Search This Blog

Saturday, July 12, 2008

Waxaa Degmada Galhareeri lagu diley xalay nin ka shaqeynayay hayadaha gargaarka




Waxaa xalay fiidkii la diley Mohamed Axmed Rooble lagu diley Degmada Galhareeri ee Gobolka galgaduud, wuxuu ka shaqeeynanay sidii loo gargaaro dadka wuxuu mas,uul ka ahaa hay,ad wadanka Soomalia ka shaqeysa kana sii hoos shaqeysa kuwa Qaramada Midoobey, lama oga sabab kale oo loo diley ninkan oo aan ahayn in maalmahan la gumaadayo kuwa ka shaqeeeya gargaarka.


Waxaa kaloo xalay Moqdisho lagu diley Mohamed Mohamud Kheyre oo ahaa ninka howla gali jirey DBG hay,ad Lokal ah howlo gaargaarna ka wada Moqdisho, waxaa kaloo asna xalay la dhaawacay Madaxii hay,ada SORDA Ali Baashi ALOORA oo dhaawac halis soo gaarey.

DHamaan dilalkan waxaa ka danbeeya sida ay sheegtaan AL-SHAABAAB ama ALSHAYDAAN oo dadka qaar u yaqaaaniin.


Waxaa kaloo maalmo ka hor la diley madaxii UNDP Cusmaan Ali Ahmed, oo la diley isaga oo ka soo baxaya Masaajid oo ku soo dukadey salaada cishaha, waxaana dhaawac halis ah soo gaarey wiil yar oo dhalay.



Bal wixii xigaq aan dhowrno.


Banaadir Post.




Oday Daahir Aweys iyo Qaran diid zakariye oo meel cidlo ah ku hungoobay kadib markii xubnihii ay u dirsadeen Yemen ay ku biireen garabka sh Shariif.



Warar lahelayo ayaa muujinaya in Oday Daahir Aweys iyo qaran diidka Weyn Zakariye Maxamuud ay ku keliyoobeen tuulada Asmara,iyadoo haatan aanay garanaynin meel ay u ciirsadaan,kadib markii ragii ay u dirsadeen kulanka sanca ay ogaadeen wax badan oo ku aadan hagar daamada laga maleegayo Asmara kuna biireen garabka Sheekh Shariif.


Warar ayaa muujinaya in Oday Daahir Aweys iyo qaran diidka Weyn Zakariye Mxamuud ay ku keliyoobeen tuulada Asmara,iyadoo haatan aanay garanaynin meel ay u ciirsadaan,kadib markii ragii ay u dirsadeen kulanka sanca ay ogaadeen wax badan oo ku aadan hagar daamada laga maleegayo Asmara kuna biireen garabka Sheekh Shariif.


Wararka nagasoo gaadhaya magaalada sanca ee dalka Yemen oo gogosha dhex dhexaadinta labada dhinac ay taalo ayaa sheegaya in guddoomiyaha isbahaysiga Asmara Sheekh Shariif sheekh Axmed uu soo bandhigey qodobo macquul ah oo taabagalinaya heshiiskii taariikhiga ahaa ee lagu gaadhey dalka jabuuti iyo arima kale oo hoose oo uu uga waramay garabkii ka socday Xassan Daahir Aweys, arinkaasina waxeey u arkeen in lagu joojin karayo dhiiga micnadarada u daadanaya ee dadka soomaaliyeed.


Shaqsi aanu ka wareysanay arimaha shirka ayaa wuxuu u sheegay in labadii garab ee wada shirayey uu isfaham dhaxmaray u gaar ah ayna,islamarkaana ay iska bari yeeleen xubnaha aan shirka imaan ee Asmara jooga uuna hogaaminayo Xasan Daahir Aweys.


Arrinkan soo cusboonaaday ayaa waxaa uu sababay in isla shalayba xubnaha ku sugan tuulada Asmara ay bilaabaan shirar hoose oo ay kaga arrisnanayaan waxa laga yeeli karo kulanka sanca, iyagoo sidoo kalana ka hadlaya xilka qaadis ay ku sameeyaan sheekh shariif inkastoo hadana caqabada hor taalaahi ay tahay in ayan heysan xubno ku filan oo ay cod ku qaadi karaan.


Si kastaba waxaa halkaasi ka cad in garabkii ka socday Asmara ay raaceen sheekh shariif kuna fakir noqdeen.


Banaadir Post.

England

Beenin la wareegidda maamulka gobolka shabeellada hoose

Sida shir jaraa'id uu qabtey Jaamac Balow, shaley, una ku qabtey magaalada Afgooye, ayaa waxuu ku sheegey arrin waayahaanba caadi ka noqotey dalka Soomaaliya , taasi oo ah inuu yahay guddoomiyaha maamulka gobolka shabeellada hoose.

Waxuuna yidhi"Waxii maanta ka dambeeya , aniga ayaa guddoomiye ka ah, gobolka shabeellada hoose, guddoomiyihii horena, aniga ayuu maamulka igu soo wareejiyey", waxaana la tashi la sameendoonaa ayuu yiri odey dhaqameedka gobolka iyo waxgaradka.


Arrintaasi ayaan raad dheer qaadin, si rasmi ah waxaa jawaab ka bixiyey, xoghayaha guud ee maamulka gobolka sh/hoose Cabdullaahi Cabdi Xasan, oo sheegey , inay arrintaasi ay tahay wax lagu quslo, ayna tahay mid wax kama jiraan ah.
Teeda kale waxuu caddeeyey xoghayahaasi inuu guddoomiyaha uu fasax oogu maqanyahay magaalada moqdisho, isla markaana uusan ka helin wax war ah ee arrintaasi ku saabsan.

Teeda kale ayuu yiri, ma jirto wax waraaq ah iyo qoraal ka yimid dhanka dowladda, saa darteed arrintaan uu ku dhawaaqey Jaamac Balow ay tahay mid aan raad iyo sal midna lahayn, saa darteed waa hadal uu iska yiri.

Wararkaan iska soo hor jeedo ayaa ah mid ku saleysan boobitaanka dheefta gobolka, intaa ku dagaallamaaya ayaan ahayn qoor u dhashey gobolka, ayada oo la woda ogyahay inay woda yihiin kuwa ku amar taagleeyo gobolka ilaa iyo muddadii 18ka sannadood gacanta ku haayey gobolka.

Waxaase la filayaa arrintaani inay ka dambeyso ayada oo gobolka arrimahiisa maalmahaani laga wodey magaalada baydhoba , halkaasi oo ay ka jireen shirar ku saabsan sidii gobolka loogu soo dhisi lahaa maamul cusub oo ka hawl galo gobolka.

Taasi oo ay xubnahaani ku herdimaayo ay ka hor dhacayaan inta aan lagu dhawaaqin maamulka cusub, isla markaana ay yihiin kuwa markii horeyba halkaasi ku matidi jirey inay dad gobolka u dhashey aysan maamuli karin, taasi oo ay garab kaga heleen marar badan dowladda federaalka iyo maamulkii maxaakiimta , taasi oo dulmi ku saleysnayd.

Qof dulmi barteyna keli waxaa lagu celin karaa asaga oo runta arka amase lagu tusa, sida amase habka uu yaqaan, haddii ay caqli iyo cadaalad marna aysan oggoleen, waa in lala dhaqma waxa u dhigmo habka ay yaqaaniin, sida ay u gartaan iniuu Ilaahay xaq yahay.

Xaayle Eemaan Suufow

xaayle278@hotmail.com

Tiro dad lagu tuhmayo iney ku lug leeyihiin rabshadaha Muqdisho oo lagu soo qabqabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya





Howlgal ballaaran oo saakay ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya kuwa Itoobiya ay ku soo qabqabteen kooxo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin falalka amaan daro ee ka jira magaalada Muqdisho kuwaasi oo ciidamada kaxeysteen.


Howlgalkii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan aan ka dhicin Muqdisho ayaa saakay ka bilowday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyadoo howlgalkaasi uu la xariiray adkeynta amaanka degmadaasi.


Kooxo dhalinyaro ah oo lagu qiyaasay tiradooda 15 isla markaana ka xernaa indhaha ayey ciidamada saareen gaadiidka ciidamada iyadoo la dhigay xabsiyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baaritaano lagu sameynayo.


Mas’uul ka tirsan dowladda KMG oo ka hadlay ma jiro ilaa iyo weli howlgalka ballaaran ee maanta ka soconaya degmada Dayniile, kaasoo ahaa mid culus oo mudooyinkan laga fulin Muqdisho.


Waxey taasi ka danbeysey ka dib markii shaley la diley 11 nin oo ka mid ahaa kuwa dadka ku gumaada Magaalada Moqdisho, waxaa taas cadeeyay ninka ka arimaya Degmada Dayniile Muqtaar Xasan Caddow (Cirbo) oo aad u yaqaan dadkaas mudana ay dhib ku hayeen dadka degan degaanka Dayniile.


Waxaa kaloo arinkaas ka hadlay Taliye Sare Cabdulaahi Bariise.


Banaadir Post

Somalia.