Search This Blog

Monday, June 16, 2008

Siyaasadda Isaias Afwerki oo la'meel laga sarrifo

Dowladda yer ee ka dhisan dalka Eretrea ayaa noqotey mid siyaasaddeeda ay ku dhisantahay, aan ka soo horjeysto si la ii aqoonsado, taasi oo ka muuqato tan iyo intii ay dowladaasi soo id baxdey.

Madaxweyne Isaias ayaa noqdey waraabe aan leylisameynin, aan marna noqonkarin baarri lala dhaqmo, taasi oo kasoo billaabatey tan iyo intii lagu biiriyey siyaasadda jabhadeenta .
Isaiaas ayaa ahaa wiilkii boqorkii Heyla Silaasi , taasi oo ka dhigan goortii ay jabhaddii waddaniga xurriyad doonta ahayd ee ka dillaacdey dalka Eretrea 1960kii, oo ku saleysneyd diinta islaamka , ayaa boqorkii Xeyle Silaasi lagula taliyey inuu ku dhex darsado, xubin ka tirsan Kirishtaan oo ka qeyb gala jabhaddii uu madaxda u ahaa Mudane Cismaan Sabbe, kaasi oo soo dhoweeyey, Isaias oo dhallinyero ah.


Sabbe oo ka dab qaadanaayey nidaamyada hantiwadaagga iyo kuwa bacthiga ee Syria iyo Ciraaq, ayaa u arkey Isaias inuu kusoo jiidankaro dhallinyerada kirishtaanka iyo dowladaha reer Yurub , taasi oo ay taageero u muujisey Dowladda vaticanka , isla markaana Xeyle Silaasina uu u muujiyey nooc dabacsanaan ah.

Siyaasadda Heyla Silaasi ayaa ku dhisneyd ka shaqeynta kala jebinta jabhadda dhaqdhaqaaq Xureynta Eretrea, taasi oo ah inuu Isaias Muujiyo adadkaan ku saleysan ka soo horjeydsashada Boqorka Hayla Silaasi, taasi oo qancinkarta dhaqdhaqaaqyada oo idil.

Ka dib goorta uu xoog ku dhex yeesho jabhadda inuu kala jebiyo ururkaa Muslimiinta ah, taasina wuu ku guuleystey , waxuuna ku tababarnaa inuusan marna lasoo bannaan bixin debecsanaan iyo iinuu kasoo jeedo dhanka boqorka Hayle Salaasi, ilaa laga gaarey inuu burburo maamulkii boqorka.

Halkaasi ayuu haddana garab ka dhigtey ururradii kasoo horjeedey maamulka Mangisto, halkaasi ayuu haddana ka billaabey wejiga cusub ee kasoo horjeedka nidaamka cusub.
Halkaasi waxaa si xoog leh ay isu garab taagnaayeen asaga iyo Meles Zenawi, ilaa ay ka saareen dalka Ethiopia , nidaamkii Mangisto, waxayna isku raaceen inuu Meles Ethiopia la wareego meesha Isaias loo deendoono maamulka Eretrea.


Taasi waxay keentey inuu Isaias oogu horreentii la wareegey maamulka Eretrea, halkaasi ayuu ku noqdey madaxweynaha dalkaasi kuna dhawaaqey dowladdiisa, hase yeeshee qaniinyada oogu horreysey waxuu ku dhigey Meles Zenawi oo ahaa saaxiibkii ay godka dagaalka ku woda jireen.
In yer nka dib waxuu weerar ku qaadey dowladda Suudaan asaga oo daba taagnaa uruurada kasoo horjeedey nidaamkii Ethiopia, in yer dabadeed waxuu la wareegey laba jasiiradood oo ay leedahay dowladda Yemen, kuma ekaan waxuu usoo gudbey dowladda Cusub ee Djebouti.
Dowladdaasi oo cumrigeeda uusan dhafin ilaa 3 bilood ayuu weerar ku soo qaadey, taasi oo uu doonaayey, dhibaatooyinkii iyo jabkii kasoo woda raacey dowladahii hore, inuu ku qarsado, amase isku illowsiiyo , hase yeeshee taasina ma aysan dhicin.


Waxaa mar kale uu isku deyey hadda inuu dib usoo weeraro asaga oo xujo ka dhiganaaya , dowladaani ee yer ee had iyo jeer ku dadaaleyso inay gobolka ka aslixiso nabad gelyo , meesha asaga oo dowladdiisa ay ka weyntahay aysan awood u yeelan.

Dhibaatada Soomaaliya waxaa xalkeeda lagu raadiyey, dalal fara badan sida Yemen, Suudaan , Masar, Ethiopia , Liibiya, Keenya, Djebuuti, iyo meelo kale oo si yer yer leysku deyey, sida Ugandha.

Hase yeeshee xeerada dib u heshiiska Soomaaliyeed Isaias wax uu ka qaatey ayaa noqotey inuu taageero maxaakiimta Islaamka, hase yeeshee taasi waxay u keentey meeshii uu doortey inuu nabadda ka gaaro, in dunida lagu tilmaamey Argagixiso.

Tani waxay dhalisey inuu si toos ah , u weeraro heshiisyada laga wodey Djebouti, asaga oo xubnihii dib u xureynta Soomaaliyeed ku tilmaamey inay noqdeen kuwa aan ka saqeynin danaha Soomaaliyeed, isla markaana xubnahii dalkiisa joogey ku amrey inay arrintaasi kasoo horjeestaan, taana ay dhacdey.

Siyaasadda Isaias ayaa ku saleysan cadwogeyga cadowgiisa waa saaxiibkeyga, taasi ayaa ku kalliftey inuu taageero maxaakiimta Islaamiga, ayada oo la ogyahay Isaias inuu horey u sheegey markii uu maamulka qabtey , ianay Soomaaliya ka jiraan ilaa 13 urur Islaami ah, una baahan in laga takhaluso, lagana hortego, hadalkaasi waxuu sheegey mar laga wareysanaayey television carbeed .

Maantase maxaakiimta uma taageerin jaceyl uu u qabo Islaamka ee waxay ka tahay waa inuu dagaalka ka socdo Soomaaliya sidii ciidamada Ethiopia aan looga soo saarin dalkaasi, isla markaana aysan ugu soo madax bannaanaan ka hor tegga Eretrea.

Dhanka kale waxuu sii joogta ah uu tababar u siiyaa, jabhadaha Suudaan, Ethiopia, Soomaali Ogaadeen, iyo maxaakiimta Soomaaliya, haddana uu diyaarin ku haayo dad uu doonaayo inuu kusoo diro dowladda Djebuuti.

Arrimahaasi oo idil iyo kuwa kale oo qarsoon , ee gaar u ah Isaiaas iyo dowladdiisa ayaa waxay dhaliyeen in siyaasadda Isaias ay noqoto mid aan leheen meel laga sarrifo, taasi oo ku riddey qiima beel siyaasadeed, debedda dalkaasi iyo gudahiissaba.

Waxaase la filayaa heerka uu maamulka iyo dadka Eretreanka ay kala marayaan, inay dhaliso inuu dalkaasi ka dhaco inqilaab askareed oo keena nidaam la jaan qaado siyaasadda ka taagan geeska Aafrica oo la doonaayo in lagu rido jidka toosan.

Waxa la sugaana waa waqti keli, oo aan fogeen sidaan wararka ku hello, in mucaaradka dalkaasi ay maanta awooddooda ay gaadhey in dalka meelo badan maamulka kaga soo biireen, keli ay u dhimantahay inay ku dhawaaqaan riditaanka Isaias iyo siyaasaddisa.

Jamaal Maxamed Mursal Jmm278@hotmail.com