Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Ould Abdullah “Laba ruux oo argagixiso ah maahane inta kale way taageereen hehsiiskii Jabuuti, Caalamkuna waa in uu taageero xabad joojinta Soomaaliya

Wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ugu qabailsan arrimaha dalka Soomaaliya Ahmedou Ould Abdullaha ayaa sheegay in beesha caalamka ay waajib ku tahay in ay taageerto natiijada kasoo baxday wada hadaladii qaramada Midoobay ay dhex dhexadineysay ee ka dhacay dalka Jabuuti.

“Caalamku waa in uu taageero xabad joojinta ay Soomaalidu ku heshiiyeen “ayuu yiri wakiilka xoghayaha guud ee qaramada midoobay ugu qaabilsan arrimaha dalka Soomaaliya Ould Abdullah.

Wareysi uu biixyay ayaa, Ahmedou Ould Abdallah,waxaa uu ku muujiyay rajada wanagsan ee uu ka qabo in hehsiiskii 9-kii bishan lagu gaaray Jabuuti uu hakin doono colaadii dalka Soomaaliya mudada dheer ka jirtay.

"Soomaalida oo dhami way soo dhaweyeen hehsiiskii lagu gaaray Jabuuti, marka laga reebo laba ruux oo Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ay kusoo dareen liiska argagixisada aduunka”ayuu yiri Ahmedou Ould Abdullah oo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay ku wehlinaya socdaal muddo laba malmood ah qaadanaya oo uu ku marayo dalka Sacuudiga.

"Hada waxaa ay kubadu gacanta ugu jirtaa beesha caalamka, Midowga Yurub,Mareykanka iyo Jamaacadda Carabta,waxaana dhinacyadan laga doonayaa in ay taageeraan sidii heshiiskii la gaaray uu meel mar u noqon lahaa”ayuu yiri wakiilka xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya.

Ould Abdallah,oo fadhigiisu yahay magaalada Nairobi,laakin badanaa taga magaalada Muqdisho ayaa ka deyriyay diidmada ka imaaneysa xubin ka mid ah is bahasyiga Asmara oo ah Daahir Aweys,waxaana uu ku eedeeyay Oday Daahir Aweys in uu yahay nin Eritrea ay maskax ahaan maamusho.


Wakiilka Qaramada Midoobay waxaa uu ku baaqay in la qabto shir ay isugu imaanayaan dalalka deeqaha bixiya si lacago dib u dhiska loo adeegsado loogu ururiyo dalka Soomaaliya.

Ould Abdallah,waxaa uu sheegay in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay waajib ku tahay in uu ciidamo nabad ilaalineed oo caalami ah u diro Soomaaliya,si taasi ay u xaqiijiso bixitaanka ciidamada Itoobiyaanka ee haatan dalka Jooga.Midowga Afrika ayaa haatan waxaa Soomaaliya ka jooga ciidamo tiradoodu dhantahay 2,600 oo askari oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Brundi,tiradaas oo aad uga yar tiradii markii hore laga filayay Midowga Afrika oo dhameyd 8 kun oo askari.

Mohamed Bupal.
mohamedbupal@gmail.com
England.