Search This Blog

Monday, January 19, 2009

Sh. Shariif oo gacantiisa ku soo xushay xildhibaanaddii beesha Daarood haatana Muqdishu u jooga siduu u xulan lahaa xubnaha beelaha Hawiye

Iyadoo uu haatan gabogabo yahay heshiiskii aan loo dhameyn ee ay wada gaareen Nuur Cadde iyo Ahmed CAbdisalaam oo sheeganaya inay matalaan dowlada KMG ah iyo Kooxda Sh. Shariif oo sheegnaysa inay matalaan kooxaha ka dagaalama magaalada Muqdishu ayaa waxaa soo baxaya sababaha uu Sh. Shariif dib ugu soo noqday magaalada Muqdishu.

Wararka aan ka helayno magaalada Nayroobi ayaa sheegaya in xubnaha baarlamaanka cusub ee la siiyay SH. Shariif oo gaaraya 200 oo xubnood uu durba gacantiisa ku soo xushay xubnihii beesha Daarood.

Wararka ayaa sheegaya inuu Sh. Shariif soo xushay shaqsiyaad intooda badan ku nool dibadaha wadanka oo isaga daacad u ah. Xubanaha 200 ayaa la sheegay in qeybsigooda lagu saleeyey hanaanka 4.5, oo ay hore u sheegeen ineyan ku dhaqmi doonin kooxda Shariif, balse ay haatan qaateen. Sababta ay u qaateen habqeybsigaas ayaa hadda soo shaac baxaya iyagoo iskood u soo xulanaya cida ka mid noqon doonta Baarlamaanka lagu talo jiro in ay dhawaan kaga dhawaaqaan magaalada Jabuuti.

Sh. Shariif oo kooxdiisu aysan muqdishu ku lahayn awood ciidan oo muuqata ayaa waxay sheeganayaan inay iyagu matalaan kooxaha kacdoonka kawaday magaalada Muqdishu oo ay ku jiraan Garabka uu hogaamiyo Sh. Daahir Aweys iyo kooxda Alshabaab.

Sh. Shariif ayaa maanta ku mashquulsan siduu u soo xuli lahaa xubnaha beesha Hawiye ku leedahay baarlamaanka sicirbararka lagu riday oo xubnihiisa cusub gaarayaan 550 xubnood. Waxaa durba soo baxaya ismaandhaaf beelaha dhexdooda ah oo aysan ku qanacsanayn habka uu wax u qeybiyay SH. Shariif isagoon aan cidna kala tashan.

Dadka u kuurgala arimaha Somaliya ayaa sheegaya inaysan suurogal ahayn inuu shaqeeyo baarlamaan intaas tiro le’eg oo degaanada ay sheeganyaan inay matalaan aan laga aqoonsayn.
Dhinaca kale xubnihii hore ee baarlamaanka oo intooda badan wali jooga magaalada Baydhabo ayaa ku adkaysanaya inay iyagu dooran doonaan madaxweynaha Cusub ee badali doonaa madaxweynii hore oo dhawaan xilkaas isaga degay ka dib markii Nuur Cadde lacag laaluush siiyay gudoomiyaha baarlamaanka Aadan modoobe.

Waxaa hadda muuqata in balanqaadkii loo sameeyay gudoomiyaha baarlamaanka uu uga baxay Nuur Cadde isagoo doonaya in xilkiisa loo doorto xubin cusub oo ka imaan doonta kooxda Shariif, sidaasna ay ku hirgalin doonaan heshiis hoosaadkii ay wada gaareen Nuur Cadde iyo SH. Shariif kaas oo nuxurkiisu ahaa inay la wareegaan hogaanka dowlada KMG ah iyo aqlibiyada xubnaha baarlamaanka iyagoo si dadban oo aan muuqan u adeegsanaya awooda ciidamada Itoobiya.

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com