Search This Blog

Saturday, May 23, 2009

Midowga Afrika oo taageeray go’aankii IGAD ee ahaa in la xayiro Dekedaha ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya

Midowga Afrika ayaa taageeray go’aankii ay dhawaan soo saareen Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ee ahaa in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea oo lagu eedeeyay in ay taageerto kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, sidoo kalena la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxahaas.

War-murtiyeed uu soo saaray Midowga Afrika ayaa waxaa lagu sheegay in sababta xayiraadda loogu soo rogayo Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan kooxaha ka soo horjeeda Dowladda ay tahay iyadoo ay ka soo dejiyaan dagaalyahanno Ajnabi ah, sidoo kalena ay hub kala soo degaan.

Laakin Danjiraha Eritrea u fadhiya Qaramada Midoobay oo lagu magacaabo Araya Desta ayaa ka soo horjeestay eedeynta loo jeedinayo Dowladdiisa, wuxuuna sheegay in ay eedeyntaas tahay mid looga soo horjeedo dalkiisa.

Dowladda Eritrea oo ka tirsaneyd Urur Goboleedka IGAD oo ay ku bahoobeen dalal todobo ah oo ku yaalla Bariga Afrika ayaa Ururkaas isaga baxday kadib markii ay inta badan dalalka IGAD ay siyaasad ahaan isugu dhaceen.

Haddaba inkastoo ay beenineyso Dowladda Eritrea eedeynta loo jeediyay ee ah in ay hubeyneyso mucaaradka ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya, haddana Shiikh Xasan Daahir Aweys oo ka mid ah Hoggaamiyayaasha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya oo wareysi siiyay Wakaaladda Wararka Reuters ayaa sheegay in ay taageero ka helaan Dowladda Eritrea, sidoo kalena ay dagaalyahanno Ajnabi ah ay ugu soo biireen magaca Islaamka aawgiis.

Si kastaba, arrintu ha ahaatee, Arbacadii aynu ka soo gudubnay ayay ahayd markii Dowladaha ku bahoobay Urur Goboleedka IGAD ay isku raaceen in cunaqabateyn lagu soo rogo Dowladda Eritrea, sidoo kalena la xayiro Dekedaha iyo Garoomada ay maamulaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya..

Banaadir Post
banaadirpost@gmail.com