Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Nuur Cadde oo la kulmay madax ka socota deeq bixiyaasha caalamka.

Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa kulamo la yeeshay wadamada deeqaha bixiya ee caalamka.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa kala hadlay deeq bixiyaasha caalamka xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay wadamadaasi kaalin weyn ugu geysan lahaayeen soo celinta nabada Soomaaliya iyo kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacaya.

Nuur Cadde ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya ay mareyso meeshii ugu xumeed abid, waxuuna u sharaxay hindisaha DF ee ku aadan nabadeynta dalka Soomaaliya.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskii dhawaan gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu yahay guul weyn oo la gaaray, waxuuna ugu baaqay inay gacan qabtaan heshiiskaasi sidii uu u noqon lahaa mid hirgala.

Nuur Cadde waxuu xusay inay DF geed gaaba iyo mid dheerba u fuuli doono nabadeynta dalka Soomaaliya, waxuuna ammaanay Mucaaradka DF oo uu sheegay inay la fahmeen dowlada sidii nabada loo soo celin lahaa.

Waxaa lagu soo waramayaa in madaxda deeq bixiyaasha uu la kulmay Nuur Cadde ay aqbaleen talooyinka uu soo jeediyay isla markaana sheegey inay wax weyn ka qaban doonaan nabadeynta Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ay maanta gacalinka dambe la kulmi doonaan wadamada deeq bixiyaasha caalamka isla markaana arrimaha Soomaaliya kala hadli doonaan una bandhigi doonaan heshiiskii ay dhawaan gaareen. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Isbaheysiga DS ee hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo DF ayaa waxaa ka muuqda isku soo dabacsanaan iyo wada shaqeyn ay bilaabeen tan iyo markii heshiis 11 qodob ka koobnaa ku saxiixdeen caasimada Jabuuti.

Koshin Yare
banaadirpost@gmail.com

Moratti: "Mourinho, per me e numero uno..

Dovendo cambiare ho pensato si dovesse puntare sul migliore" racconta il presidente, a Portofino per il workshop nerazzurro. "L'allenatore non ha chiesto attaccanti: tornerà Adriano, Ibra non dovrà operarsi. E Balotelli ha una nuova occasione..."

Massimo MorattiPORTOFINO - “Una volta costretto a cambiare ho pensato si dovesse prendere il numero uno". Dal workshop dell’Inter a Portofino, il presidente nerazzurro Massimo Moratti spiega con una frase di disarmante semplicità la scelta di puntare sul portoghese José Mourinho per inaugurare la storia del secondo centenario dell’Inter. Il primo, festeggiato quest’anno, si è chiuso con la vittoria del 16mo scudetto. E contrariamente alle voci di un arrivo di Mourinho strumentale alla conquista della Champions, proprio dall’obiettivo campionato dovrà ripartire anche il mister lusitano.

"Anche per lui l'obiettivo principale deve essere quello di vincere lo scudetto – spiega con chiarezza Moratti -. Puntare sulla Champions League vorrebbe dire togliere molte energie alla squadra ed è come lanciare una monetina". In campionato l’Inter avrà al suo fianco un pubblico sempre più fedele: gli abbonamenti hanno fatto segnare un +30% nei primi 10 giorni di campagna. . "Mourinho c'entra - sottolinea Moratti -. Nei tifosi c'è la curiosità, l'attesa per sapere che Inter sarà”.

Già, che Inter sarà? "Abbiamo fatto due liste diverse per il mercato io e Mourinho - scherza Moratti -, adesso vediamo di confrontarle, ma non avremo problemi. Sia Mourinho che Mancini prima di lui non hanno mai creato problemi sulla campagna acquisti. L'intento è ovviamente di mettere su una squadra vincente. Mancini c'è riuscito, Mourinho finora non ha fatto richieste impossibili".

Tra le “richieste non impossibili” di Mourinho, c’è Lampard, suo fedelissimo quando allenava il Chelsea. "E’ un giocatore che piace molto a Mourinho ed a tutti noi – conferma Moratti -, ma questo non vuol dire che sia facile prenderlo”. Chi invece è già un “nuovi acquisto” dell’Inter è Adriano. “Tornerà sicuramente – garantisce il presidente -, poi toccherà a Mourinho valutare le sue condizioni e capire se possa fare parte di questo gruppo". Il ritorno di Adriano, a detta di Moratti, esclude l’arrivo di altri attaccanti.

E a proposito di goleador, sono i giorni di Euro 2008, impossibile per Moratti sottrarsi a un punto sulla situazione di Zlatan Ibrahimovic, trascinatore anche con la maglia della nazionale di Svezia ma sempre alle prese con il tendine rotuleo del ginocchio sinistro, che tanto lo ha fatto penare nella fase finale dell’ultimo campionato. "I medici svedesi e i nostri non sono preoccupati – rassicura il presidente - e dicono che non serve l'operazione. Basterà un bel periodo di vacanza e di riposo". A proposito di Ibra, Moratti coglie l’occasione per smentire che il rinnovo del contratto sia legato “a cifre pazzesche, confermo che l'accordo c'è e nasce dalla sua volontà di restare per vincere la Champions League e essere riconosciuto come il migliore giocatore d'Europa".

Rientrata anche la “grana” Balotelli: "In un momento eccezionale causato dalla sorpresa per un improvviso successo – spiega Moratti -, ci può essere la tentazione di farsi dei progetti eccezionali. Ma la vita è fatta di piccoli gradini. Ora Balotelli ha un grande allenatore e l'occasione per far vedere quello che vale. Poi guadagnerà quello che merita".

Mohamed Bupal
mohamedbupal@gmail.com

Midoowga Ganacsatada Soomaaliyeed oo taageeray heshiiska nabadda Jabuuti

Midoowga Ganacsatada Soomaaliyeed oo taageeray heshiiska nabadda JabuutiDjabuutiMidoowga Ganacsatada soomaaliyeed ee dhawaan lagu unkay dalka jabuuti ayaa si hagar la aan ah u taageeray heshiiska nabada ee dhawaan lagu saxiiday dalka jabuuti iyagoona ku booriyey labada dhinac in ay si taxadir ah u dhoowraan heshiiska eyna fuluyaan xabad joojinta .

Masuuliyiintaa oo xaruntooda weyn ay ku taalo wadanka jabuuti ayaa si hagar laaan ah u taageeray heshiiska uu hormodka ka yahay Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyagoona Sheikh ku tilmaamay shaqsi ku fiican hogaan wax walbana ay kala weyntahay sharafta Diinta iyo Dalka .

Ganacsatadaan uu Gudoomiye u yahay Axmed Nuur Cali Jimcaale ayaa si weyn u taageeray heshiiskaan Ciidamada Itoobiya looga saaraayo dalka waxeyna xuseen in ay muhiim u tahay dalka Soomaaliyeed oo xiligaan ku jira dhibka iyo rafaadka .


Mid ka mid ah masuuliyiinta ganacsatadaan ayaa ka dhawaajiyey in xiligaan loo baahan yahay nabad iyo dowlad dadka kaafiso madaama qilaaf lagu jiray 18sano wax faaiiida ah oo laga heleyna aysaan jirin.

Shaqsiyaadka taageeray heshiiskaan oo aad u badnaa ayaan ka xusi karaa Axmed Nuur Cali Jimcaale oo ah gudoomiyaha Xaaji Abuuker Cumar Caddaan Cabdi Cali Faarax iyo kuwa kale oo badan oo aan inta ku soo koobi karin.


Soo dhaweynta ay soo dhaweyeen masuuliyiintaan ayaa waxaa uga horeyey Soomaalida inta nabada jecel marka laga reebo shaqsiyaad isaga iyo reer kiisa ay ku nool yihiin wadamada reer galbeedka kuwaas oo ku nool Certa Ilmahoodana ay heystaan Amni iyo nolo aysan heysan ilamaha geedka hoostooda roobka uga daaayo .


Xafiiska war qabadka DayniileGoternburg, .Swedendayniilenews@yahoo.com ,dayniilecom@hotmail.com

Ould Abdullah “Laba ruux oo argagixiso ah maahane inta kale way taageereen hehsiiskii Jabuuti, Caalamkuna waa in uu taageero xabad joojinta Soomaaliya

Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qabailsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullaha ayaa sheegay in beesha caalamka ay waajib ku tahay in ay taageerto natiijada kasoo baxday wada hadaladii qaramada Midoobay ay dhex dhexadineysay ee ka dhacay dalka Jabuuti.

“Caalamku waa in uu taageero xabad joojinta ay Soomaalidu ku heshiiyeen “ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ould Abdullah.

Wareysi uu biixyay ayaa, Ahmedou Ould Abdallah,waxaa uu ku muujiyay rajada wanagsan ee uu ka qabo in hehsiiskii 9-kii bishan lagu gaaray Jabuuti uu hakin doono colaadii dalka Soomaaliya mudada dheer ka jirtay.

"Soomaalida oo dhami way soo dhaweyeen hehsiiskii lagu gaaray Jabuuti, marka laga reebo laba ruux oo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay kusoo dareen liiska argagixisada aduunka”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdullah oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku wehlinaya socdaal muddo laba malmood ah qaadanaya oo uu ku marayo dalka Sacuudiga.

"Hada waxaa ay kubadu gacanta ugu jirtaa beesha caalamka, Midowga Yurub,Mareykanka iyo Jamaacadda Carabta,waxaana dhinacyadan laga doonayaa in ay taageeraan sidii heshiiskii la gaaray uu meel mar u noqon lahaa”ayuu yiri wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Ould Abdallah,oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi,laakin badanaa taga magaalada Muqdisho ayaa ka deyriyay diidmada ka imaaneysa xubin ka mid ah is bahasyiga Asmara oo ah Daahir Aweys,waxaana uu ku eedeeyay Oday Daahir Aweys in uu yahay nin Eritrea ay maskax ahaan maamusho.


Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu ku baaqay in la qabto shir ay isugu imaanayaan dalalka deeqaha bixiya si lacago dib u dhiska loo adeegsado loogu ururiyo dalka Soomaaliya.

Ould Abdallah,waxaa uu sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay waajib ku tahay in uu ciidamo nabad ilaalineed oo caalami ah u diro Soomaaliya,si taasi ay u xaqiijiso bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee haatan dalka Jooga.Midowga Afrika ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradoodu dhantahay 2,600 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Brundi,tiradaas oo aad uga yar tiradii markii hore laga filayay Midowga Afrika oo dhameyd 8 kun oo askari.

Mohamed Bupal.
mohamedbupal@gmail.com
England.

Siyaasadda Isaias Afwerki oo la'meel laga sarrifo

Dowladda yer ee ka dhisan dalka Eretrea ayaa noqotey mid siyaasaddeeda ay ku dhisantahay, aan ka soo horjeysto si la ii aqoonsado, taasi oo ka muuqato tan iyo intii ay dowladaasi soo id baxdey.

Madaxweyne Isaias ayaa noqdey waraabe aan leylisameynin, aan marna noqonkarin baarri lala dhaqmo, taasi oo kasoo billaabatey tan iyo intii lagu biiriyey siyaasadda jabhadeenta .
Isaiaas ayaa ahaa wiilkii boqorkii Heyla Silaasi , taasi oo ka dhigan goortii ay jabhaddii waddaniga xurriyad doonta ahayd ee ka dillaacdey dalka Eretrea 1960kii, oo ku saleysneyd diinta islaamka , ayaa boqorkii Xeyle Silaasi lagula taliyey inuu ku dhex darsado, xubin ka tirsan Kirishtaan oo ka qeyb gala jabhaddii uu madaxda u ahaa Mudane Cismaan Sabbe, kaasi oo soo dhoweeyey, Isaias oo dhallinyero ah.


Sabbe oo ka dab qaadanaayey nidaamyada hantiwadaagga iyo kuwa bacthiga ee Syria iyo Ciraaq, ayaa u arkey Isaias inuu kusoo jiidankaro dhallinyerada kirishtaanka iyo dowladaha reer Yurub , taasi oo ay taageero u muujisey Dowladda vaticanka , isla markaana Xeyle Silaasina uu u muujiyey nooc dabacsanaan ah.

Siyaasadda Heyla Silaasi ayaa ku dhisneyd ka shaqeynta kala jebinta jabhadda dhaqdhaqaaq Xureynta Eretrea, taasi oo ah inuu Isaias Muujiyo adadkaan ku saleysan ka soo horjeydsashada Boqorka Hayla Silaasi, taasi oo qancinkarta dhaqdhaqaaqyada oo idil.

Ka dib goorta uu xoog ku dhex yeesho jabhadda inuu kala jebiyo ururkaa Muslimiinta ah, taasina wuu ku guuleystey , waxuuna ku tababarnaa inuusan marna lasoo bannaan bixin debecsanaan iyo iinuu kasoo jeedo dhanka boqorka Hayle Salaasi, ilaa laga gaarey inuu burburo maamulkii boqorka.

Halkaasi ayuu haddana garab ka dhigtey ururradii kasoo horjeedey maamulka Mangisto, halkaasi ayuu haddana ka billaabey wejiga cusub ee kasoo horjeedka nidaamka cusub.
Halkaasi waxaa si xoog leh ay isu garab taagnaayeen asaga iyo Meles Zenawi, ilaa ay ka saareen dalka Ethiopia , nidaamkii Mangisto, waxayna isku raaceen inuu Meles Ethiopia la wareego meesha Isaias loo deendoono maamulka Eretrea.


Taasi waxay keentey inuu Isaias oogu horreentii la wareegey maamulka Eretrea, halkaasi ayuu ku noqdey madaxweynaha dalkaasi kuna dhawaaqey dowladdiisa, hase yeeshee qaniinyada oogu horreysey waxuu ku dhigey Meles Zenawi oo ahaa saaxiibkii ay godka dagaalka ku woda jireen.
In yer nka dib waxuu weerar ku qaadey dowladda Suudaan asaga oo daba taagnaa uruurada kasoo horjeedey nidaamkii Ethiopia, in yer dabadeed waxuu la wareegey laba jasiiradood oo ay leedahay dowladda Yemen, kuma ekaan waxuu usoo gudbey dowladda Cusub ee Djebouti.
Dowladdaasi oo cumrigeeda uusan dhafin ilaa 3 bilood ayuu weerar ku soo qaadey, taasi oo uu doonaayey, dhibaatooyinkii iyo jabkii kasoo woda raacey dowladahii hore, inuu ku qarsado, amase isku illowsiiyo , hase yeeshee taasina ma aysan dhicin.


Waxaa mar kale uu isku deyey hadda inuu dib usoo weeraro asaga oo xujo ka dhiganaaya , dowladaani ee yer ee had iyo jeer ku dadaaleyso inay gobolka ka aslixiso nabad gelyo , meesha asaga oo dowladdiisa ay ka weyntahay aysan awood u yeelan.

Dhibaatada Soomaaliya waxaa xalkeeda lagu raadiyey, dalal fara badan sida Yemen, Suudaan , Masar, Ethiopia , Liibiya, Keenya, Djebuuti, iyo meelo kale oo si yer yer leysku deyey, sida Ugandha.

Hase yeeshee xeerada dib u heshiiska Soomaaliyeed Isaias wax uu ka qaatey ayaa noqotey inuu taageero maxaakiimta Islaamka, hase yeeshee taasi waxay u keentey meeshii uu doortey inuu nabadda ka gaaro, in dunida lagu tilmaamey Argagixiso.

Tani waxay dhalisey inuu si toos ah , u weeraro heshiisyada laga wodey Djebouti, asaga oo xubnihii dib u xureynta Soomaaliyeed ku tilmaamey inay noqdeen kuwa aan ka saqeynin danaha Soomaaliyeed, isla markaana xubnahii dalkiisa joogey ku amrey inay arrintaasi kasoo horjeestaan, taana ay dhacdey.

Siyaasadda Isaias ayaa ku saleysan cadwogeyga cadowgiisa waa saaxiibkeyga, taasi ayaa ku kalliftey inuu taageero maxaakiimta Islaamiga, ayada oo la ogyahay Isaias inuu horey u sheegey markii uu maamulka qabtey , ianay Soomaaliya ka jiraan ilaa 13 urur Islaami ah, una baahan in laga takhaluso, lagana hortego, hadalkaasi waxuu sheegey mar laga wareysanaayey television carbeed .

Maantase maxaakiimta uma taageerin jaceyl uu u qabo Islaamka ee waxay ka tahay waa inuu dagaalka ka socdo Soomaaliya sidii ciidamada Ethiopia aan looga soo saarin dalkaasi, isla markaana aysan ugu soo madax bannaanaan ka hor tegga Eretrea.

Dhanka kale waxuu sii joogta ah uu tababar u siiyaa, jabhadaha Suudaan, Ethiopia, Soomaali Ogaadeen, iyo maxaakiimta Soomaaliya, haddana uu diyaarin ku haayo dad uu doonaayo inuu kusoo diro dowladda Djebuuti.

Arrimahaasi oo idil iyo kuwa kale oo qarsoon , ee gaar u ah Isaiaas iyo dowladdiisa ayaa waxay dhaliyeen in siyaasadda Isaias ay noqoto mid aan leheen meel laga sarrifo, taasi oo ku riddey qiima beel siyaasadeed, debedda dalkaasi iyo gudahiissaba.

Waxaase la filayaa heerka uu maamulka iyo dadka Eretreanka ay kala marayaan, inay dhaliso inuu dalkaasi ka dhaco inqilaab askareed oo keena nidaam la jaan qaado siyaasadda ka taagan geeska Aafrica oo la doonaayo in lagu rido jidka toosan.

Waxa la sugaana waa waqti keli, oo aan fogeen sidaan wararka ku hello, in mucaaradka dalkaasi ay maanta awooddooda ay gaadhey in dalka meelo badan maamulka kaga soo biireen, keli ay u dhimantahay inay ku dhawaaqaan riditaanka Isaias iyo siyaasaddisa.

Jamaal Maxamed Mursal Jmm278@hotmail.com

Shiikha Shariif oo ugu baqay tageerayaashisa ineey hubkooda sii hestaan difaacayna hishiiska ay dhawaan Isbahaysigu la gaareen Dowlada Fadaraalka Soma

Jabuuti- Gudoomiyihii Isbahasyiga bur buray Sheikh Shariif Sh Ahmed ayaa markii ugu horeysay difaacay hishiiska ay dhawaan Isbahaysig garabka u isgu hogaaminaayo la galeen Dowlada Fadaraalka Somalia u afkiisa kadhowray magaca Dowlada.
Shariifka ayaa sheegay in laga ma maarmaan ay tahay in la taageero hishiiskii ay dhawaan gaareen garabkiisa iyo Dowlada Somalia.

Waxaase isweydiin mudan kala hadalka kooxda shariifku u hogaaminaayo, waxaan ognahay in dhawaan wareysi u siyaay saxaafada Cabdi shakuur oo ahaa ninkii isagu usaxiixay koxihii Dowlada Somaliya kasoo horjeeda inuu yuri wan sii wadeynaa Dagaalada hubeeysan ee aan kala soo horjeedno cidamada Dowlada Fadaraalka iyo cidamada Ethiopia.

waxaa kaloo iyadana runtii isweeydin mudan wax shariifka udiidanyahay in afkiisa marnba u soo mariyo ineey heshiis la galeen Dowlada Somalia oo isagu u hada heshiis lagalay,

Mohamed Bupal
mohamedbupal@gmail.com
England.

miyeesan u muqaneeyn in shariifka lugi ulaabantahay xilgaan lajoogo, madaan aanu ognahay in kolhore wadahadaldii lagu heshiiyaya Khartum kadib kooxaha shariifka u hogaaminaayaay ey qabsadeen Kismaayo iyo meelo kale ayadoo lagu heshiyaay xabad joojin, taas waxaan u deynenaa umada Somaliyeed.

Muqdisho: Allaha u naxariistee waxaa saakay ku geeriyooday Muqdisho Sh. Axmed Gambale oo si weyn looga qadariyo Soomaaliya

Allaha u naxariistee waxaa saakay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Axmed Gaballe oo ka tirsan Mashaa'iqda sida weyn looga ixtiraamo dalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Gaballe oo mudooyinkii danbe xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen xerta Sheekh Axmed, waxaana markii la maqlay geerida Sheekha isbitaalka Keysaney buux dhaafiyay Culumaa'uddiin caan ah, Xerta Sheekha, dadkii uu soo wax baray, Siyaasiyiin, xubno ka tirsan Dowladda KMG iyo qeybaha bulshada ay ka kooban tahay, kuwaasi oo wajiyadooda laga dareemayey murugo iyo naxdin.

Meydka Sheekha ayaa loo qaadayey saakay deegaanka Qalimow ee gobolka Sh.Dhexe halkaasi oo uu ku noolaa intii uu caafimaad qabay, waxaana horay u sii raacayey meydka culumaa'uddiinka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sheekh Axmed Gaballe ayaa waxaa uu ka mid ahaa mashaa'iqda waa weyn ee Soomaaliyeed, waxaana Sheekha si weyn loogu xasuustaa faafinta Diinta Islaamka, daminta colaadaha sokeeye ee beelaha ku nool Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran iyo u tabarucaada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Sheekha dadka caanka ah ay ka duco qaadan jireen, iyagoo ku soo booqan jiray deegaanka Qalimow ee uu deganaa.

Banaadir Post
Bupal yare
Xamar Cade.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ansixiyay Heshiiskii ay Jibouti ku wada gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreyn


Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta shir ku yeeshay xaruntooda Magaalada Muqdisho ayaa waxay taageereen heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku wada saxiixdeen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta.

Shirka ay isugu yimaadeen Xubnaha Golaha Wasiirrada oo uu shir guddoominayay Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, ahna Wasiirka Waxbarashada Avv. Caydiid Ilka-xanaf ayaa waxaa looga dooday heshiiskii ay labadaas dhinac ku gaareen Dalka Jibouti, waxaana dood dheer kadib ay Golaha Wasiirrada isku raaceen in ay taageeraan heshiiskaas.

Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaaji Goob-doon oo shirkaas ka qeybgalay ayaa wuxuu saxaafadda u sheegay in sidoo kale shirkaas Warbixinno looga dhegeystay Wasiirrada Macdanta iyo Tamarta, Howlaha Guud iyo Guriyeynta iyo Haweenka iyo Arrimaha Qoyska.

Cabdi Xaaji Goob-doon waxaa uu sheegay in Xubnaha Golaha Wasiirrada ay mahadcelin ballaaran u jeediyeen Madaxweynaha Jibouti Ismaaciil Cumar Geelle oo ay sheegeen in uu gacan mug leh ka geystay sidii ay miro uga soo bixi lahaayeen Wada hadalladii Jibouti, sidoo kalena wuxuu carrabka ku dhuftay in ay Xubnaha Golaha Wasiirrada mahadcelin u jeediyeen Qaramada Midoobay iyo Wakiilladii Beesha Caalamka ka socday ee wada hadalladaas goob-jooga ka ahaa.

Heshiiskii ay dhawaan Jibouti ku gaareen Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta ayaa waxaa qodobadiisa ugu muhiimsan ka mid ah in xabadda la joojiyo, in muddo 120 maalmood gudahood ah ay Dalka Soomaaliya uga baxaan Ciidamada Itoobiya kadib marka la keeno Ciidamo ka socda Qaramada Midoobay oo ku filan sugidda ammaanka Soomaaliya iyo in dhinacyada heshiiska gaaray ay sameeyaan guddiyo labada dhinac ah oo ka shaqeeya meel-marinta qodobada lagu
heshiiyay.


Banaadir Post.
Bupal Yare
Xamar Cade.