Search This Blog

Monday, August 18, 2008

Al-Shabaab oo haween shaahleyaala gumaaday

lix wiilal oo afafka u duuban yihiin ayaa bambooyin ku weeraray haween shaah ku iibinayay inta u dhaxeysa KM4 iyo Garoonka Adan Cadde International Muqdisho.
Haweenka la qarxiyay ayey kooxaha sheegta Muqaawimada ku eedeeyeen inay Ciidamada Dowlada Federalka shaah ka iibin jireen,waxaana la maqlayay iyagoo ku dhawaaqaya KALMADDA ALLAAHU AKBAR.
Inkastoo Ciidamadda AMISOM isku gadaameen baraha hooyooyinka Soomaaliyeed lagu xasuuqay hadana tacadiyada ka baxsan diinta Islaamka iyo xaquuqul insaanka ee geystaan kooxaha isku sheega inay Jihaadiyiin Muslima yihiin ayeysan jirin cid ka hadasho Saxaafad iyo wadani.
Kooxaha Muqaawimadda Al-Shabaab la baxay waxay hore u xasuuqeen haween qashin ka gurayay Muqdisho oo ay miino u duugeen,waxayna sidoo kale dileen gabadh yar oo magaceeda lagu sheegay Nasro,kana ganacsan jirtay Ukunta.
" Gabadh yar ee ay dileen kooxaha Muqaawimada sheegto hooyadeed waa indhoole,waxay irsaaqad ka raadin jirtay Ukunta,waxaa ku filneed in kuwa dilay boqol shilin Somali ah oo ka yar shan dollar siiyaan ama Ukunta ay wado ka iibsadaan laakiin xabad ayey ku dhifteen,allahu akbar ayey ku dhawaaqeen,websiteyadooda ayey soo geliyeen wayna ku faaneen,bal isweydiintu waxay tahay gobanimo malaga sugayaa koox caruurtooda,waalidiintooda arxandaradaa ku gumaada,xagee laga marayaa cuqabada hooyada indhaha la'subxaanalaah" sidaas waxaa ku calaa calay sheekh caana oo ku nool afgooye lana soo xiriiray Waagacusub
Kooxaha Shabaabka Caalamiga ee ku kala xiran Al-Qaacida iyo Washington waxay hore u dili jireen Waxgaradka Soomaaliyeed sida Aqoonyahanadda dhinacyada Tacliinta,Ciidanka,Maamulka,samafalayaasha iyo hogaan dhaqameedyadsa,waxaana hada muuqato in ugaarsigoodii u weecday Ukunleeyda,Shaahleeyda,Yaanyooleeyda iyo qashin aruurayaasha Soomaaliyeed.
Qurba jooga Soomaaliyeed oo dhaqaale ku taageera kooxaha falalka arxan daradaa kula kaca shacabkooda ee fulinaya danahii ay Itoobiya ka lahayd Soomaaliya kuna saleeysnaa in waxgaradkeeda la laayo ayey la tahay inay gobanimo la doonayaan kooxaha danleeydaa ee gumaadaya hooyooyinka iyo gabdhaha ukumaha iyo shaaha.
Soomaaliya waxaa xaaladaha ka jira la rumeysan yahay inay sababeen cadaalad daro la isugu sacab tumay,sida dilal,dhac,kufsi,barakicin iyo qabiil isugu faan,waxaana sida muuqato ku soo siyaaday Kooxo wata Kitaabka alle kuna dhaqmeyn balse ujeedkoodu yahay inay xukun ku raadiyaan ama fuliyaan dano shisheeye u dhiibtay si ay kaga faa-iidaan.
Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com