Search This Blog

Monday, October 6, 2008

Maxamed Dheere oo Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda




Guddomiyihii hore ee maamulka Gobolka Banaadir ee xilka laga qaaday Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) ayaa ka hadlay xirnaashaha garoonka diyaaradaha Muqdisho, hadal uu sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali iyo daciifnimo uu sheegay in ay la yimaadeen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ku eedeeyay in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda.


Maxamed Dheere oo u waramayay Idaacadda Horn Afrik ee Magaalada Muqdisho waxaa uu sheegay in xirnaashaha garoonka ay sabab u yihiin Shacabka ku dhaqan Muqdisho oo sida uu u yiri dantooda garan waayay iyo dowladda Federaalka oo dadka jiheyn weysay, danahoodana u tilmaami weysay.


“Arrinta garoonka iyo xirnaashihiisa waxaan qabaa in ay la xiriirto dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo danahooda garan la’ iyo Dowladda Federaalka oo iyaduna dadka ku jiheyn weysay in ay aayahooda gartaan”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan sidii ay Garoonka dib ugu furan lahaayeen.


Maxamed Dheere waxaa uu sheegay in Madaxda Dowladda Federaalka ay ku sifoobeen daciifnimo isla markaana ay wax qaban la’ yihiin, isagoo carrabka ku dhuftay in maamulkii uu madaxda ka ahaa ee wax qabanayayna ay xilka ka qaadeen. Waxaa uu ku eedeeyay Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay xiriir la leeyihiin Kooxaha xiray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho, “waxaa la socotiin in iyadoo Muslim iyo Gaallo loo diidan yahay in ay garoonka ka soo degaan oo madaafiic lagu garaacayo,madaxweynihii dalkana uu dhoofi la’ yahay ay Madaxda Xukuumadda ka soo degeen garoonka iyadoo aan wax madaafiic ah lagu tuurin”ayuu yiri Maxamed Dheere oo ka gaabsaday in uu magacaabo madaxda dowladda ee xiriirka la leh kooxaha dowladda ka soo horjeeda.


Waxaa uu ka hadlay hadal uu dhawaan sii daayay Afhayeenka Dhaqanka ee Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha Hawiye Axmed Diiriye Cali oo ahaa in Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho looga dhawaaqay in la bartilmaameedsado Odayaasha Hawiye, lana dilo.


“Saaxibkey Axmed Diiriye waxay ahayd in uu arrintaas mar hore garto, laakin haddii uu mar dambe gartay waa alle mahaddiis, waana ku bogaadinayaa in uu farta ku fiiqo in ay jiraan dad wanaagga ka soo horjeeda”


ayuu yiri Maxamed Dheere oo sheegay in Odayaasha Dhaqanka Beelaha Hawiye looga baahan yahay in afkaartooda u soo bandhigaan sida Axmed Diiriye oo kale.


Maxamed Dheere oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho ay u muuqdaan kuwo hadda fahamaya halka ay dhibaatada uga socoto, wuxuuna caddeeyay in loo baahnaa in ay garashadaas la yimaadaan sida uu hadalka u dhigay intii aan la dilin dad badan oo bulshada indho u ahaa, kuwaasi oo ay ku jireen gaancsato uu ka xusay Cabaas Maxamed Ducaale, C/kariin Shiikh Ibraahim Dhiblaawe iyo dad kale oo iyagoo aan waxba galabsan Muqdisho lagu dilay.


Banaadir Post