Search This Blog

Wednesday, July 16, 2008

Nuur Cadde “Xilka waan iska casilayaa hadii nabad lagu helayo”.



Ra'iisul-wasaaraha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Mudane Nuur Xasan Xuseen “Nuur Cadde” ayaa ka dhawaajiyay inuu xilka uu hayo iska casilayo hadii nabadda Soomaaliya lagu helayo.
Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde .


Nuur Cadde oo hadalkaan ka sheegay isagoo ku sugan magaalada Nairobi ayaa sidoo kale sheegay inuusan cidna kala tashan doonin wada hadal kasta oo uu la furo kooxaha kala duwan ee mucaaradsan Siyaasada DF, waxuuna sheegay inuu yahay muwaadin Soomaaliyeed oo nabadda jecel.

Ra'iisul-wasaaraha waxa uu carabka ku dhuftay hadii Mucaaradka ay codsadaan jagadiisa Ra'iisul-wasaarenimo inuu u baneynayo, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu mucaaradka xilkaasi ku wareejiyo hadiiba nabad lagu gaarayo.

”Waxaan halkaan u joogaa in aan shacabka u shaqeeyo islamar ahaantaan uma joogo halkaan in aan awood iska haysto ayaa nuur Cadde u sheegay Wakaaladaha wararka isagoo ku sugan magaalada Nairoobi ee xarunta wadanka Kenya.

Nuur Cadde ayaa sheegay inay Ethiopia ay sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxeyso dalka Soomaaliya marka ciidamo nabad ilaalin ah oo ka socda QM la keeno gudaha dalka Soomaaliya ,waxaana Ethiopia ay sugeysa in ay yimaadaan ciidamo ka socda QM.

Hadalka Ra'iisul-wasaare Nuur Cadde ayaa kusoo beegmaya xili magaalada Baydhaba ka socdaan qorshooyin hoose oo lagu doonayo in xilka loogu qaado, iyadoo ay jiraan xildhibaano badan oo kasoo horjeeda qaabka ay u shaqeyneyso xukuumada Nuur Cadde halka kuwa tira yarna ay taageersan yihiin.

Qorshaha xilka loogu qaadayo Nuur Cadde ayaa waxaa wada Madaxweyne Cabdilaahi Yuusuf oo ka niyad jabsan qaabka uu Nuur Cadde wada hadalada ula galo Mucaaradka kala duwan, iyadoo dhawaan Xildhibaan Qanyare uu sheegay inay difaaci doonaan Xukuumada Nuur Cadde.

Nuur Cadde oo dadiisa ay tahay 70 jir ayaa xafiiska Ra”iisul wasaarenimada waxa uu la wareegay bishii November ee sanadkii 2007 taasi oo uu sheegay in uu nabad ka keenayo dalka Soomaaliya.
Nuur Cadde ayaa ah Siyaasi aad u wanaagsan oo inta badan jecel nabadda isagoo ka dambeeyay shirkii Jabuuti ka dhacay isla markaana mar walba ku dadaala sidii loo qancin lahaa kooxaha Mucaaradka ah.
Si kastaba ha ahaatee, qalalaasaha ka jira dalka Soomaaliya ayaa sii kordhaya maalinba maalinta ka dembeysa inkastoo xabad joojin la gaaray balse ma muuqato cid xabada joojisay labada dhinac ee dirirta u dhaxeysa.


BanaadirPost


Xamar.