Search This Blog

Thursday, May 21, 2009

Wasiirrada IGAD oo sheegay in la cunoqabteynayo Mucaaradka iyo Eritrea,

Wasiirrada arrimaha dibadda ee IGAD oo kulan deg-deg ah shalay ku yeeshay Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa shirkooda kasoo saaray qodobo ay ka mid yihiin in la cunoqabateeyo Mucaaradka Somalia iyo Eritrea.

Shirkan oo ahaa mid si kaddis ah ku dhacay ayaa waxay isku raaceen wasiirrada lixda wadan ee uu ka kooban yahay in la xiro dhamaan garoommada iyo dekedaha ku yaalla deegaannada ay gacanta ku hayaan mucaaradka sida Al-shabaab iyo Xisbul Islaam.

Waa in qodobbadan aan dib loo dhigin, sidoo kalena caalamka uu sida ugu dhaqsiyaha badan gacan ku siiyo xukuumadda Somalia si ay uga hortagto mucaaradka dagaalka kala horjeeda" ayuu yiri Seyoum Mesfin oo shirka gudoominayay.

Moses Wantengula oo ah wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya ayaa isaguna wariyeyaasha u sheegay shirkaas kaddib in dalkiisu uu noqon doono kan ugu badan ee lagu baaro diyaaradaha aadaya Somalia.

Diyaaradaha gargaarka ee u socda Somalia ayaa la sheegay inay tahay inay ogolaasho weydiistaan xukuumadda Sheekh Shariif, iyadoo sidoo kalena la sheegay in cunnoqabteyn la saarayo Eritrea oo lagu eedeeyay inay kaalmeyso mucaaradka.

Wasiirrada Maaliyadda iyo Amaanka Qaranka Somalia ayaa shirkaas ka qaybgalay, waxaana Eritrea oo ka hadashay eedeyntaas ay sheegtay inaysan aqoonsanayn dowlad ka jirta Somalia, sidoo kalena aysan gacan siin kooxaha mucaaradka ah.


Afhayeenka Dowladda C/qaadir Walaayo "Dowladda waxay aad uu soo dhowanaysaa go’aanka ay soo saartay IGAD…”

C/qaadir Walaayo oo ah Afhayeenka Dowladda KMG ah ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheikh Axmed, ayaa waxaa uu sheegay in ay aad ugu farxeen go’aanka ay gaareen Wasiirada Arrimaha Dibadda ee Dowladaha IGAD, islamarkaana ay soo dhaweynayaan Go’aankaasi.
‘’Dowladda waxay aad uu soo dhowanaysa go’aankaas waxayna naga caawin doonta sidii aan Kooxaha Qaska wada uga hortagi lahayn maadama labadaas meel ay hub uga soo geli jirtay,waxayna sidoo kale noo fududayn doonta dib uu soo celinta amaanka guud ee dalka." Ayuu yiri Afhayeenka Dowladda KMG ah.
Waxaa sidoo kale la weydiiyayay siduu uu arko eedeymaha loo soo jeediyey Dowladda Eriteria oo ah in ay taageerto Kooxaha Islaamiyinta ayna hub iyo dhaqaale ku taagaeerta,waxaa uu ku jawaabay.
Sidoo kale wuxuu C/qaadir Walaayo Afhayeenka Dowladda KMG ah waxa uu yiri "Waa wax xaqiiq ah, Wasiirka Amniga Qaranka waxaa uu asbuuci aan soo dhaafnay warkaas xaqiijiyey una sheegay in Dowladda Wadanka Soomaaliya arintaas Cadeymo uu hayso,sidoo kale Dowladda Wadanka Eritrea waxay si bareer ah u sheegtay in wax Dowlad ah aysan ka jirin Wadanka Soomaaliya’’.


C/qaadir Walaayo waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay uu qorshaysantahay in dalka ay dib ugu soo dabaasho Nabaglayo iyo kala dambayn waarta Soomaaliya ka dib 18-sano uu Wadanka ay ka socdeen Dagaalo sokeeye.

Banaadir Post

Moqdisho.