Search This Blog

Saturday, July 12, 2008

Beenin la wareegidda maamulka gobolka shabeellada hoose

Sida shir jaraa'id uu qabtey Jaamac Balow, shaley, una ku qabtey magaalada Afgooye, ayaa waxuu ku sheegey arrin waayahaanba caadi ka noqotey dalka Soomaaliya , taasi oo ah inuu yahay guddoomiyaha maamulka gobolka shabeellada hoose.

Waxuuna yidhi"Waxii maanta ka dambeeya , aniga ayaa guddoomiye ka ah, gobolka shabeellada hoose, guddoomiyihii horena, aniga ayuu maamulka igu soo wareejiyey", waxaana la tashi la sameendoonaa ayuu yiri odey dhaqameedka gobolka iyo waxgaradka.


Arrintaasi ayaan raad dheer qaadin, si rasmi ah waxaa jawaab ka bixiyey, xoghayaha guud ee maamulka gobolka sh/hoose Cabdullaahi Cabdi Xasan, oo sheegey , inay arrintaasi ay tahay wax lagu quslo, ayna tahay mid wax kama jiraan ah.
Teeda kale waxuu caddeeyey xoghayahaasi inuu guddoomiyaha uu fasax oogu maqanyahay magaalada moqdisho, isla markaana uusan ka helin wax war ah ee arrintaasi ku saabsan.

Teeda kale ayuu yiri, ma jirto wax waraaq ah iyo qoraal ka yimid dhanka dowladda, saa darteed arrintaan uu ku dhawaaqey Jaamac Balow ay tahay mid aan raad iyo sal midna lahayn, saa darteed waa hadal uu iska yiri.

Wararkaan iska soo hor jeedo ayaa ah mid ku saleysan boobitaanka dheefta gobolka, intaa ku dagaallamaaya ayaan ahayn qoor u dhashey gobolka, ayada oo la woda ogyahay inay woda yihiin kuwa ku amar taagleeyo gobolka ilaa iyo muddadii 18ka sannadood gacanta ku haayey gobolka.

Waxaase la filayaa arrintaani inay ka dambeyso ayada oo gobolka arrimahiisa maalmahaani laga wodey magaalada baydhoba , halkaasi oo ay ka jireen shirar ku saabsan sidii gobolka loogu soo dhisi lahaa maamul cusub oo ka hawl galo gobolka.

Taasi oo ay xubnahaani ku herdimaayo ay ka hor dhacayaan inta aan lagu dhawaaqin maamulka cusub, isla markaana ay yihiin kuwa markii horeyba halkaasi ku matidi jirey inay dad gobolka u dhashey aysan maamuli karin, taasi oo ay garab kaga heleen marar badan dowladda federaalka iyo maamulkii maxaakiimta , taasi oo dulmi ku saleysnayd.

Qof dulmi barteyna keli waxaa lagu celin karaa asaga oo runta arka amase lagu tusa, sida amase habka uu yaqaan, haddii ay caqli iyo cadaalad marna aysan oggoleen, waa in lala dhaqma waxa u dhigmo habka ay yaqaaniin, sida ay u gartaan iniuu Ilaahay xaq yahay.

Xaayle Eemaan Suufow

xaayle278@hotmail.com