Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Ciidamo tiradooda lugu qiyaasay 5000 Kun oo Askari ayna leedahay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya ayaa maanta soo gaaray Magaalada Baydhabo ee xarunt

Ciidamo fara badan watana gaadiid dagaal oo fara badan ayaa habeenkii xalay ahaa soo gaaray Baydhabo, waxayna Ciidamadan iskugu jiraan Boolis & Milateri.

Dadweynaha Magaalada Baydhabo ayaa saaka si weyn usoo dhaweeyey ciidamadan, waxa ayna Xoogagan ugudbeen Xerooyin Milateri oo kuyaala duleedyada Magaalada Baydhabo.

Dad badan oo jooga Magaalada Baydhabo ayaa aaminsan in ay ciidamadan yihiin kuwii ugu horeeyey oo ay leedahay dowladda Faderaalka ee Soomaaliya, tiradooduna intaan dhan tahay waxaana intii ay gudbayeen la xirey Wadooyinka waa weyn ee Magaalada Baydhabo.

Xarunta Madaxtooyada dowladda Soomaaliya ayaa lasheegay in ay waqtigan shir khaas ah ku leeyihiin Saraakiishii ciidamadan hogaaminaysay & Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed ,waxa ayna kulamadan yihiin kuwa looga hadlay howlaha ciidamadan ay qabanayaan.

Halka ay ka howlgalayaan ciidamada faraha badan ayaa Saraakiisha ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed & Madaxda Wasaarada Gaashaandhiga ee dowladda Soomaaliya ay ka arinsanayaan ,waxa ayna warar hoose sheegayaan in ay madaxda dowladda Soomaaliya sheegeen in ciidamadan intooda badan lasoo galiyo Magaalada Muqdisho ee Caasumada Soomaaliya.

Dhinaca kalena Warar kale oo ka soo baxaya Magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in ay Saacadaha soo socda ku soo wajahan yihiin dalka Soomaaliya ,ciidamo fara badan oo ka socda dowladda Faderaalka ee Soomaaliya oo ayaguna gaaraya 3,000 Kun oo askari.

Waa markii ugu horeysay oo ay dowladda Soomaaliya hesho tiro intaan le'eg oo ciidan ah ,kuwasoo leh nooc walba heystana hubkii ay ku difaaci lahaayeen dalka Soomaaliya waxa ayna sheegayaan Warar hoosaadyo soo baxaya in ay ciidamadan nabad ku soo celinayaan Magaalada Muqdish & gobalo badan oo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Rajo wanaagsan ayay muujiyeen dadka indheergaradka ahi,waxaa kaloo asna rajo muujiyay Raiisul wasaare Nuur Cade oo maanta qirey in ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed la rabo in awood loo yeelo, lana xoojiyo, si looga maarmo Itoopiya UN intaba.

Banaadir Post
Xamar cade.