Search This Blog

Saturday, July 12, 2008

Tiro dad lagu tuhmayo iney ku lug leeyihiin rabshadaha Muqdisho oo lagu soo qabqabtay howlgal ay fuliyeen ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya





Howlgal ballaaran oo saakay ciidamada Dowladda oo gacan ka helaaya kuwa Itoobiya ay ku soo qabqabteen kooxo lagu tuhunsan yahay iney ka tirsan yihiin falalka amaan daro ee ka jira magaalada Muqdisho kuwaasi oo ciidamada kaxeysteen.


Howlgalkii ugu ballaarnaa oo mudooyinkan aan ka dhicin Muqdisho ayaa saakay ka bilowday degmada Dayniile ee gobolka Banaadir iyadoo howlgalkaasi uu la xariiray adkeynta amaanka degmadaasi.


Kooxo dhalinyaro ah oo lagu qiyaasay tiradooda 15 isla markaana ka xernaa indhaha ayey ciidamada saareen gaadiidka ciidamada iyadoo la dhigay xabsiyada magaalada Muqdisho, kuwaasi oo baaritaano lagu sameynayo.


Mas’uul ka tirsan dowladda KMG oo ka hadlay ma jiro ilaa iyo weli howlgalka ballaaran ee maanta ka soconaya degmada Dayniile, kaasoo ahaa mid culus oo mudooyinkan laga fulin Muqdisho.


Waxey taasi ka danbeysey ka dib markii shaley la diley 11 nin oo ka mid ahaa kuwa dadka ku gumaada Magaalada Moqdisho, waxaa taas cadeeyay ninka ka arimaya Degmada Dayniile Muqtaar Xasan Caddow (Cirbo) oo aad u yaqaan dadkaas mudana ay dhib ku hayeen dadka degan degaanka Dayniile.


Waxaa kaloo arinkaas ka hadlay Taliye Sare Cabdulaahi Bariise.


Banaadir Post

Somalia.