Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka " Maxkamado Islaami ah iyo Al-Shabaab wax la yiraahdo oo jira ma aqoonsani, waxaan u aqoonsahay inay yihiin Kooxo shuft

Saciid Dheere oo ah taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo u waramayay Idaacadda Somaliweyn ayaa shaaca ka qaaday in la weeraray kolonyo ciidan Soomaali ah oo dhawaan lagu soo tababaray Dalka Itoobiya iyo ciidamada Itoobiyaanka oo wada socda in loo galay wadada iyagoo ku soo socda Magaalada Baydhabo.

"Wax hakad ah oo ku yimid socodkii ciidamada oo ku yimid ma jiraan, waxaana soo weerararay kooxo Shufto ah oo iyagu wadada u galay" ayuu ku bilaabay hadalkiisa Saciid Dheere Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo sheegay in weerarkaasi ay ku dileen 7-ruux , islamarkaana ay ku qabsadeen hub fud fudud, isagoo cadeeyay in dhankooda uu kaga dhaawacmay hal ruux oo kaliya.

Taliyuhu waxa uu sheegay in ciidanka Xoogga ay u suurtagashay inay socodkooda ay sii wataaan, wuxuuna carabka ku adkeeyay in maydad ay ka dileen ay ugu soo tageen wadada, kuwaasoo uu sheegay inay ahaayeen kooxihii soo weeraray ciidanka.

"Soomaaliya wadamo dhowr ah ayaa ciidankaeeda lagu soo tababaray oo Afrikan ah, itoobiyana waxey ka mid tahay dalalkaasi lagu soo tababaray ciidamada Dowladda KMG ah" ayuu yiri Saciid Dheere Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Taliyuhu waxa uu sheegay inuu wax weyn ka badali doono ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, wuxuuna isagoo ka jawaabayay in kooxaha ka soo horjeeda ay ciidamadu mar kasta u galaan wadada islamarkaana laga laayo ciidamo dhowr ah, sida uu wax uga qaban karo arintaasi ayuu yiri "Cidii Wado istaagta iyadaa eedi doonta".

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Saciid Dheere ayaa isagu xilka ka badalay taliyihii hore Jen Saalax Liif oo isaga baneeyay xilkaasi, kadib markii xilka laga qaada.

Waxaa cad in laga xoog roonaadey Alshabab,waxey wadaaana ay yihiin mid dadku naceen.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com