Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Xukuumada Asmara & Jaale Indhacadde Oo Maleegaya Qorshayaal lagusii fogeynayo nabad ka dhalata Soomaaliya

Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Xukuumada Asmara ay ku wargelisay garabka ku harsan dalkooda in ay go’aan cad ka qaataan Gudoomiye yaasha Golayaasha Fulinta & Golaha Dhexe ee Isbaheysiga Qarandiidka Asmara Sheekh Shariif Sheekh Sheekh Axmed & Shariif Xasan Sheekh Aadan, isla markaasna shirka soo afjaraan ugu dambeyn 20-ka bishaan Shirarka la sheegay iney ka socdaan magaalada Asmara.

Xogtaan, ayaa tibaaxeysa in kadib markii ay Saraakiisha sirdoonada Dalkaasi ee ku sugan magaalada Sanca ay ku wargeliyeen Madaxda Dalkaasi in shirka ka socda magaalada Sanca uu u muuqdo mid aan dani ugu jirin Dowlada Eratrea, isla markaasna ay labada ergo iskaga soo dhowaadeen inta badan qodobadii laga doodaayay, waxeyna xogtaan intaasi raacisay in Ergadaasi ay xiriir xagga khadka teleefonka ah la sameeyay Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo isna ku wargeliyay in ay shirarka joojiyaan, isgaoo dhaliilna dusha uga tuuitay hogaanka sare ee isbahaysiga mucaaradka.


Jaale Indahcadde aya aku dooday in ay jiraan ganacsato iyo wax garad kale oo uu ku eedeyay inay lasafteen madaxda isbahsyiga ee kala ah sheekh Shariif iyo Shariif Xasan Sheeekh Aadan.


Xiisaadan uu soo kordhiyay Indhacadde ayaa la sheegay inay timid kadib markii uu ku hungoobay damiciisiiku wajahnaa in shirka Sanca la hakiyo fowdana laga dhexd abuuro xubnaha isbahaysiga ee Sanca Jooga.


Shaqsigaan ayaa la sheegaa inuu xiriir dhow oo wada shaqeyn ah la leeyahay Xukuumada Asmara isla markaasna uu gudaha Soomaaliya ka wado olole balaaran oo uu kaga dhaadhicinaayo Saraakiisha qolooyinka Kacdoonka iney aragtidiisa taageeraan, wuxuuna todobaadkii ugu dambeeyay safro qarsoodi ah ku kala bixiyay Gobolada Bay, Bakool, Sh/hoose Galguduud & Hiiraan oo uu haatan ku sugan yahay, waxaana safarkiisa ku wehliyay Saraakiil ka tirsan Sirdoonka Asmara kuwaasoo bixinaaya balanqaadyo been ah oo ay ku doonayaan iney ku jahwareeriyaan Saraakiisha Xoogaga Kacdoonka ee daacada u ah Gudoomiyeyaasha Isbaheysiga dib u xoreynta Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed

Banaadir Post
Xamar cade.

Ciidamo tiradooda lugu qiyaasay 5000 Kun oo Askari ayna leedahay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunt

Ciidamo fara badan watana gaadiid dagaal oo fara badan ayaa habeenkii xalay ahaa soo gaaray Baydhabo, waxayna Ciidamadan iskugu jiraan Boolis & Milateri.

Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa saaka si weyn usoo dhaweeyey ciidamadan, waxa ayna Xoogagan ugudbeen Xerooyin Milateri oo kuyaala duleedyada Magaalada Baydhabo.

Dad badan oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa aaminsan in ay ciidamadan yihiin kuwii ugu horeeyey oo ay leedahay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, tiradooduna intaan dhan tahay waxaana intii ay gudbayeen la xirey Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baydhabo.

Xarunta Madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa lasheegay in ay waqtigan shir khaas ah ku leeyihiin Saraakiishii ciidamadan hogaaminaysay & Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,waxa ayna kulamadan yihiin kuwa looga hadlay howlaha ciidamadan ay qabanayaan.

Halka ay ka howlgalayaan ciidamada faraha badan ayaa Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed & Madaxda Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya ay ka arinsanayaan ,waxa ayna warar hoose sheegayaan in ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen in ciidamadan intooda badan lasoo galiyo Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

Dhinaca kalena Warar kale oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay Saacadaha soo socda ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya ,ciidamo fara badan oo ka socda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ayaguna gaaraya 3,000 Kun oo askari.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya hesho tiro intaan le'eg oo ciidan ah ,kuwasoo leh nooc walba heystana hubkii ay ku difaaci lahaayeen dalka Soomaaliya waxa ayna sheegayaan Warar hoosaadyo soo baxaya in ay ciidamadan nabad ku soo celinayaan Magaalada Muqdish & gobalo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Rajo wanaagsan ayay muujiyeen dadka indheergaradka ahi,waxaa kaloo asna rajo muujiyay Raiisul wasaare Nuur Cade oo maanta qirey in ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed la rabo in awood loo yeelo, lana xoojiyo, si looga maarmo Itoopiya UN intaba.

Banaadir Post
Xamar cade.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka " Maxkamado Islaami ah iyo Al-Shabaab wax la yiraahdo oo jira ma aqoonsani, waxaan u aqoonsahay inay yihiin Kooxo shuft

Saciid Dheere oo ah taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ayaa shaaca ka qaaday in la weeraray kolonyo ciidan Soomaali ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya iyo ciidamada Itoobiyaanka oo wada socda in loo galay wadada iyagoo ku soo socda Magaalada Baydhabo.

"Wax hakad ah oo ku yimid socodkii ciidamada oo ku yimid ma jiraan, waxaana soo weerararay kooxo Shufto ah oo iyagu wadada u galay" ayuu ku bilaabay hadalkiisa Saciid Dheere Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 7-ruux , islamarkaana ay ku qabsadeen hub fud fudud, isagoo cadeeyay in dhankooda uu kaga dhaawacmay hal ruux oo kaliya.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Xoogga ay u suurtagashay inay socodkooda ay sii wataaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in maydad ay ka dileen ay ugu soo tageen wadada, kuwaasoo uu sheegay inay ahaayeen kooxihii soo weeraray ciidanka.

"Soomaaliya wadamo dhowr ah ayaa ciidankaeeda lagu soo tababaray oo Afrikan ah, itoobiyana waxey ka mid tahay dalalkaasi lagu soo tababaray ciidamada Dowladda KMG ah" ayuu yiri Saciid Dheere Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay inuu wax weyn ka badali doono ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna isagoo ka jawaabayay in kooxaha ka soo horjeeda ay ciidamadu mar kasta u galaan wadada islamarkaana laga laayo ciidamo dhowr ah, sida uu wax uga qaban karo arintaasi ayuu yiri "Cidii Wado istaagta iyadaa eedi doonta".

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Saciid Dheere ayaa isagu xilka ka badalay taliyihii hore Jen Saalax Liif oo isaga baneeyay xilkaasi, kadib markii xilka laga qaada.

Waxaa cad in laga xoog roonaadey Alshabab,waxey wadaaana ay yihiin mid dadku naceen.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Xiisad ka dhalatay jarista dhuxusha oo ka taagan deegaanka Xaramka ee G/J/dhexe

Xiisad colaadeed oo ka dhalatay jarista dhuxusha ayaa ka taagan deegaanka Xaramka oo waqooyi kaga aadan degmadaJilib ee gobolka Jubbada dhexe, iyadoo lagu soo waramayo in dhinacyada ay xiisadu u dhexeysa ay hub gurteen, lagana cabsi qabo iska hor imaadyo hubeysan haddii aanan xal deg-deg ah la helin.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo deegaanka Xaramka oo ka tirsan degmada Jilib ee J/dhexe xaalad kacsan oo u dhexeysa dad xoola dhaqato ah iyo ganacsatada dhuxusha jarta ayaa halkaasi ka oogan, xiisadda ayaa ka danbeysay kadib markii ganacsatadu ay isku dayeen in dhuxul ay ka jaraa dhul daaqsin ah oo ay xoolaha daaqsadaan reer guuraaga halkaasi deegaanka u ah.

Dadka reer miyiga ah oo ka hortagayo xaalufinta lagu hayo dhirta ayaa hub urursaday, kuwaasoo warku uu intaas ku darayo in ay isku hubeeyeen aaladaha fudfudud sida Tooreeyo, Warmo, Seefaf iyo Burar. Dhanka ganacsatada ayaa iyaguna difaac galay, iyagoo ka cabsi qabo weeraro kaga yimaado dhinaca xoolaleyda.

Arrintan ayaa waxaa kulan ka yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, Cumar Maxamed Cumar oo kamid waxgaradka Xaramka xiriirna la soo sameeyey Shabakadda wararka Soomaaliyeed ee Gedoweb ayaa sheegay in fadhi weyn laga leeyahay xiisadahan, islamarkaana ay labada dhinacba ka codsadeen in xaaladda la dejiyo waxkasta oo jirana nabad lagu soo dabaallo.

Gobolada Jubbooyinka oo kamid ah gobolada dalka oo sida aadka ah looga jarayo dhuxusha ayaa inta badan waxaa ka dhasha rabshado noocaan oo kale ah oo ku qotoma dhirta la xaalufinayo, mar sii horeysay iska hor imaad ka dhacay J/dhexe oo ammuurtan la xiriiray waxaa ku geeriyooday tiro dad ah.

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo
.

Been badanaa wabsitka Qaran-diidyada ee Qaadisiya.Ma argagaxisaa Awood Leh.

Waxaa nasiib daro iyo caqli xumo wayn ah in wabsit-yada iyo warbaahinta qaran-diidka iyo kuwa argagaxisada u adeega ay qoraan waxyaabo aan marna caqli gal ahayn oo qofkii aragtaa ay la yaq yaqsoonayso kuwaas oo muujinaya maan-gaabnimada warbaahinta qaran-diidka ah.

Waxaa ka mid ah warbaahintaas ku caan baxday qaran-diidnimada iyo u adeegida argagaxisada wabsit beeleedka Qaadisiya oo ah wabsit ay maal galiyaan labada qaran-diid ee qaabka beeled u midoobay ee kala ah Qaran-diid Xasan Dahir iyo in salaad Booy (C/qaasim).

Wararka la yaabka leh ee uu wabkan qoray kuwii ugu dambeyay waxaa ka mid ah Ciidamada Aan walaalaha nahay ee Ethopia oo isaga baxay dhulka ismaamulka Somalida ee Ethopia ka dib markii ay argagaxisadu halkaas gaareen.

Marka taas la eego ayaa waxaa iska cad in wabsit-kan uu yahay mid qora waxyaabo loogu niyad dhisayo beesha uu u adeego ee ku fashilantay hamigii ay ka lahayd in ay mar un ka muuqato hogaanka hore ee siyaasada dalka.

Nasiib daro waxaa ku filan in siyaasada dalka lagu raadiyo awood iyo xasuuqa beelaha Somalida waana mid ay hada wali wadaan labada hogaamiye beeled ee hor kacda beeshan ee kala ah Qaran-diid Xasan Dahir Iyo INa Salaad Booy (C/qaasim) oo aan wali ka harin dhibaatada xitaa hadii beesha caalamka ay siisay waqti ku filan si uu dalka Madaxweyne uga noqdo dadkana wax ugu qabta.

Intii laga filayay in uu dadka Somaliyeed wax u qabto ayuu C/qasiim waxa uu noqday madaxweyne beeled aan fiira u yeelan dhibaatada dalka Balase waxii umada loogu tala galay ku qarash gareeyay deegano iyo goobo gaar ah oo ay degaan dadka isaga ku haybta ah. Isagoo taariikhdaas xun soo qaatay ayaa hadana waxa uu hada kaashanayaa dhiig Cabka Oday Xasan Dahir oo isaguna aan ka liidan C/qaasim marka xumaanta iyo qabiil u dirirka la eego.

Marka aan ku soo laabano wararka lagu soo qoray wabsitka ay labadan nin iyo argagaxisada kaleba leeyihiin ee Qaadisiya ayaa waxaa is waydiin mudan hadii ay Maliishiya beeledka ay hogaamiyaan nimankan awood u leeyihin in ay gacanta ku dhigan deeganada sharafta leh ee dadka Somaliyeed dagaan oo ku yaala dhulka ismaamulka Somalida ee Ethopia.

Waa riyo aan marna run noqon karin hadaladan lagu qoray wabsitkan argagaxisada u adeego ee Qaadisiya.waxaa kaloo la yaab ah in ciidamada Ethopia ee walaalaha aan nahay oo hada ku sugan wadanka Somalia gaar ahaan magalada Muqdisho iyagoo soo dhaweyn iyo taageraba ku haysto hadana uu wabsitkan qoro in dhulkii dalka Ethopia ka tirsana ay la wareegeen Maliishiyadii beelaha ee laga raacdeyay Muqdisho.

Taasina waa mid kale oo daliil iyo tusaaleba u ah sharaf xumada iyo caqli darada ay wataan kooxda uu hogaamiyo Oday Xasan Dahir ee xarunta ka dhigtay Tuulada Asmara iyagoo halkaas ka soo qaban qaabiya falalka lagu qiyaanayo dadka iyo beelaha Somaliyeed ee nabada iyo dowladnimada Jecel.

Isku soo wada duub waxaan leenahay wabsit-ka Qaadisiya, Dayniile, iyo kuaw kale ee u adeega qaran-diidyada iyo argagaxisada in ay ka waan toobaan kana fiirsadaan waxyaabaha qiimo darada ah ee laga xishoodo oo ay ku soo qorayaan wabstiyadooda.

Xigasho wareed.
Xafiiska wararka wiil waalka

abaaqaroow.com

Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale

Ururka Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid shifil ah, sidaas daradeed lama dhihi karo waa ciidan, walow inta badan ALshabaabku marka ay dhintaan u noqdaan dad rayid ah ama ku sheegaan saxaafadu.

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com

Nuur Cadde “Xilka waan iska casilayaa hadii nabad lagu helayo”.



Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa ka dhawaajiyay inuu xilka uu hayo iska casilayo hadii nabadda Soomaaliya lagu helayo.
Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde .


Nuur Cadde oo hadalkaan ka sheegay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale sheegay inuusan cidna kala tashan doonin wada hadal kasta oo uu la furo kooxaha kala duwan ee mucaaradsan Siyaasada DF, waxuuna sheegay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo nabadda jecel.

Ra'iisul-wasaaraha waxa uu carabka ku dhuftay hadii Mucaaradka ay codsadaan jagadiisa Ra'iisul-wasaarenimo inuu u baneynayo, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mucaaradka xilkaasi ku wareejiyo hadiiba nabad lagu gaarayo.

”Waxaan halkaan u joogaa in aan shacabka u shaqeeyo islamar ahaantaan uma joogo halkaan in aan awood iska haysto ayaa nuur Cadde u sheegay Wakaaladaha wararka isagoo ku sugan magaalada Nairoobi ee xarunta wadanka Kenya.

Nuur Cadde ayaa sheegay inay Ethiopia ay sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxeyso dalka Soomaaliya marka ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda QM la keeno gudaha dalka Soomaaliya ,waxaana Ethiopia ay sugeysa in ay yimaadaan ciidamo ka socda QM.

Hadalka Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Baydhaba ka socdaan qorshooyin hoose oo lagu doonayo in xilka loogu qaado, iyadoo ay jiraan xildhibaano badan oo kasoo horjeeda qaabka ay u shaqeyneyso xukuumada Nuur Cadde halka kuwa tira yarna ay taageersan yihiin.

Qorshaha xilka loogu qaadayo Nuur Cadde ayaa waxaa wada Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo ka niyad jabsan qaabka uu Nuur Cadde wada hadalada ula galo Mucaaradka kala duwan, iyadoo dhawaan Xildhibaan Qanyare uu sheegay inay difaaci doonaan Xukuumada Nuur Cadde.

Nuur Cadde oo dadiisa ay tahay 70 jir ayaa xafiiska Ra”iisul wasaarenimada waxa uu la wareegay bishii November ee sanadkii 2007 taasi oo uu sheegay in uu nabad ka keenayo dalka Soomaaliya.
Nuur Cadde ayaa ah Siyaasi aad u wanaagsan oo inta badan jecel nabadda isagoo ka dambeeyay shirkii Jabuuti ka dhacay isla markaana mar walba ku dadaala sidii loo qancin lahaa kooxaha Mucaaradka ah.
Si kastaba ha ahaatee, qalalaasaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dembeysa inkastoo xabad joojin la gaaray balse ma muuqato cid xabada joojisay labada dhinac ee dirirta u dhaxeysa.


BanaadirPost


Xamar.