Search This Blog

Saturday, December 26, 2009

Khilaaf soo kala dhex galay Xisbul Islaam iyo Saraakiisha Xisbiga oo kala mowqifyo noqday



Iyadoo labadii maalmood ay isa soo tarayeen warar aan fadhin oo sheegayay in khilaaf uu soo dhex galay Ururka Xisbul Islaam, ayaa waxaa maanta si rasmi u soo shaac baxay khilaafkaas.



Saraakiisha Xisbiga ayaa markii u horeysay soo kala dhex gashay kala fikir duwanaansho dhinacyo badan leh, waxaana saraakiisha Xisbul Islaam u muuqdaan kuwo sii kala go'aya marka loo eego mowqifyadooda.


Madaxa Arrimaha Bulshada Xisbul Islaam Salmaan Sahal Muuse ayaa sheegay in wax shaqo ah aanay ku laheyn Xisbul Islaam cunaqabateynta lagu soo rogay Dowladda Eritrea, isla markaana aanay waxba ka gelin.


Salmaan Sahal ayaa khilaafay hadal uu maalin ka hor jeediyay Xoghahayaha Warfaafinta Xisbul Islaam Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa in ay cambaareynayaan cunaqabateynta Golaha Ammaanka ku soo rogay Eritrea.


Waxaa kaloo ay labadaas sarkaal ku kala duwanaadeen hadal uu isla maalintaas jeediyay Maxamed Macalin, kaasi oo ahaa inuu fashil ku yimid wada hadal u socday iyaga iyo Shabaabka, waxaana uu dhankiisa sheegay in wali wada hadalada u socdaan.


"Ninkaas shaqsi ahaan ayuu u hadlay, waxaa idin sheegayaa inuu wali inoo socda wada hadal walaalaha Shabaab meel wanaagsan ayayna marayaan"ayuu yiri Salmaan Sahal Muuse oo shir jaraa'id ku qabtay Ceelasha Biyaha.


Kala fikir duwanaanshahan ayaa waxay u sii gogol xaareysaa bur bur ku yimaada Xisbul Islaam, taasoo dad badan horay u saadiliyeen, kadib markii horay ugu kala qeybsameen dagaalkii Jubooyinka ee Shabaabka la galay Axmed Madoobe.