka.

Xamar waxaan ku arkay jaamacado aad raqiis u ah takhasus walbana leh.

Xamar waxaan ku arkay rag wata shahaadooyin caalami ah oo magaaladaas ay dagaalada iyo qaxa dilooday iskaga dhex nool kuna qanacsan.Xamar waxaan ku arkay dacwada iyo wanaaga oo si xowli ah ku socda.

Xamar waxaan ku arkay inuu arooska ku badan yahay.Xamar waxaan ku arkay dhalinyaro aad u labis qurxoon oo aysan ka qasneyn.

Xamar waxaan ku arkay dhalinyaro salaada aad u jecel oo jamaaco walba ku soo tukanaya masaajidyada.

Xamar waxaan ku arkay iney tahay magaalo saxaafadeed, tusaale ahaan magaalada waxaa ka shaqeeya in ka badan 10 idaacadood, ugu yaraan 4 taleefishin, iyo wargeysyo aad u badan.

Xamar waxaan ku arkay dhismayaal aad u qurxoon gaar ahaan aagaga ganacsiga.

Xamar waxaan ku arkay xawaalado tiro badan oo waxna u soo xawila magaalada waxna ka sii xawila taasi oo ay u shaqeeyaan dad aad u badan ayna ku hoos nool yihiin kuwa kale oo badan.

Xamar waxaan ku arkay isgaarsiin aad casri u ah oo mararka qaar iyada oo kale aadan ka heleyn magaalooyin aad u waaweyn oo caalamka ah, misana raqiis ah.

Xamar waxaan ku arkay suuq lagu magacaabo c/lle shideeyo kaasi oo kuu fududeynaya dhamaan adeegyadii ay qaban jirtay dowlada iyo wasaaradaheeda kala duwanaa.

Xamar waxaan ku arkay ganacsato soo dajineysa qalabkii ugu danbeeyey caalamka ee casriga ahaa.

Xamar waxaan ku arkay hoteelo casri ah oo caalami ah oo mararka qaar 5 stars, iyo 7 stars aan waxba u ogeyn.

Xamar waa magaaladaas aan kuu sifeeyey ee aragtadii aad doonto ka qaado, waana sababta ay dagaalo daris ula noqotay iyada oo dabaqad walba ay ku noolaan karto,balse waxaan isweydiiyaa sababta ay reer xamar u diidan yihiin iney iskula noolaadaan magaaladooda cajiibka ahna ay ka dhigtaan mid si walba loogu noolaan karo, badareey iyo baaba raqiisba.?

Suaashaas akhristayaasha ayaan u deynayaa.

w/diyaariyey
khaalid maxamuud macalin.
Khaalid14@hotmail.com