Search This Blog

Sunday, May 24, 2009

Al-Shabaab oo Howlo qabuuro faagid ah mar kale ka fuliyay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo

Wararka ka imaanaya magaalada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in mar kale deegaankaasi ay ka bilaabatay Howlo ay Ururka Al-Shabaab ku qodayaan Qabuuraha Islaamka ee ay ku aasan yihiin Culumaaudiin Soomaaliyeed oo magac ku leh dalka Soomaaliyeed.

Ururka Al-Shabaab ayaa ku doodaya inay arrintaan ula jeedaan sidii ay ku suulin lahaayeen Munkar, balse Culumaa’udiinka Ahlu Sunnah Wal jamaaca ayaa iyana sheegay inay arrintaasi ay ku dhaqaaqeen Al-Shabaab ay tahay Mid Munkar ah,

islamarkaana ay doonayaan inay aasaan taariikhda Ummadda Soomaaliyeed.


“Howshaan aan ku bur burinay qabuuraha, waa mid aan ku suulinayno Shirkiga, waana sii wadi doonaa Howlahaasi bur burinta qabuuraha ah”

ayuu yiri Sarkaal u hadlay Al-Shabaab oo ku sugan magaalada B/dheere.

Dhinaca kale ma ahan markii ugu horaysay ee ururka Al-Shabaab uu bur buriyo Qabuuraha Muslimiinta ee ku yaala magaalada Baar dheere ee gobolka Gedo, waxayna horay u bur buriyeen Ururka Al-Shabaab Qabuuro ku yaalay Masjidka Sheekh Awoowe ee isla magaalada B/dheere.

Banaadir Post

Koshin Yare