Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Xiisad ka dhalatay jarista dhuxusha oo ka taagan deegaanka Xaramka ee G/J/dhexe

Xiisad colaadeed oo ka dhalatay jarista dhuxusha ayaa ka taagan deegaanka Xaramka oo waqooyi kaga aadan degmadaJilib ee gobolka Jubbada dhexe, iyadoo lagu soo waramayo in dhinacyada ay xiisadu u dhexeysa ay hub gurteen, lagana cabsi qabo iska hor imaadyo hubeysan haddii aanan xal deg-deg ah la helin.
Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaarayo deegaanka Xaramka oo ka tirsan degmada Jilib ee J/dhexe xaalad kacsan oo u dhexeysa dad xoola dhaqato ah iyo ganacsatada dhuxusha jarta ayaa halkaasi ka oogan, xiisadda ayaa ka danbeysay kadib markii ganacsatadu ay isku dayeen in dhuxul ay ka jaraa dhul daaqsin ah oo ay xoolaha daaqsadaan reer guuraaga halkaasi deegaanka u ah.

Dadka reer miyiga ah oo ka hortagayo xaalufinta lagu hayo dhirta ayaa hub urursaday, kuwaasoo warku uu intaas ku darayo in ay isku hubeeyeen aaladaha fudfudud sida Tooreeyo, Warmo, Seefaf iyo Burar. Dhanka ganacsatada ayaa iyaguna difaac galay, iyagoo ka cabsi qabo weeraro kaga yimaado dhinaca xoolaleyda.

Arrintan ayaa waxaa kulan ka yeeshay odayaasha iyo waxgaradka deegaanka, Cumar Maxamed Cumar oo kamid waxgaradka Xaramka xiriirna la soo sameeyey Shabakadda wararka Soomaaliyeed ee Gedoweb ayaa sheegay in fadhi weyn laga leeyahay xiisadahan, islamarkaana ay labada dhinacba ka codsadeen in xaaladda la dejiyo waxkasta oo jirana nabad lagu soo dabaallo.

Gobolada Jubbooyinka oo kamid ah gobolada dalka oo sida aadka ah looga jarayo dhuxusha ayaa inta badan waxaa ka dhasha rabshado noocaan oo kale ah oo ku qotoma dhirta la xaalufinayo, mar sii horeysay iska hor imaad ka dhacay J/dhexe oo ammuurtan la xiriiray waxaa ku geeriyooday tiro dad ah.

Maxamed Xaashi Tawakal, Gedoweb Kismaayo
.