Search This Blog

Tuesday, June 17, 2008

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo heshiiskii Jibouti ku tilmaamay tallaabo loo qaaday dhinaca Nabadda


Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagoo ku sugan magaalada Djibouti ee dalka Jibouti u waramayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in heshiiskii ay dhawaan ku gaareen Dalka Jibouti Dowladda Federaalka iyo Isbaheysiga Dib u xoreynta uu yahay mid loo qaaday dhinaca Nabadda.

“Heshiiskaas haddii la fuliyo qodobadii lagu gaaray waxaan u arkaa in uu yahay mid loo qaaday dhinaca Nabadda, Dowladda Fedeaalkana waxay diyaar u tahay in ay meel mariso heshiiskii la gaaray”ayuu yiri madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Madaxweyne C/llaahi Yuusuf waxaa uu sheegay in ay soo dhaweynayaan in nabad iyo wada hadal lagu raadiyo xalka Soomaaliya, wuxuuna caddeeyay in qofkii doonaya in uu qori caaraddiis wax ku noqdo aysan taasi u suurtageleynin.

“Qofkii huba in uu Shacabka Soomaaliyeed taageero ka heysto, waxaana leenahay shidada iyo dagaalka iska daa ee u diyaargarow doorashada dalka ka dhici doona”ayuu mar kale yiri Maxamed C/llaahi Yuusuf Axmed.

Mar wax laga weydiiyay waxa u qabsoomay Dowladdiisa mudadii ay jirta waxaa uu sheegay in ay wax badan qabatay, wax badanna ay u harsan yihiin, “Dowladda Federaalka wax badan wey soo qabatay, wax badan oo ay qaban lahaydna waxay ka qaban weysay dagaallo lagala horyimid, haatanse waxaan qabnaa haddii dagaallada istaagaan in aan wax badan qaban karno oo aan dalka doorasho gaarsiin karno ayaan aaminsannahay”ayuu yiri Madaxweyne C/llaahi Yuusuf oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Jibouti.

si niyadsami leh ayuu u soo dhaweeyay heshiiskaas muhiimka ah.

Banaadir Post.
Xamar cade.