Search This Blog

Tuesday, July 15, 2008

Xildhiban Maxamed Nuuraan Bakar : "Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka...




Xildhiban Maxamed Nuuraan Bakar : "Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka iyadoo aysan rali ka ahayn Dadka Gobolka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolkaasi……..


""Waxaan maqalnay in UN-ku doonayo inuu mamul u sameeyo Gobolka Sh/Hoose, mana dhici karto intasi ay ku dhaqaaqaan iyadoo aysan raali ka ahayn dadka Gobolkaasi ka soo jeeda"


ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Nuuraan Bakar oo sheegay in xildhibaanada ka soo jeeda gobolka Sh/hoose oo tiradooda dhamayd 26-xildhibaan ay ka shireen xaalada Gobolkasi.


Xildhibaanka ayaa sheegay in shirkooda uu ku aadana sidi wax looga qaban lahaa arrimaha Gobolkaasi ka oo cusboonaday maalmahaan dambe ee la xiriira Nabdgelayada iyo afduubka lala eegto mar walba shaqaalaha Hey'adaha samafalka ee ka howlgala Gbolkaasi.


"Maamul ma u samayn karaan Gobolka sh/hoose UN-ka iyadoo aysan rali ka ahayn Dadka Gobolka iyo Siyaasiyiinta ka soo jeeda Gobolkaasi" ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Nuuraani Bakar oo sheegay in loo baahan yahay in la raaco mar walba sharciga, islamarkaana dadka iyo siyasiyiinta meelaha laga samaynaayo maamulada waa in lagala tashado dadkaasi.


Xildhibaan Nuurani waxa uu sheegay in iyagoo lala tashan aysan jirin cid wax ka samayn karta gobbolkaasi, wuxuuna shaaca inay taasi xadgudub noqonayso hadii lagu dhaqaaqo, wuxuuna cadeeyay in loo baahan yahay in la raaco sharciga iyo Destuurka Dowladda KMG ah.


Ugu yaraan 26-Xildhibaan oo ka soo jeeda gobolka Sh/hoose ayaa maalmahaan dambe shirar uga socday magaalada Baydhabo, waxeyna shirarkooda ugu jeex jeexayeen xaalada maalmahaan dambe ka soo korartay Gobolka Sh/hoose eek u aadan arrimaha Nabadgelyada iyo afduubyada loo geysanaayo shaqaalaha Samafalka.