Search This Blog

Tuesday, July 15, 2008

Mucaaradka Somaliya oo sheegtay dilalka iyo Ugaarsiga samafalayaasha.



Afhayeen u hadlay Xarakadda Al-Shabaab garabka Jabhad Islaamiya oo lagu magacaabo Mukhtaar Maxamed Timo Jilic ayaa si buuxda u qirtay inay ka dambeeyaan dilalka iyo ugaarsiga shaqaalaha Hay’adaha Caalamiga iyo kuwa gudaha Somaliya.


Mukhtaar Maxamed Timo Jilic oo la hadlay Idaacadda Codka Nabadda ee Muqdisho wuxuu xusay inay bartilmaameedkoodu yahay Hay’adaha UN-ka (UNDP) oo ay hore u dileen madaxii Muqdisho iyo Hay’ado kale oo u badan Local NGO sida COGWA iyo INXA.


Afhayeen Mukhtaar timo jilic wuxuu xusay in Hay’adaha samafalka sheegta gacan siiyaan Dowlada Federalka iyo Itoobiyaanka,wuxuuna sidoo kale ku eedeyay inay gacan weyn ku lahaayeen falalkii lagu fashiliyay golahii Maxaakiimta.


“Hay'adaha gargaarka ee Qaramada Midoobay waxay qayb ka ahaayeen dagaalkii lagu jabiyay Midowga Maxkamadaha, waxayna hubka, lacagta iyo shidaalka siiyaan ciidamadii la dagalamayay mujaahidiinta" ayuu si caro leh u yiri Timo Jilic.
"Mujahidiinta waxaan ugu baaqayaa inay beegsigooda koowaad ka dhigtaan hay'adaha gargaarka, waayo waxay gacan siinayaan cadowga, howlahasna way bilowdeen waxaase dhiman dhameystir" ayuu si kooban ugu gaabsaday.


Mar la weydiiyay hay'adaha maxaliga ah ee ay begsanayaan ayuu ku sheegay inay ka mid tahay, hay'ad ay ku bahobeen haweenka Soomaaliyeed oo lagu magacaabo COGWO, taasoo uu sheegay inay tahay mid lagu jahawareerinayo Somalida, ayna beegsan doonaan illaa ay ka toowbad keenaan talaabooyinkooda.


Xubno ka tirsan Hay'adaha gargarka oo ay ka mid yihiin Madaxii INXA C/naasir Axmed, Madaxii Peace Line Shirwac iyo mas'uul ka tirsan COGWO oo lagu magacabo Cayni Abukar Gacal iyo kuwo kale oo badan ayaa ka cararay Muqdisho, iyagoo gaaray Somaliland iyo meelo kale sida Nairobi iyo Adis, si ay uga nabadgalan ugarsiga lagu hayo samofalayasha.


Mukhtaar Timo Jilic oo magaciisa ku koobay Sheekh Maxamed horena aan u sheegnay inuu fuliyay dilkii lagu qaarijiyay Madaxii UNDP Muqdisho Marxuum Maxamed Cismaan allaha u naxariistee.


Ninkan ayaa la yiri wuxuu ahaan jirey nin ganacsi weyn ku leh suuqa Bakaaraha meesha hub lagu iibin jirey (CIRTOOGTE), ka dibna mudo dheer ayuu xiriir la lahaan jirey ninka Xasan Turki oo Koonfurta Kismaanyo Xarun Tababar ku leh, dagaalkii marakaynaka ka dib wuxuu u wareegay dhinaca gobolada dhexe tuulo la yiraahdo Ceel Garas oo ka tirsan Ceelbuur halkaasna waxaywada joogeen ninkii la diley Ceyrow, dilkii Ceyrow ka dibna wuxuu ku sugnaa Matabaan, geerdii Asparo ka dib wuxuu gaarey Moqdisho, xasuuq ayuuna ka wadaa magaalada Moqdisho.


Wixii cusub la soco.

Banaadir Post.