Search This Blog

Monday, May 18, 2009

Xildhibaan Qanyare oo xoogag shisheeye ku eedeeyay qabsashada Jowhar.

Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka dawladda KMG ayaa ka hadlay oo cambaareeyay dagaalkii ka dhacay degmada Jowhar kaasoo dhaliyey in xarakada Al-Shabaab la wareegtay maamulka, dad aad u badan wax yeelo iyo qax ka soo gaarey.

Xildhibaan Max'ed Qanyare ayaa sheegay in arrintaasi ay ku lug leeyihiin xoogaga shisheeye ayna taasi tahay xad gudub, isagoo hadalkiisa intaasi raaciyey in laga soo abaabulay dibadda, sida uu yiri.

Cambaareyntan ayaa imaanaysa iyadoo xoogaga Al-Shabaab kula wareegeen degmooyin kale oo ka tirsan gobolka Sh/Dhex sida Mahadaay, kuwaasoo dadka ay bilaabeen iney qaxaan, iayadoo xalay lagu arkay diyaarado joog hoose ku ku socda, bixinaya shanqar dadku dhibsadaan.

Dagaaladan ayaa ku sii fidiya dhamaan dhulkii nabada ahaa in mudo ah, lama yaqaan ula jeedada ka danbeysa iney qixiyaan dadd nabad ugu nool dhulkooda.

Xildhibaan Qanyare oo aad u yaqaan kuwan dhaqanka xun ayaa sheegay iney Somali uga degeen mudo fog, laakin aad loo jeclaadey kuwan dhaqanka xun ee la baxey ALSHBAAB.

Banaadir Post.
Somalia,