Search This Blog

Sunday, April 11, 2010

Beesha Habargidir oo si gaar ah ugu gacan haatinaysa Shariifka iyo Beelaha Hooga iyo Halaaga ee Hiraab oo Muqdisho Shirar ku leh (Warbixin dhinacyo badan taabanaysa).

Maalmahan Magaalada Muqdisho waxaa ka jira kullmo ay yeelanayaan Beesha Habargidir taasi oo ay ku muujinayaan Taageero Heer Caalami ah oo ay siinayaan Madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.



Maalintii Axadii kullan ay beeshu ku yeelatay Hotel Saxafi ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku kulmay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil, Odayaal, Dhalinyaro, Aqoon yahano, Waxgarad iyo Haween Beesha Habargidir waxay si toos ah shaaca uga qaadeen in xiligan Shariifka ay siinayaan Taageero lixaad leh marka laga reebo Inta raacsan Mucaaradka ee Beeshaasi.


Waxaa goobtasi si aad ah uga dhex muuqday Afhayeenka Beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali laakiin xiligaasi ahaa shaqsi ka mid ah Beesha habargidir waxa uuna cod dheer ku taageeray Dowladda Shariifka, isagoo beesha inteeda kale ka codsaday in la muujiyo Taageero dal iyo dibad oo Shariifka la siinayo, isla markaana dalka laga saaro Dhibaatada kaga aadan Beesha deegaanada ay ka soo jeedaan.


Shirkani ayaa waxa uu ku xasuusinayaa ama la tusaalo yahay waa haddii aad xasuusatee ama aad goob joog u ahayd ama lagaaga sheekeeyey Shirarkii ka dhici jiray Xaruntii hore ee Xizbiga ee magaalada Muqdisho kaasoo ku dhacay si gacan taag taag ah ama xamaasad gaar ah ka muuqatay, hala taageero dowladda shariifka, shariifku nin xun maaha, dowladdaani mid dhaantaa lama heli doono,waxii horey qalad u dhacay halaga faa'iideysto oo hala saxo, waa in leys dabo qabtaa, qoladaan wajiga soo duubtay ee shabaabku waxay duulaan ku yihiin beesha iyo erayo badan oo aan halkaan ku soo koobi karin isla markaana taageero kama danbeys ah ay beesha ku muujinaysay xiligaasi waxaadna moodaa in uu la mid ahaa Kulanka ka dhacay Hotel Saxafi shirarkii ka dhici jiray Xaruntii hore ee Xizbiga.


Waxaa jirta Hooga iyo Halaaga ka jira Muqdisho in lagu xanto in ay ehel u yihiin Beelweynta Hiraab taasina uu dalka ka dagi la’yahay in ka badan 20 sano haddii ay ka hadlaan ama ka fariistaan xaalada dalka oo xal loo heli karo.


Hiraab hadda waxay leeyihiin kullamo iyo shirar ay uga hadlayaan xaalada dalka wallow qoraha maqaalkan uu leeyahay arrintan way ka weyn tahay Hiraab oo waxaa meesha soo galay urur diimeedyo si aad ah ugu dagaalamaya dalka Soomaaliya iyo mowqifkooda haatana ma jiraan wax is badal ah oo ay ku keeni karaan marxalada dalka shirarkaasi, taasoo ugu wacan hogaamiye diimeedyada dalka ka hanaqaaday oo meel iska dhigay arrimaha Qabaa’ilka Soomaalida iyo kuwa shiraya oo ah kuwo ku eg Taageero dhinaca dowladda KMG xageda ah.

Habargidir ayaa fikir ahaan soo jeediyey in heshiis buuxa la dhex dhigo Beesha Hiraab isla markaana meel la iska dhigo hadal heynta in Itoobiya ay faraha kula jirto dalka Soomaaliya, xoogana la saaro qilaafaadka xoogan oo u dhaxeeya Beesha Hiraab (Abgaal iyo Habargidir) oo dagaalo sokeeyo horay u dhex martay, loona baahan yahay in dib loo saxo qadaadkii hore si looga gudbo marxalada xun ee haatan uu marayo Dalka Soomaaliya.


Dardarta Beesha Habargidir ayaa waxaa loo aanaynayaa dhowr sababood oo isku yimid iyo iyagoo beesha Saraakiilo muhim ah oo Beesha ugu jira Dhinaca Dowladda KMG iyo ahlusunan Waljameeca waxaana ka mid ah Ahlusunna Waxaa ugu jira Ninka haatan ugu firfircoon Siyaasada beesha door weyna ka ciyaara waa Axmed Xaaji C/salaan iyo Sarkaal sare oo dhanka Ciidanka ah isla markaana ka tirsanaa dowladdii hore ee Kacaanka Gen: Maxamad Nuur Galaal, halka dhanka Dowladda KMG ugu jiraan Wasiirka arrimaha Gudaha Dowladda KMG Sheekh C/qaadir Cali Cumar oo door weyn ku lahaa Maxkamadihii Islaamka, Wasiiru Dowlaha Gaashaandhiga Sheekh Yuusuf Maxamad Siyaad Indha Cadde, Wasiirka Macdanta iyo Biyaha Col: Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiirka Qorsheynta C/raxmaan C/shakuur iyo xubno kale oo fara badan, intaasi oo idil waxay ka tarjumayaan Beesha habargidir miisaanka culus iyo dardarta ay haatan ka wado labada dhinac waana arrinta keeni karta in laga dhabeeyo xal laga helo Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan koonfurta Somaaliya.

Intaasi kadib waxaa hadda ka hor dhacday in Islaan waayeel ah xiligii dagaalada sokeeye Magaalada Muqdisho ka holcayeen Beelaha Habargidir iyo Abgaal ay soo ag martay guri ay dhoobnaayeen dad badan, waxayna wiil ka mid ah dadkii banaanka dhoobnaa weydiisay waxa ka socda Meeshaasi, waxa uuna wiilka yar oo aan ka ag fogayn islaantaasi si aayar ah ugu sheegay dadkan buuxa in ay ka warsugayaan Kullan ay leeyihiin Beelaha Abgaal iyo Habargidir oo Hiraab isku ah waxayna ku jawaabtay duqdaasi oo qosol gariir qosleysa “Maandhow maad I tiraahdid Qolooyinkan shiraya waa kuwii Hooga iyo Halaaga geliyey Shacabka Muqdisho ama dalka oo dhan” ayay si guux hoose ah ugu jawaab celisay wiilkii u sheegay shirkaasi, waxayna ula jeeday beelahaasi oo dagaalo culus ku dhex marayay Muqdisho iyo meelo kale.


Ugu danbeyntii Beesha Mudulood oo uu ka soo jeedo sheekh shariif Sheekh Axmed waxay si cad dhabarka ugu jeediyeen shariifka kuna gacan seyreen in ay garab istaagaan sidii ay u garab istaageen dowladdii C/llaaahi Yuusuf oo xiligaasi Ra’iisul Wasaare ka ahaa Cali Maxamad Geeddi Guddoomiyaha Gobolka Banadirna ahaa Maxamad Cumar Xabeeb Maxamad Dheere, waxayna beesha Muduluud hadda u eg tahay kuwo u sii tafaxeydanaya ku biirista kooxaha ka soo horjeeda Dowladda KMG ee Soomaaliya, lamana saadaalin karo kullamada Beesha habargidir ku yeelanayso Muqdisho waxay ka badali karto dhibka ka jira Muqdisho, in kastoo dadka indha indheeya arrimaha Siyaasada Soomaaliya isku raaceen haddii beelaha Abgaal iyo Habargidir ka dhabeeyaan taageerida Dowladda KMG ay soo dhawaanayso xal u helida Magaalada Muqdisho oo marti u ah BM, Hoobiye iyo dhibaatooyin kale isla markaana dadkii daganaa Toban geedi ka guureen muuqaalkii Muqdisho.






Mohamedafrax10@hotmail.com