Search This Blog

Monday, January 19, 2009

Bannaanbax lagu taageerayo musharaxnimada madaxweyne ee Prof. Cali Max’ed Geedi oo saakay ka dhacay magaalada Muqdisho







Kumanaan dadweynaha magaalada Muqdisho iyo Baydhabo ayaa isugu soo baxay waddooyinka waaweyn, iyagoo sita boorar iyo qoraallo ay ku taageerayaan musharaxa Madaxweynenimo ee Prof. Cali Maxamed Geeddi.

Bannaanbaxaasi oo ka soo bilowday hoyga musharaxa ee Degmada C/Casiis, halkaasi oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweynaha ku dhaqan degmooyinka G/Banaadir ayaa socod ku soo maray Isgoysyada magaalada Muqdisho, iyagoona tegay ilaa Isgoyska Sayidka, gaar ahaan beerta Daraawiishta.

Mudadii ay dadweynahaasi sameynayeen bannaanbaxyadaasi ayaa waxay ku dhawaaqayeen ereyo ay ku taageerayaan inuu guuleysto musharaxa Madaxweyne Xildhibaan Prof. Cali Maxamed Geeddi, waxaana ereyadooda ka mid ahaa “Guusha yaa leh, Prof. Geeddi” iyo ereyo kale.

Dadweynaha bannaanbaxa sameynayay oo ka koobnaa Waayeel, dhallinyaro, haween iyo caruur, ayaa laga dareemayay shucuurtooda wadaniyeed iyo rabitaankooda ku aadan mas’uulka u qalma xilka Madaxweyne.

Ugu dambeyntii dadweynahaasi ayaa iyagu isagu soo ururay Stadium Conis, waxaana halkaasi khudbad uga jeediyay dadweynihii bannaanbaxayay Waxgaradka ka soo qeyb galay, taageerayaal iyo haween, iyagoona halkaasi ka sheegay in haddii kursiga madaxtinima loo doorto Xildhibaan Cali Maxamed Geeddi uu ka shaqeyn doono arrimaha dib u heshiisiinta iyo sidii dalka looga fulin lahaa ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Sidoo kale bannaanbaxa maanta lagu taageerayay musharaxnimada Madaxweynenimo Prof. Cali Maxamed Geedi waxaa ka soo qeyb galay Barbaarta gaashaaman, kuwaasi oo iyagu tixo maansooyin ah halkaasi ka jeediyay, iyagoona gabayo, shiribyo iyo buraanburro ay ku taageerayaan Prof. Cali Maxamed Geedi halkaasi ka jeediyay.



Banaadir Post







Sh. Shariif oo gacantiisa ku soo xushay xildhibaanaddii beesha Daarood haatana Muqdishu u jooga siduu u xulan lahaa xubnaha beelaha Hawiye

Iyadoo uu haatan gabogabo yahay heshiiskii aan loo dhameyn ee ay wada gaareen Nuur Cadde iyo Ahmed CAbdisalaam oo sheeganaya inay matalaan dowlada KMG ah iyo Kooxda Sh. Shariif oo sheegnaysa inay matalaan kooxaha ka dagaalama magaalada Muqdishu ayaa waxaa soo baxaya sababaha uu Sh. Shariif dib ugu soo noqday magaalada Muqdishu.

Wararka aan ka helayno magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in xubnaha baarlamaanka cusub ee la siiyay SH. Shariif oo gaaraya 200 oo xubnood uu durba gacantiisa ku soo xushay xubnihii beesha Daarood.

Wararka ayaa sheegaya inuu Sh. Shariif soo xushay shaqsiyaad intooda badan ku nool dibadaha wadanka oo isaga daacad u ah. Xubanaha 200 ayaa la sheegay in qeybsigooda lagu saleeyey hanaanka 4.5, oo ay hore u sheegeen ineyan ku dhaqmi doonin kooxda Shariif, balse ay haatan qaateen. Sababta ay u qaateen habqeybsigaas ayaa hadda soo shaac baxaya iyagoo iskood u soo xulanaya cida ka mid noqon doonta Baarlamaanka lagu talo jiro in ay dhawaan kaga dhawaaqaan magaalada Jabuuti.

Sh. Shariif oo kooxdiisu aysan muqdishu ku lahayn awood ciidan oo muuqata ayaa waxay sheeganayaan inay iyagu matalaan kooxaha kacdoonka kawaday magaalada Muqdishu oo ay ku jiraan Garabka uu hogaamiyo Sh. Daahir Aweys iyo kooxda Alshabaab.

Sh. Shariif ayaa maanta ku mashquulsan siduu u soo xuli lahaa xubnaha beesha Hawiye ku leedahay baarlamaanka sicirbararka lagu riday oo xubnihiisa cusub gaarayaan 550 xubnood. Waxaa durba soo baxaya ismaandhaaf beelaha dhexdooda ah oo aysan ku qanacsanayn habka uu wax u qeybiyay SH. Shariif isagoon aan cidna kala tashan.

Dadka u kuurgala arimaha Somaliya ayaa sheegaya inaysan suurogal ahayn inuu shaqeeyo baarlamaan intaas tiro le’eg oo degaanada ay sheeganyaan inay matalaan aan laga aqoonsayn.
Dhinaca kale xubnihii hore ee baarlamaanka oo intooda badan wali jooga magaalada Baydhabo ayaa ku adkaysanaya inay iyagu dooran doonaan madaxweynaha Cusub ee badali doonaa madaxweynii hore oo dhawaan xilkaas isaga degay ka dib markii Nuur Cadde lacag laaluush siiyay gudoomiyaha baarlamaanka Aadan modoobe.

Waxaa hadda muuqata in balanqaadkii loo sameeyay gudoomiyaha baarlamaanka uu uga baxay Nuur Cadde isagoo doonaya in xilkiisa loo doorto xubin cusub oo ka imaan doonta kooxda Shariif, sidaasna ay ku hirgalin doonaan heshiis hoosaadkii ay wada gaareen Nuur Cadde iyo SH. Shariif kaas oo nuxurkiisu ahaa inay la wareegaan hogaanka dowlada KMG ah iyo aqlibiyada xubnaha baarlamaanka iyagoo si dadban oo aan muuqan u adeegsanaya awooda ciidamada Itoobiya.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com

Monday, January 12, 2009

Muqdisho: Nuur Cadde oo dib ugu soo laabtay Muqdisho xili maalintii labaad duqeymo ka socdaan caasimada

Ra'iisul Wasaaraha KMG ah ee Dowladda Federaalka ayaa barqanimadii maanta ka soo degay Garoonka diyaaraddaha Muqdisho, waxaana ku soo dhoweeyay garoonka Aadan Cadde xubno ka tirsan Dowladda KMG iyo maamulka Gobolka Banaadir.

Ra'iisul Wasaare Nuur Cadde ayaa ka soo duulay magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo maalmahan uu ku sugnaa, wuxuu sidoo kale uu horay u soo maray magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia iyo dalka Suudaan oo uu shir ugu qeybgalay, wuxuuna mudooyinkan uu Nairobi kula shirayey xubnaha beesha caalamka.

Nuur Cadde ayaa socdaalkiisa ku soo beegmay xili maalintii labaad ay dagaalo iyo madaafiic la isdhaafsanayo ay ka socdaan qeybo ka tirsan magaalada Muqdisho, xili ciidamada Itoobiya lagu waday iney dib ugu laabtaan dalkooda, taasoo hakad gelisay bixitaankooda maadaama wadooyinka iyo xerooyinkii ay ka baxayeen lagu weeraray.

Ra'iisul Wasaaraha ayaa la filayaa in Suxufiyiinta uu u qabto shir jaraa'id uu kaga sheekeynayo waxyaabihii u soo qabsoomay iyo wixii uu kala soo kulmay safaradii uu ku tegay dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Nuur Cade ayaa Somaliya ka maqan mudo dheer mana muuqdaan wax la taaban karo oo qabtey bixidii Cabdulahi Yuusuf ka dib.
Banaadir Post.

Thursday, January 8, 2009



“ Gumeysigu Hashuu naga dhacay een gurayay raadkeeda


gu'yaal iyo gu'yaal badan hashii gama'a noo diidey


goobtay istaagtaba hashaan joogay garabkeeda


guuraa habeenimo hashaan gebi walba u jiidhay


gaashaandhigeedii hashu galowgu eedaamay.


hashii geeddankeedii rag badan goodku ku casheeyey”


Gabaygii Maandeeq, Cabdullahi Suldaan Timacade


Geeska Afrika oo ummadahu nabad u yaaliin, baa waxaa duulaan hameyn ah waxaa ku soo qaaday raxamo Abeesooyin ah. Micidii hore shacuubta ay ku dhacay waxaa ka mid ahaa Soomaalida. Dad wixii haray waxay ku daaleen raad-goobkii raadkii Abeeso ee ka tilowday dul quruurax, dhagaxyo waaweyn safanyihiin.


Markii la dhoobtay, waxgaradkii waxay ku heshiiyeen in laga raad gooyo caduunka ee duleedka dusha.


Waxaa lagu soo baxay raadkii qoraalkii Kooxda afka qalaad loo yaqaan International Crisis Group.


African Report No147. qoraalkaas ugu danbeeya ee kooxdaani ka soo saartay ( Somalia: To move beyond the failed state) ayaan ka soo xiganay “Since 1991 Somalia has been the archetypal failed state. Several attempts to create a transitional set-up have failed, and the current one is on the brink of collapse”. Haddii aan akhrino qoraalka kooxdaas dantooda gadaanka heysta, waydiino waxgaradka Soomaaliyeed: - Ma 27/01/1991 baa Soomaaliya ku sifoowday dawlad jabtay, mise:


* 21/02/1543 markii ciidamadii reer yurub, gaar ahaan kuwii Burtiqiiska oo uu hoggaaminayay wiil uu dhalay burcad badeedkii caanka ahaa VASCO De Jama iyo Taliyihii Itoobiyaanka oo wata qalab dagaal oo casri ah, ayna dileen Imaam Ax`ed Ibrahim ( Axed Guray), dawladii soomaalida Awdal ku burburiyeen?,


* 1884-1885 shirweynihii reer yurub ku qeybsadeen Afrika, gaar ahaan Soomaaliya?.


* 21/12/1920 markii ciidamadii reer galbeedku, gaar ahaa kuwii Cirka ee Ingiriiska, Talyaaniga Iyo Itoobiyaanku ku jabiyeen halgankii daraawiishta, ee uu hoggaaminayay halgamaagii, abwaankii Sayid Max`ed Cabdille Xassan?,


* 21/11/1949 markii golaha guud ee qaramada midoobay soo saaray go`aankiisii ahaa in Soomaaliya loo dhiibo maamul Talyaani ah toban sano, UN ku ilaaliyaan ilaa xoriyaddii 01/07/1960. Go`aankaas waxaa la qaatay ka dib markii 1948 dawladihii afarta ahaa ee ku guuleystay dagaalkii labaad ay guudi (Four Power Commission) u soo direen Soomaaliya. Muhimada Guddigu waxay ahayd xaqiiqo raadis iyo inuu u kuur-galo rabitaanka shacabka Soomaaliyeed . Rabitaankii shacabka Soomaaliyeed waxuu ahaa“ in la mideeyo gayiga Soomaliyeed, afarta quwadoodna ay wadajir u maamulaan”. In la meel mariyo rabitaankii Soomaalida waxaa ka horyimid afartii dawladood oo danahooda ilaalshanaya. Fransiiska oo xeebaha Jabuuti heystay ma rabin inuu laga qaabo, sidaas darted wuxuu ku taliyeen in Talyaaniga loo dhiibo koonfurta dalka.


Sidoo kale Talyaaniga waxaa taageerayay Ruushkii oo saadaalinaayay in xisbigii shuuciga ahaa ku guuleysto xukunka dalkaas. Ingiriisku wuxuu daneynayay in Soomaalida la mideeyo, maadaama uu dhulka Soomaaliya qabsaday, xeebta jabuuti ma ahee, ka dib markuu Talyaaniga ku jabiyay dagaalkii geeska Afrika 1941. Mareykanku waxay daneynayeen fadhiisimo ciidan ee xeebaha Eretareeya iyo deegaamada dhulka Soomaaliya ah ee lagu sheegay shidaal. Waxay u doodayeen in Itoobiya ay falarkeeda hesho dhulka Soomaalida.


La soco qeybta 2.


Shakib_dhowre@hotmail.com.

Puntland oo Madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen cusub yeelatay






Madaxwaynaha Cusub ee Puntland ayaa loo doortay C/raxmaan Faroole oo isugu ka mid ahaa Musharaxiintii u tar tamaysay doorashada Puntland, isagoo fara cidiyo leh kaga guulestay Musharax General C/llaahi Ilka-Jiir .


C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa helay 49 ka mid ah codadka 66 xildhibaan ee Baarlamanka Puntland halka musharax Ilka jiir uu helay 17 Cod ah wareegii labaad ee doorashada ka dhacday magaalada Garowe.

Sidoo kale Musharaxiinta wareeggii labaad ku soo baxday waxaa ka mid ahaa Madaxwaynaha Xafiiska wareejinaya ee Cadde Muuse isagoo helay 8 Cod oo ka mid ah codadka xildhibaanada Barlamanka Puntland.

Kumaan ka mid ah Taageerayaasha Madaxwaynaha cusub ayaa isugu soo baxay faras magaalayasha Magaalooyinka kala duwan ee Puntland, waxaana ay wateen boorar iyo caleemo ay ku taageerayaan madaxwaynaha cusub ee la doortay.

Waxaa intaas kadib bilaabatay doorashada Madaxweyne ku xigeenka Puntland, waxaana ku guuleystay C/samad Cali Shire oo ka guuleystay Saleebaan Toosiye, waxaana sidaas ku soo gebagebowday doorashadii madaxweynenimada Puntland.

Si kastaba arrintu ha ahaatee, doorashada Maanta ka dhacay Magaalada Garowe ee xarunta u ah Maamulka Puntland ayaa la oran karaa waxay ahayd mi qaab dimoqraadi ah u dhacday, iyadoo aaney jirin wax dhibaato ah oo dhacay intii ay doorashada socotay.

Wixii iga waad naga helidoontaan.


Banaadir Post.