Search This Blog

Tuesday, June 17, 2008

AHLAN WA SAHLAN YAA FADHI KU DIRIR

Qormadan aan ugu magac darnay Ahlan wa sahlan yaa fadhi ku dirir waa qormo ka hadleysa hadal heynta siyaasadda dalka Soomaaliya iyo waxyaabihii ugu xiisaha badan ee dadka hadal hayaan, waxayna qormadu sheego ku dhex mareysaa Cosobow, Colaad iyo Kala Dire inagoo ku saleynay marxalada maanta iyo dadka waxa ay ku sheegeystaan.

Cosobow: Ahlan Colaad, soo dhowoow maalmahan waa lagu waayey, misna waa buuratay, waxaan filaa inaad ku biirtay Al-Luqaaf, habeenadiina waa lagu arki jiray ayaantase waa leys kaa weydiiyay.

Colaad: Haddaan ku biirana maxaa qiimo ku jaban, Muslimiinta baan garab siinahayaa, oo caddowga baan dalka ka xoreynahayaa?

Cosobow: Caddow dalka ma joogee xaa kaloo heysaa ii waran, ma maqashay in Sh. Shariif imaanaya Muqdisho?

Colaad: Imaansho iska daayee ma soo caga dhigan karo garoonka, Cabdullahi Yuusuf oo ka qoor weyn ayaa lagu weeraray garoonka, Shariifka oo ku caasiyay Mujaahidiinta, il biriqsi kuma qaadaneysee maxaa moodeysaa.

Cosobow: Af xumada iska daa Madaxweynaha maad tiraahdid markaad Cabdullaahi leedahay, Shariifkase ma lagu caasinayaa waad og tihiin la'aantiis meel ma gaareenee.

Kala Dire: Joojiya sheekadaas, waxaa aaga soo galay Waraabe Cadde, haye hadii kale iih hiii..

Cosobow: Adiga waligaa waxaad u joogtaa qas iyo laqdabo, ee maxaa cusub?.

Kala Dire: Waxaa cusub in Puntland ay calanka Erateriya dab ku qabatay, xoollo noolna ay ku deeqeen ciidamada Jabuuti.

Colaad: Walee yaab waaye hadii Erateriya calankeeda la gubahayo, Itoobiyana dadkeena leynaheyso, oo maxay tahay arintaasi?.

Cosobow: Mar walba hadaad afka kala qaato Itoobiya maxaad ula soo carartaa Saaxiib, mase ogid in Baarlamaan Soomaaliyeed ay ansixiyeen in Itoobiya timaado, Erateriyase waa muuqataa in ay ka xun tahay heshiiska dhaxalgalka ee Jabuuti lagu gaaray, Soomalinimana waan in loogu hiiliyaa ileyn waad og tahay sida ay ugu damqaneyso burburka Soomaaliya.

Colaad: Oo kaalay miyaad raali ka tahay in la gubo calanka Erateriya, kan Itoobiyana ka babado Muqdisho, taasi waxaan ka xignaa dagaal ilaa Itoobiya naga baxdo.

Cosobow: Sheekadaada waxay u eg tahay Afawerki wuxuu ku taageereyaa Xasan Daahir iyo qoladiisa in Kitaabka lagu dhaqmo, miyaanan ogeyn in Afawerki yahay nin aan heysan Diinta Islaamka.?

Colaad: Yaa War Illaahey ka baq oo u towbad keen Rabbigii ku abuuray, waad aragtaa dadaalka Erateriya ay ugu jirto sidii xukun Islaami ah looga hirgalin lahaa dalka.

Kala Dire: Labadiina waan idinku wareeray ee talo kale ma heysaan, mise og tihiin in waxaas oo dhan mudo 120 maalmood kadib ciidamo caalami ah ay imaanayaan dalka, kuwaasi oo meesha ka saaraya ciidamada aan la isku raacsaneyn.

Cosobow: Walee riyo aa ku jirtaa, ee niyadaada ka saar hamiga iyo damaca kugu jira, Itoobiyana ma baxeyso inta ay dalka ku sugan yihiin reer Abuu Luqaaf.

Colaad: Dameer iyo labadiisa dhegood waxba isma dhaamaan, ciidan shisheeye wax faa'iido ah kuma qabno, miyaanan xasuusan kuwii hore ee sanadkii 1993-kii ku sugnaa Muqdisho waxyaabihii ay la kulmeen, maxayse soo kordhiyeen oo fashil aheyn.

Cosobow: Adiga waligaa ku jir jabhadeyn iyo gambasho, sidii Hoggaamiyihii Jarmalka ee dagaalkii labaad adduunka oo markii uu joogsaday in mudo ah ku jiray dhufeys, ayna adkaatay sidii loogu tegi lahaa ninkaasi ee loogu sheegi lahaa in dagaalku dhamaaday.

Kala Dire: Illaahey aan ka baqno, Masjidka ayaa nalooga yeerayaa na keena.

Colaad: Masjidka aad rabto kuma tukudo ee waxaan aadahayaa midka Jameecaddeyda ku badan tahay, ee halgan wanaagsan.

Cosobow: Haa waan aqaan meeshaad u socoto, Abuu Luqaaf Al-Garweyne haye, Macsalaamo kuumana raacaayi meelaan faraceyga ogoleyn, ee hadana dhahaya dadka masaafada ku dhashay xaaraam waaye, waxaase yaab leh in Kala Dire iyo Colaad ay maanta dadka ugu horeeyaan masaajidka, Ilaahow na cafi.

C.M.Cali