Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Ururka Al-Shabaab oo qirtay in sarkaal ajnabi ah looga dilay dagaalkii shalay ka dhacay Bardaale

Ururka Al-Shabaab ayaa qirtay khasaaro ka soo gaaray dagaalkii shalay ee duleedka degmada Bardaale, kaasoo uu ugu geeriyooday nin dhalashadiisu tahay Kenyaati oo lagu magacaabo Musaa Al-Kenyan.

Afhayeenka ururka Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) oo sheegay inuu ku sugan yahay gobolka Bay ayaa qiray in uu ka geeriyooday mid ka mid ah ururka Al-Shabaab, dhalasho ahaana ka oo jeeda Dalka Keny, isagoo intaa raaciyay in dhinaca kale ay khasaare xoogan u geysteen oo ay ka dileen dad fara badan.

Taliyaha ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Saciid Maxamed Xersi ayaa sheegay in dagaalkii shalay ka dhacay degmada Bardaale aysan wax khasaare ah ka soo gaarin dhinacooda, isagoo kooxihii weerarka soo qaaday ku tilmaamay shufto ayna meel saareen ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Wararka laga helayo degmada Bardaale ayaa sheegaya in goobihii shalay dagaalada ka dhaceen laga helay tiro meydad ah wallow dadkaasi aysan aheyn kuwo u muuqaal eg ciidamada Dowladda maadaama dareeska u gashnaa meydadkaasi uu ahaa mid shifil ah, sidaas daradeed lama dhihi karo waa ciidan, walow inta badan ALshabaabku marka ay dhintaan u noqdaan dad rayid ah ama ku sheegaan saxaafadu.

Banaadir Post.
banaadirpost@gmail.com