Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Muqdisho: Allaha u naxariistee waxaa saakay ku geeriyooday Muqdisho Sh. Axmed Gambale oo si weyn looga qadariyo Soomaaliya

Allaha u naxariistee waxaa saakay isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho ku geeriyooday Sheekh Axmed Gaballe oo ka tirsan Mashaa'iqda sida weyn looga ixtiraamo dalka Soomaaliya.

Sheekh Axmed Gaballe oo mudooyinkii danbe xanuunsanaa ayaa ku geeriyooday isbitaalka Keysaney ee magaalada Muqdisho, sida ay inoo xaqiijiyeen xerta Sheekh Axmed, waxaana markii la maqlay geerida Sheekha isbitaalka Keysaney buux dhaafiyay Culumaa'uddiin caan ah, Xerta Sheekha, dadkii uu soo wax baray, Siyaasiyiin, xubno ka tirsan Dowladda KMG iyo qeybaha bulshada ay ka kooban tahay, kuwaasi oo wajiyadooda laga dareemayey murugo iyo naxdin.

Meydka Sheekha ayaa loo qaadayey saakay deegaanka Qalimow ee gobolka Sh.Dhexe halkaasi oo uu ku noolaa intii uu caafimaad qabay, waxaana horay u sii raacayey meydka culumaa'uddiinka Soomaaliyeed, Siyaasiyiin iyo qeybaha kale ee bulshada.

Sheekh Axmed Gaballe ayaa waxaa uu ka mid ahaa mashaa'iqda waa weyn ee Soomaaliyeed, waxaana Sheekha si weyn loogu xasuustaa faafinta Diinta Islaamka, daminta colaadaha sokeeye ee beelaha ku nool Gobolka Banaadir iyo deegaanada ku xeeran iyo u tabarucaada bulshada Soomaaliyeed, iyadoo Sheekha dadka caanka ah ay ka duco qaadan jireen, iyagoo ku soo booqan jiray deegaanka Qalimow ee uu deganaa.

Banaadir Post
Bupal yare
Xamar Cade.