Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Been badanaa wabsitka Qaran-diidyada ee Qaadisiya.Ma argagaxisaa Awood Leh.

Waxaa nasiib daro iyo caqli xumo wayn ah in wabsit-yada iyo warbaahinta qaran-diidka iyo kuwa argagaxisada u adeega ay qoraan waxyaabo aan marna caqli gal ahayn oo qofkii aragtaa ay la yaq yaqsoonayso kuwaas oo muujinaya maan-gaabnimada warbaahinta qaran-diidka ah.

Waxaa ka mid ah warbaahintaas ku caan baxday qaran-diidnimada iyo u adeegida argagaxisada wabsit beeleedka Qaadisiya oo ah wabsit ay maal galiyaan labada qaran-diid ee qaabka beeled u midoobay ee kala ah Qaran-diid Xasan Dahir iyo in salaad Booy (C/qaasim).

Wararka la yaabka leh ee uu wabkan qoray kuwii ugu dambeyay waxaa ka mid ah Ciidamada Aan walaalaha nahay ee Ethopia oo isaga baxay dhulka ismaamulka Somalida ee Ethopia ka dib markii ay argagaxisadu halkaas gaareen.

Marka taas la eego ayaa waxaa iska cad in wabsit-kan uu yahay mid qora waxyaabo loogu niyad dhisayo beesha uu u adeego ee ku fashilantay hamigii ay ka lahayd in ay mar un ka muuqato hogaanka hore ee siyaasada dalka.

Nasiib daro waxaa ku filan in siyaasada dalka lagu raadiyo awood iyo xasuuqa beelaha Somalida waana mid ay hada wali wadaan labada hogaamiye beeled ee hor kacda beeshan ee kala ah Qaran-diid Xasan Dahir Iyo INa Salaad Booy (C/qaasim) oo aan wali ka harin dhibaatada xitaa hadii beesha caalamka ay siisay waqti ku filan si uu dalka Madaxweyne uga noqdo dadkana wax ugu qabta.

Intii laga filayay in uu dadka Somaliyeed wax u qabto ayuu C/qasiim waxa uu noqday madaxweyne beeled aan fiira u yeelan dhibaatada dalka Balase waxii umada loogu tala galay ku qarash gareeyay deegano iyo goobo gaar ah oo ay degaan dadka isaga ku haybta ah. Isagoo taariikhdaas xun soo qaatay ayaa hadana waxa uu hada kaashanayaa dhiig Cabka Oday Xasan Dahir oo isaguna aan ka liidan C/qaasim marka xumaanta iyo qabiil u dirirka la eego.

Marka aan ku soo laabano wararka lagu soo qoray wabsitka ay labadan nin iyo argagaxisada kaleba leeyihiin ee Qaadisiya ayaa waxaa is waydiin mudan hadii ay Maliishiya beeledka ay hogaamiyaan nimankan awood u leeyihin in ay gacanta ku dhigan deeganada sharafta leh ee dadka Somaliyeed dagaan oo ku yaala dhulka ismaamulka Somalida ee Ethopia.

Waa riyo aan marna run noqon karin hadaladan lagu qoray wabsitkan argagaxisada u adeego ee Qaadisiya.waxaa kaloo la yaab ah in ciidamada Ethopia ee walaalaha aan nahay oo hada ku sugan wadanka Somalia gaar ahaan magalada Muqdisho iyagoo soo dhaweyn iyo taageraba ku haysto hadana uu wabsitkan qoro in dhulkii dalka Ethopia ka tirsana ay la wareegeen Maliishiyadii beelaha ee laga raacdeyay Muqdisho.

Taasina waa mid kale oo daliil iyo tusaaleba u ah sharaf xumada iyo caqli darada ay wataan kooxda uu hogaamiyo Oday Xasan Dahir ee xarunta ka dhigtay Tuulada Asmara iyagoo halkaas ka soo qaban qaabiya falalka lagu qiyaanayo dadka iyo beelaha Somaliyeed ee nabada iyo dowladnimada Jecel.

Isku soo wada duub waxaan leenahay wabsit-ka Qaadisiya, Dayniile, iyo kuaw kale ee u adeega qaran-diidyada iyo argagaxisada in ay ka waan toobaan kana fiirsadaan waxyaabaha qiimo darada ah ee laga xishoodo oo ay ku soo qorayaan wabstiyadooda.

Xigasho wareed.
Xafiiska wararka wiil waalka

abaaqaroow.com