Search This Blog

Saturday, July 5, 2008

Faahfahin ku aadan Sarkaalkii argagaxisada gafuurka duubato ku dhintay dagaalkii Matbaan C/llaahi Cali Afrax [Asparo]



Sarkaalkaan dhintay ayaa waxaa lagu magacaabi Jiray C/llaahi Cali Afrax [Asparo], waxaan geeridiisa u xaqiijiyay Warsidaha Shabakadan xubno sarsare oo ka tirsan Maxkamadaha.


Dilka Asparo oo haysta Baasaboorka dalka Canada ayaa wuxuu yimid kadib markii uu dagaal aad u qaraar dhexmaray Maxkamadaha iyo Ciidamada Itoobiya, waxaana xiliga la dilayay la sheegay inay la socotay xaaskiisa oo aan la garanayn halka ay ku dambeyso.


Mas'uulkaan ayaa ku noolaa muddo dheer dalka Canada, isagoo dib ugu laabtay dalka markii Maxkamadaha Muqdisho kaga itaal roonaadeen hoggaamiye kooxeedyadii xilligaas ka talinayay caasimada iyo daafaheeda.


Wuxuu noqday ku xigeenka 2-aad ee Golihii Shuurada Maxkamadaha oo uu hormuud u ahaa Sheekh Xasan Daahir, isagoo markii mucaaradka ay ka itaal rooneen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Dowlada Federalka oo iskaashnaya, uu goostay inuu ka dagaalamo gudaha dalka Somaliya intii uu dib ugu laaban lahaa Canada.


Dhimashada Asparo ayaa laga sheegin warbaahinta gudaha Somaliya, iyadoo taas aan la sheegin sababta kaliftay, waxaana Ma'suulka noo xaqiijiyay dhimashada Asparo uu sheegay in shan sarkaal oo kale ay iyaguna dagaalkaas ku dhinteen.


Sarkaalkaan ka dhintay argagaxisada ayaa wuxuu sidoo kale jago sare ka hayay shirkadda Isgaarsiinta ee Al-barakaad oo magaceeda loo badalay Horumuud, wuxuuna sidoo kale mar macalin kasoo noqday Jaamacad lagu magacaabo Banaadir oo ku taalla Muqdisho.


Dagaalkii ka dhacay Matabaan ayaa la xaqiijiyay in mucaaradka ay kaga dhinteen tiro kor u dhaafaysa 115-qof oo uu ku jiray sarkaalkan iyo kuwo kale; iyadoo dagaalkaa ay iyaguna ku dileen tiro ka tirsan ciidamadii Itoobiya ee ay dagaalka la galeen.


Banaadir Post

Xamar Cade.