Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Nuur Cadde oo la kulmay madax ka socota deeq bixiyaasha caalamka.

Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen "Nuur Cadde" oo maalmahaan ku sugnaa magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa kulamo la yeeshay wadamada deeqaha bixiya ee caalamka.
Ra'iisul-wasaaraha ayaa kala hadlay deeq bixiyaasha caalamka xaalada dalka Soomaaliya iyo sidii ay wadamadaasi kaalin weyn ugu geysan lahaayeen soo celinta nabada Soomaaliya iyo kor u qaadista dhaqaalaha Soomaaliya oo hoos u dhacaya.

Nuur Cadde ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya ay mareyso meeshii ugu xumeed abid, waxuuna u sharaxay hindisaha DF ee ku aadan nabadeynta dalka Soomaaliya.

Ra'iisul-wasaaraha ayaa sheegay in heshiiskii dhawaan gaareen Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya uu yahay guul weyn oo la gaaray, waxuuna ugu baaqay inay gacan qabtaan heshiiskaasi sidii uu u noqon lahaa mid hirgala.

Nuur Cadde waxuu xusay inay DF geed gaaba iyo mid dheerba u fuuli doono nabadeynta dalka Soomaaliya, waxuuna ammaanay Mucaaradka DF oo uu sheegay inay la fahmeen dowlada sidii nabada loo soo celin lahaa.

Waxaa lagu soo waramayaa in madaxda deeq bixiyaasha uu la kulmay Nuur Cadde ay aqbaleen talooyinka uu soo jeediyay isla markaana sheegey inay wax weyn ka qaban doonaan nabadeynta Soomaaliya.

Warar hoose ayaa sheegaya in Nuur Cadde iyo Sheekh Shariif ay maanta gacalinka dambe la kulmi doonaan wadamada deeq bixiyaasha caalamka isla markaana arrimaha Soomaaliya kala hadli doonaan una bandhigi doonaan heshiiskii ay dhawaan gaareen. Si kastaba ha ahaatee, xubnaha Isbaheysiga DS ee hogaaminayo Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo DF ayaa waxaa ka muuqda isku soo dabacsanaan iyo wada shaqeyn ay bilaabeen tan iyo markii heshiis 11 qodob ka koobnaa ku saxiixdeen caasimada Jabuuti.

Koshin Yare
banaadirpost@gmail.com