Search This Blog

Tuesday, July 1, 2008

Meherkeygii wuxuu ahaa qori Daba-jeex




Soomaalida dhaqankeeda waxaa ah in Naagaha ama hablaha marka la furo la siiyo Meherkoodu balse ay sunadu tahay inaad marwadaaada ama xaaskaada aad siisaa meherka aad isla meel dhigateen marka aad is guursataan, Soomaalidu badankooda ayaa jecel inay Nikaaxooda ka dhigtaan Kitaabka Quraanka Kariimka ah haddaba Muriyo Maxamed Cumar oo ah 28-jir ku nool xaafadda Wardhiigleey ayaa waxay is guursadeen Xassan Cabdi Dhaqane horaantii 2001 isagoo ka mid ahaa ciimadii Dowladdii Carta ee Cabdiqaasim Salaad.


Xassan waxa uu lahaa Qoriga Soomaalidu aad u isticmaasho ee darandooriga u dhaco ee loo yaqaan Dabajeex ama Dabamiinshaar iyadoo Muriyana ay ka codsatay Xassan in Meherkoodu uu ahaado Qorigaan Sheekhii nikaaxinayayna uu halkii ku aqbalay maadaama ay labadoodu isla soo afgarteen.


Muriyo iyo Xassan ayaa isku dhalay laba caruur ah oo loogu magac daray Maxamed iyo Nadiifo, Xassan ayaa xaalado kala duwan soo maray isagoo ugu danbeyntii ka mid noqday ciimadii Maxaakiimtii soo maamuleysay Muqdisho sanadkii 2006 nasiib darro ma aysan ahayn shaqadiisa mid sii jireyso maadaama ay maxaakiimtii ay gacmahooda ka baxday Maamulkii Muqdisho.


Murriyo ayaa Xassan ugu danbeysay aragtidiisa bishii december ee sanadkii 2006 Muriyo oo aad uga walwalsan Xaajigeeda nolol iyo geerina aysan ku haynin waxay maqashay in Xassan uu jiro Kismaayo balse ma aysan aaminin muddo bilooyin ah ka dib ayaa waxaa soo wacay Xassan isagoo u sheegay inuu caafimaad qabo uuna ku jiro jihaad wuxuuna intaasi raaciyay inuusan usoo laabaneynin Xamar illaa uu soo xoreeyo wadada ku timaado Xamar, Muriyo oo aad ula fajacsan arintaan ayaa waxay fariin gaarsiiyay Xassan Qoyskiisa iyadoo u sheegtay inaysan ku haysan dhaqan iyo dhaqaaleba ninkeeda, Odey Muuse oo ahaa Xassan adeerkiis ayaa ku yiri anigaa galaayo arintaada waana kugu soo laaban doonaa.


Muriyo oo aad u Xanaaqsan kuna rafaadeysa Nolosha caruurteeda warna aanan ka heli Xaajigeeda ayaa waxaa bishii April ee Sanadkaan u yimid adeer Muuse iyo Faarax oo adeerkiisa kale ah waxayna soo galeen aqalkii Muriyo iyadoo aad usoo dhaweysay adeerada yimid xaafadda sida dhaqanka aheedba, Wixii la kaftama ee meesha lagu sheekeeyaba waxaa Muriyo loo waday warqad Qoraal ah oo ay xambaarsan Furiinkeeda.


Muriya ayaa adeeradii u sheegtay inaysan wax dhib ah ka qabin furiinkeeda oo ka yimid wiilkooda balse ay dooneyso inay hesho Meherkeeda oo ahaa Qori Dabajeex ah, Muuse ayaa isla markiiba ugu jawaab celiyay inay qoraygii nikaaxooda ahaa uu horey u qaatay Xassan iyaguna aysan awoodin inay u iibiyaan mid kale furiinkaana uu ka yimid Xassan isagoo og in nikaaxiinu ahaa Qorigan uuna kusoo furay anaguna waxaan nahay fariin sideyaal ee naga raali noqo.


Muriyo oo aad ugu careysan oo u waramaysay Muuqaal Online Muqdisho ayaa u sheegtay in aysan helin Nikaaxeedu oo ahaa Qori Dabajeex ah waxayna intaasi raacisay in ay cid kasta ay sugayso tii qiyaamaha.


Raage Cali Dheere